Reer Hargeisa maxay uga doodi waayeen Warshadii laydhka ee laga iibiyay ganacsatada si laydhka loogu dalaco shacabkii masakiinta ahaa
Daahir Rayaale oo ay ka dhigeen laga barayba laga badi.
Waxa dhawaan marqudha xaraash lagu bilaabay labadii warshadood ee korontada ee dowladii
Waxaan Maanta
halkan idinku soo gudbinaya inaad ila wadaagtaan dareenkayga ku aadan dowladan
kulmiye ee shalay ku eedaynaysay xukuumadii Udub hantidii wadanka aya la
xaraashaya ee maxaanu ku gaadhi. Hadalkan oo u ekaa in lexo jeclo ka hayso
wadanka reer Kulmiye ahaydna sababtii loo doortay kulmiye. aya waxa layaab igu
noqotay in kulmiye kaba sii daro xukuumada Daahir Rayaale oo ay ka dhigeen laga
barayba laga badi. Waxa dhawaan marqudha
xaraash lagu bilaabay labadii warshadood ee korontada ee dowladii Siyaad Barre
inooga tagtay ee magaalada Barbara iyo Hargeisa hadaba reer Barbara arintan waa
ka biyo diideen waxayna ku sheegeen siday uga gadoodeen arintan mudaharaad
salmiya oo maanta ka dhacay Barbara hadaba reer Hargeisa maxa iyaga helay ma
fadhi ku dirir ayay arintoodii soo dhaafi wayday iyo goobaha dadku isugu
yimaadaan sida marfashyada Maqaaxiyahaa iyo meelaha kale ee bulshadu isugu
timaado. Iibka warshada laydhku maaha wax dhib yar sababtii markii hore
dowladii Mulatariga ahayd ee Siyaad Barre uga dhigtay dawli iyo inay xukuumadu
maamusho waxay ka xishoodeen in wax shacabka oo dhan ka dhaxeeya dadgaara looga
faa,ideeyo Maanta magaaladii
Hargeisa wax walba waa la iibiyey waxaad mooda wadanka inay jabhad
fadhataysanaysa qabsatay waayo wax walba oo magaaloyinka waawayna
lahayeen wa la iibsaday markasa misaaniyada lagu badiya wa wax lala yaabo. Shaqaalihi warshada
korontada Hargeisa oo qaarkood sodon sano inka badan ka shaqaynayeen aya hada
la duudsiyay oo cirka loo diray shirkadaha laydhka ee wadanka ka jira wa dhiig
miirato aan arxanka aqoonin haduu shidaalku jabo aan waxba jabinayn oo dadka
dhiigooda cuna wa shhirkadaha laydha ee dunida ugu sixirka qaalishan halka UNIt
wa 1.20 dollars wa wax lala yaabo hadaba dowladii dadka ka nixi lahayd ee
dhaqaalayn lahayd ee shacabka ganacsatada ka ridi lahay sida Ethiopia oo inala
jaara wa dalka ugu gaadiid raaca jaban dunida sababtuna waxay tahay shidaalka
ay helaan inagama jabnee dowlada aya kabta dowladii caqli lihi sidaasay
dadkeeda u xanaanaysa lakiin maanta markii guryihii iyo dhulkii danta guud ee
Hargeisa la madhiyay aya la gadaya warshadii laydhka si lacag looga helo waliba
xisbiyada dadka u doodi laha aya ka qayb galay xafladii lagu la wareegayay
warshada. Waxaan ugu baaqaya
shacabka reer Hargeisa inay ka dhiidhiyaan oo fadhiga ka kacan oo wax ka
qabtaan musuqan lagu cunaayo warshadii laydhka Hargeisa si wada jira waa in
looga hortaga oo meel looga wada soo jeesta boobka hantida dalka waxaan ku soo
afmeeraya hadalkayga heestii Maxamed Mooge ee halgankii ( Tolaay reer Hargeysaw
dhankaad iga xigtaanbay dhaxantu iga haysa)qalinki guledgardaadshe@gmail.com
Hargeisa Somaliland Leave a comment |
|
Reer Hargeisa maxay uga doodi waayeen Warshadii laydhka ee laga iibiyay ganacsatada si laydhka loogu dalaco shacabkii masakiinta ahaa
Daahir Rayaale oo ay ka dhigeen laga barayba laga badi. Waxa dhawaan marqudha xaraash lagu bilaabay labadii warshadood ee korontada ee dowladii