GALBAY: MAANSO BAROOR DIIQ AH OO LOO SAMMEEYEY MARXUUM, MAXAMED-RASHIID MUXUMED FAARAX

0
Wednesday January 14, 2015 - 17:08:42 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GALBAY: MAANSO BAROOR DIIQ AH OO LOO SAMMEEYEY MARXUUM, MAXAMED-RASHIID MUXUMED FAARAX

    GALBAY: MAANSO BAROOR DIIQ AH OO LOO SAMMEEYEY MARXUUM, MAXAMED-RASHIID MUXUMED FAARAX

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GALBAY: MAANSO BAROOR DIIQ AH OO LOO SAMMEEYEY MARXUUM, MAXAMED-RASHIID MUXUMED FAARAX
Ma Galbay waa maanso baroordiiq ah oo uu curiyay Hal-abuur Idiris Axmed Maxamuud Oo uu ugu baroordiiqayo alle ha u naxariistee halyeey Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, Waxaanu ku bilaabay sidan:-
Siduu guulaheen yidhi
Waa mid geed ka go’anoo
Godka lagu janeegaa
Aniga geeridiisii
Galiilyaa isaaqdoo
Qalbigaa I guuxoo
Gol bay igu banaysoo
Dhulkaa ila gariiree
Geeridu xaq weeyoo
Waa mid loo gudboonyoo
Guulaa kaxaystee
Waxa aan la goohnahay
Inta garanaysaa yare
Isagoon gu weynayn
Inta laga gardaranyee
Lagu giijo xadhiguu
U gargaari jirayoo
Gurmad buu u noqon jiray
Garashada Illaah baa
Gacaloow fogeeyee
Garta wuxuu u naqi jiray
Sidii ruux ku gaamuray
Xeerkii gumaynlaa
Guubaabshayaashiyo
Gidigood warfidiyaha
Isagaa guhaadoow
U daruuray gaashaan
Waxa aanan geedoow
Galab qudha ilaabayn
Waagii guduutaba
Gobolada dalkeenuu
Goobyaali jirayoo
Golahuu u talin jiray
Gabanada u jooguu
Xaalkooda guudiyo
Gada ay ku suganyiin
Soo goobi jirayoo
Kuwa ila gudbooniyo
Geeraaradaydiyo
Ani gabayadaydiyo
Diiwaanka guunka ah
Ayaa geeljirow qiri
Dadku waw gudboonaa
Ruuxna goonidiisiyo
Gaar uma ahaan jirin
Geedbuu ahaan jiray
Laga goosto midhahoo
Marna millicda laga galo
Gacantiisu waligii
Marna may gudhnaan jirin
Siday gacalayaashay
Gaar iigu sheegeen
Meel la isku gaatamay
Ragna geesahays daray
Gurmad iyo wanaagiyo
Kala gaadhis mooyee
Wali gees kamuu noqon
Gardariyo xumaaniyo
Ninka gaadmo ula taga
Gadacoow kamuu ladin
Jeeruu ka goostuu
Gacantiisa kaga jaro
Wuxuu gaystayoo qudha
Godka lagu janeeyoow
Geesta kale nin gaafkii
Gurgurshaaga awree
Reeruhu ku guuriyo
Gaadiid sidiisuu
Guudkaa ku sidan jiray
Gadaafooyinkoo idil
Isagoo ka goyn kara
Ruuxii gabood falay
Waxaan uga gol leeyahay
Waa tii guyaal hore
Odayadu gudoonsheen
Inaan geedahaba qaar
Loo quudhin gudintee
Isagana gadoo kale
Dadku uma gudboonayn
Gaf haday sameeyaan
Gidigeen xabaalbay
Gogosheenu taaloo
Adduunyadu galaaloow
Galin weeye qudhahoo
Waa guul waraaboo
Qofna gaaxanmaayoo
Gocashiyo xumaaniyo
Gama oo aan diidiyo
Goortaan xasuustaba
Waxa aan la giigaa
Goofkuu baneeyiyo
Yaa gali halkiisii
Yaa gabanadeenii
La guhaadin jiray iyo
Inta laga golwayn yahay
Sida gabanaduu dhalay
Oo geeri loo xidhay
Geedka yaa intuu tago
Gartii ay lahaayeen
Gabanada usoo dhicin
Weedhihii ganaa iyo
Gumiciyo rasaastii
Yaa gantaalihii ridi
Yaa inan gumeedada
Gurta maalka guudee
Gawskooda mooyee
Guusha aan danayn
Taariikhda aan gudhinee
Goor kastaba ahaatiyo
Diiwaanka yaa galin
Weedhayda geesoow
Hadaan soo gunaanado
Gayigeena caawaba
Gabalbaa u galayoo
Waa soo guduutana
Guulaha Illaah-baa
Gaadhsiin karaayee
Gurigii samaayoow
Nabigii garoomada
Guulaha Illaahay
Guudka uu ka saariyo
Geeshkii asxaabtii
Gole loogu geeyoow
Godka loo siraadyoow
Wixii uu abaal galay
Rabi ugu gargaaryoow
Duco aan gudhaynbaa
Inta aan gadaal jiro
Kuu soo gudbinayaa
Gundhigeeda maansada
Galbay loogu magac daray
Waxaan ugu garsheegtoon
Dadka ugu gudbinayaa
Geerida rashiiduun
Mid u gaara maahee
Nin rageedku guuleed
Marka uu galbadoo
Gudbo ee fogaadee
Godka aado uunoo
Goonyaha la eegoo
La gunuuso maahee
Intuu guudka joogaa
Garab loo noqdaayoo
Wuxuu guulo keeniyo
Wuxu gool dhashoo idil
Gacan loogu taagaa
Waxa gaar u haystee
Gubayee cusleeyaa
Gunta loo ogaadaa
Gayigeena maantaba
Qaar garasho dheeroo
Guunyo haysan-baa badan
Nin rageedka gamashiyay
Gacantiisu madhan tahay
Intii barri markuu go’o
Loo soo guclaynlaa
Waa inaan la gees marin
Gabagabada xaajada
Waxaan uga gol leeyahay
Aakhiro gargaariyo
Garashiyo xigaal male
Gacal iyo xigaaliyo
Hadda gaar xilleed male




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured