Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis U Fidiyay Laba Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Boorama

0
Thursday January 15, 2015 - 18:38:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis U Fidiyay Laba Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Boorama

    Hargeysa (xogreebnews.com— Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa cafis u fidiyay Laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha degaanka Boorama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com— Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa cafis u fidiyay Laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha degaanka Boorama.
Hargeysa (xogreebnews.com— Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa cafis u fidiyay Laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha degaanka Boorama.
Madaxweynaha Somaliland ayaa Cafiska Xildhibaanada u daliishaday Qodobo dastuuri ah balse ma uu sheegin sababta wakhtigan loo fasaxay maadaama hore loogu haystay arrimo qaranka ka dhan ah oo khalkhal galinaya amaanka.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu dhawaan u ambabaxo dhinaca Boorama, iyadoo arrintaasina lala xidhiidhinayo cafiska mudaneyaasha Boorama.
Cafiska Madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2911/012015, uu cafis ugu fidiyey laba xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;
Markuu Tixgeliyey: Codsiga Cafiska ah ee Xildhibaanada halkan ku lifaaqan.
Wuxuu Go’aamiyey
In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista Xildhibaan Xasan Muxumed Cumar iyo iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Liibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Boorama.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured