Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duleedka Magaaladda Buuhoodle Madal sharaxan lagu caleemo saaray Weedha siyaasiyiinta,kooxda Dhaqanka.

0
Thursday January 15, 2015 - 19:02:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duleedka Magaaladda Buuhoodle Madal sharaxan lagu caleemo saaray Weedha siyaasiyiinta,kooxda Dhaqanka.

    Buuhoodle.(xogreebnews.com- Munaasibad Balaadhan ayaa lagu caleemo Saaray Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duleedka Magaaladda Buuhoodle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buuhoodle.(xogreebnews.com- Munaasibad Balaadhan ayaa lagu caleemo Saaray Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duleedka Magaaladda Buuhoodle.

Buuhoodle.(xogreebnews.com- Munaasibad Balaadhan ayaa lagu caleemo Saaray Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duleedka Magaaladda Buuhoodle.

Masuuliyiin isaga kala yimid dalalka Somaliland, Somalia iyo Kililka shanaad ee Dalka Ethiopia ayaa ka soo qayb galay Munaasibadan.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ka soo qayb galay Munaasibadaas oo aad u balaadhnayd.

garaaadWasiirka Warfaafinta ee Maamulka La Baxay Khaatumo oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in masuuliyiin iyo dadyooow tiro badani ay ku soo marti qaadeen Munaasibada Caleemo Saarka Garaadka, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in loogu marti yahay maamulkooda Deegaankan uu


caleemo saarku ka dhacayay.

Waxaanu yidhi “Waxa nagala soo qayb galay xafladan waftiyo balaadhan oo isaga kala yimid maamul Goboleedyada Jaarka ah, waxaanan leeyahay waxa aad timaadeen Dalkiinii, waxaanan idiinka mahad celinaynaa sida fiican ee aad uga qayb gasheen” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka Khaatumo Cumar sheikh oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Munaasibadani waa munaasibad qaali ah aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay ilaahay amni iyo nabad galyo ayuu naga siiyay, si fiican baanu ugu soo dhaweynay dadkii martida ahaa ee ka imanayay darisyada, waxa aanu aad iyo aad ilaahay uga baryaynaa in uu noqdo garaadkii lagu dego ee lagu tanaado ee umada soomaaliyeed iyo umada khaatumo ee lagu caleemo saaray in uu uga dhigo mid cimri dheer iyo caafimaad qab u horseeda. aad iyo aad bay xaaladayadu u fiican tahay dadka martida ahna waxa aan leeyahay soo dhawaada, gurigu waa gurigiinii soo dhawaada nabad galyadu waa fiican tahay, dibna waanu u amba bixin doonaa hadii alle idmo qof kastaana halka uu ka yimid ayaanu u amba bixin doonaa”ayuu yidhi.

Somaliland oo ay munaasibadan uga qayb galeen Wafti uu hogaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa uu sheegay in munaasibadu ay tahay mid dhaqan, hasayeeshee aan looga baahnayn in lagaga hadlo arrimo siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Khaatumo oo isagu sheegta in uu ka taliyo dhulkaasi ayaa isu arka in uu yahay Mid loogu marti yahay Magaaladda Buuhoodle.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured