Wajiga Cusub Ee Awood Ku Dirirka Somaliland Iyo Soomaliya Goorta uu bilawday Iyo Halka Uu Saldhigi Doono….

0
Wednesday January 14, 2015 - 17:05:14 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wajiga Cusub Ee Awood Ku Dirirka Somaliland Iyo Soomaliya Goorta uu bilawday Iyo Halka Uu Saldhigi Doono….

    Wajiga Cusub Ee Awood Ku Dirirka Somaliland Iyo Soomaliya Goorta uu bilawday Iyo Halka Uu Saldhigi Doono….

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wajiga Cusub Ee Awood Ku Dirirka Somaliland Iyo Soomaliya Goorta uu bilawday Iyo Halka Uu Saldhigi Doono….
Tariikhda Idaacadaha soomaaliya waxa ugu horeysay Radio Hargeysa oo uu Gumaysigii Ingiriisku asaasay sanadkii 1941, ka dib markii la jabiyey Gumaysigii Talyaaniga ee Soomaaliya oo dhan gumaysan jirey sanadkii 1936 ilaa 1941. Ujeedada Gumaysiga Ingiriiska oo markaa ahayd inay hesho Idaacad afsoomaali ku hadasha oo ay umada soomaaliyeed ugu gudbiyaan hadafyada siyaasadeed ee boqortooyada Ingiriiska.
Sababta ugu weyn ee Talyaanigu ku jabay waxay ahayd isaga oo aan haba yaraatee ka fikirin in Idaacadu door weyn ka qaadan karto hadafka siyaasadeed ee uu markaa Talyaanigu watey.
Inkasta oo aanu dadka badankiisu wakhtiga aanu haysan raadiyaal ay Idaacada ka dhegaystaan marka laga reebo tiro yar, hadana dadka badankiisu waxay barnaamijyada ka baxa radio Hargeysa isugu gudbin jireen dhinaca hadalka iyo fariimaha oo ay soomaalidu caan ku tahay.
Marka laga reebo barnaamijyada borobogaandada Gumaysiga Ingiriisku watey, waxa kale oo Radio Hargeysa ka bixi jirey, heeso dhaqan Soomaali ah oo aan muusig la loson, Suugaan iyo sheekooyin dhaqanka Soomaalida ka waramaya. Quraanka Kariimka iyo Nabi amaan ayaa marmarka qaarkoodna laga siidayn jirey.
Laba sano ka did Gumaysiga Talyaaniga ayaa maqlay in Gumaysigii Ingiriisku Idaacad ka furey Hargeysa bilawgii sanadkii 1943 waxa uu Talyaanigu isna furey Radio Muqdisho si uu tartar dhinaca Saxaafada ah ula galo dalka Ingiriiska. Idaacada Radio muqdisho waxa iyana ka bixi jirey barnaamijyo la mida kuw a ka baxa Radio Hargeysa, lakiin waxay ku kala duwanaayeen afkaarta iyo dacaayadaha labada gumaysi hawada isu mariyaan.
Barnaamijyada labada Idaacadood ka kala bixi jirey waxay u badnaayeen kuwo umada soomaaliyeed isku diraya oo midba midka kale ku tilmaamaya dad la gumaysto oo duli ku hoos nool.
Tusaale ahaan: Radio Hargeysa waxa ka bixi jirey barnaamij talyaaniga lagu dhaleecaynayo oo la odhan jirey : Talyaanigu waa fashiishte dadka kaga talaaba wabiyada . Radio Hargeysa waxa kale oo ka bixi jirey barnaamij halkudhegiisu ahaa (English Gentlemen ) oo lagu falanqeyn jirey in askarta Ingiriisku ay ka nadaafad badan tahay askarta Talyaaniga kana direys qurux badan yihiin. Taa bedelkeeda Talyaaniguna Radio Muqdisho wuxuu ka saari jirey barnaamijyo ku lid ah Ingiriiska oo ay ka mid ahaayeen in Ingiriisku yahay khaayin aan la aaminin karin balantana aan ilaalin. Idaacada Muqdisho waxa kale oo ka bixi jirey Barnaamij loogu magac dari jirey barnaamij aad dadku u dhegeysan jireen oo ahaa in Ingiriisku isticmaalo nidaamka (Divide and Rule) ama qaybi oo xukun una kala dab qaada Qabaa’ilada Soomaaliyeed dabna kala dhex dhigi jirey.
Dhinaca Khayraadka dalka Soomaaliya: Talyaanigu wuxuu guran jirey waxsoosaarka dalka Soomaaliya iyo xoolaha nool iyo kaluunka, halka Ingiriisku isaguna uu guran jirey macdanta Somaliland ay qaniga ku tahay.
Sanadkii 1949 ayaa Jaamacada Qoromaha ka dhaxaysi ay la wareegtey maamulka Somaliya ka dibna Jun 26 1960 ayaa xornimada Somaliland lagu dhawaaqay halka shan casho ka dib Koonfurta Soomaaliya lagu dhawaaqay la halkaasna ay ka dhalatey Jamuuriyada Soomaaliya.
1960 ilaa 1991 Dalka Soomaaliya wuxuu lahaa laba Idaacadood haliya: Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho oo labaduba ahaa Idaacado Gumaystayaashii reer Yurub ka tageen. Waxa jirey oo kale Tvga qaranka Soomaaliyeed. Waxa xusid mudan in xukumadihii isaga kala danbeeyey Soomaaliya ay iyaguna mareen dariiqii gumaystuhu jeexay isla markaana ay Idaacadaha dalka iyo Tvga u adeegsan jireen danaha gaar ah ee siyaasadaha ay dalka ku xukumayeen.
1991-2004. Waxa cidwalbaa furatey- Idaacado madaxbanaan, Telefiishino casri ah iyo websiteyo tirada ka batey oo cidwalbaaba fursad siiyey inay dareenkooda iyo danaha gaarka ah ee ay leeyihiin ku qaadaa dhigto.
Wajiga cusub ee awood ku dirirka Somaliland iyo Soomaaliya muxuu noqon?
Sanadkan inoo bilawday ee 2005 ilaa 2020 waxa laga yaaba in la arko siyaasiin iyo tijaar Soomaaliyeed oo ku fikira inay gacanta ku dhigaan Media Soomaaliya iyo Somaliland iyagoo isticmaalaya maaliyad aad u weyn oo ay ku iibsanayaan dhamaan Tv yada afka soomaaliga ah ku hadla.
Hadafka Siyaasiinta Soomaalidu waxa uu la mid noqon doonaa kii gumaystayaashii aanu kor ku soo xulay ee ahaa inay awooda Saxaafada gacanta ku dhigaan si dadka intiisa gacanta ugu dhigaan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan labadaba.Telefiishinada Soomaaliyeed waxay isugu biyo shuban doonaan kuwo qaramaysan oo ku hadla afka siyaasiinta mulkiilayaasha ah oo kaliya ee ugu awooda badan Somaliland iyo Soomaliya.
Meesha waxa ka bixi doona shacabka soomaaliyeed ee dhibanaha ah iyo siyaasiinta laga dhaqaale badan yahay oo iyagu noqon doono riciyad ama shacbi ay hagaan mulkiilayaasha mustaqbalka Saxaafada Soomaaliyeed.
Somaliland iyo Soomaaliya waxa dhex mari doona dagaal dhinac saxaafada ah oo midba midka kale ku dhaleecaynayo arimihiisa gaar ahaaneed. Taasi waxay dadka badankiisa xusuusin doontaa barnaamijyadii aanu kor ku xusnay ee borobogaandada Ingiriiska iyo Talyaanigu hawada isku m arin jireen wakhtigii gumaysiga.
Waa run, tariikhduna iyadaa dib isu soo celisa sheekaduna sidii ay ku bilaabantey ayey ku dib ugu noqon doontaa ilaa la helo xornimo kale oo buuxda oo umada Soomaaliyeed markale ka helaan gumaystaha casriga cusub ee Soomaalida iyo Soomaaliya.
By/ Maxamuud Cabdillahi Roble
robleamin@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured