“Beenta, Tuugada, Khiyaamada, Musuqa Iyo Maasuqa Marka La Hor Keeno Golaha Wakiilada Waa U Caado In Xildhibaan Laaxin Isla Taago

0
Wednesday January 14, 2015 - 16:56:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Beenta, Tuugada, Khiyaamada, Musuqa Iyo Maasuqa Marka La Hor Keeno Golaha Wakiilada Waa U Caado In Xildhibaan Laaxin Isla Taago

    Hargeysa (xogreebnews.com_Gudoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa si adag u naqdiyay farsamada inta badan Xildhibaanada Wakiiladu isticmaalaan ee ah in duuduub lagu ansixiyo Xeerarka iyo Miisaaniyadda ama Xisaab xidhada la hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_Gudoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa si adag u naqdiyay farsamada inta badan Xildhibaanada Wakiiladu isticmaalaan ee ah in duuduub lagu ansixiyo Xeerarka iyo Miisaaniyadda ama Xisaab xidhada la horkeen. Waxa uu
Hargeysa (xogreebnews.com_Gudoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa si adag u naqdiyay farsamada inta badan Xildhibaanada Wakiiladu isticmaalaan ee ah in duuduub lagu ansixiyo Xeerarka iyo Miisaaniyadda ama Xisaab xidhada la horkeen. Waxa uu arrintaas masuuliyaddeeda ku canaantay xildhibaano Madaxtooyada xidhiidh la leh.
Qoraal Dheer oo Cali Guray Arrintan kaga hadlay ayaa u dhignaa sidan:-
Sax iyo qalad wixii mooshin ah ee dhinaca xukuumadda ka yimaada in Baarlamanku aanu wax dood ah ka yeelan haday faan moodayaan waa fadeexad. Beenta, tuugada, khiyaamada, musuqa iyo maasuqa marka la hor keeno Golaha Wakiilada waa u caado in Xildhibaan Laaxin isla taago, ama mid kale ka dhex hadlo, oo yidhaa DUUDUUB AAN KU ANSIXINO, taas oo looga jeedo in aan mooshinkaasi goluhu ka doodin oo aan dadku maqal runtana la ogaanin.
Ilaa konton xildhibaan oo dhamaantood ka cilmi iyo aqoon iyo waayo aragnimo badan Xildhibaan Cali Laaxin ayaa hadana uu u yahay mudan iyo kacbo ay dawaafaan oo dul wareegaan, sababta oo ah xildhibaanku waa xidhiidhiyaha laaxin gelinta ee isaga dab qaada sedexda gole waxanu hoosta kaga lifaaqan yahay madaxtooyada oo uu ugu naban yahay sida ay ugu nugushahay.
Intee ayaynu aragnay mooshin ay xukuumaddu u soo gudbisay Wakiilada oo inta uu Cali Mareexaan ka dhex kacay uu leeyahay “duuduub ha lagu ansixiyo” oo inta uu xidhibaan kale istaagay leeyahay waar u kaadiya xil baa ina saarain oo waa la ina aaminaye bal inta aynaan ansixin aan akhrino oo ka doodno ka dibna cod u qaadno.
Waynu ognahay in labada xildhibaan ka dambe sax yahay hadana kuwo la la soo taabtay mar keliya kula wada booda oo sida dacwga ku ciya xalkuna wuxu noqdaa in intii dameerkoodu noolaa uga dareeraan. Runtii duuduub ku anisixintu waa muraayad aynu ka arki karno heerka tayada ee golaheena wakiilada iyo xil ma dhibaanada lagu hoogay ee lagu ba’ay ee lagu khasaaray. Aragood nac tar kitaabay gacanta wada saareen oo ilaahay magaciisa ayay ku wada dhaarteen hadana sax iyo qalad, run iyo been, khiyaamo iyo tuugoba waxay la soo taagan yihiin duuduub ku ansixi. Waxay kaga daran yihiin magaxumadooda ayay guul u qaataan fool xumadooduna qurux baabay la tahay. Ciil waynaa oo ayaan daranaa dadka Somaliland kuwaas ayaa sharci dejin u ah oo toban sanadood soo hor fadhiyay.Waxa ka daran shuruucda ay kuwaasi dejiyeen inta saxa ka ah lama dhaqan geliyo lakiin inta laaxinka ah inta aan madaxwaynuhu saxeexin ayaa la dhaqan geliyaa hadii aanu ahayn sharci darro lagu dhaqmayay oo la xalaalaysanayo sida aynu in badan aragno.
Waxa la yidhi mayd maxaa ugu dambeeyay iyo kaa la sii sido eh yaa eegay miisaaniyadda 2015ka ee duuduubka lagu ansixiyay iyo weliba xisaab xidho la yidhi waa lixdii sanadood ee ugu dambeeyay oo dhamaantood duuduub lagu ansixiyay. Inta aan duuduub lagu ansixinin horta sow may haboonayn in la hubiyo maxaa sax ka ah maxaan ka ahayn. Haa marka wanaag iyo dan loo jeedo maya se marka qudhun la huursanayo ilayn xalaal duhur baa la qashaaye
Wasiirka Madaxtooyadu markii uu gudoomiyaha Wakiilada lahaa sankiisaan caano ka keenayaa muu qarsan ee wuxu ku faanay 23 sharci baanu marsanay runtiina way ahayd Allahayow se inta laaxin ku jirtaa badanaa saa Xeer lam. 14 baaba ku jira eh. . HAdii ay wax walba duuduub ku ansixi iyo hadba sida ay xukuumadu doonayso wax walba u dhig tahay markaa waxa is waydiin leh in gebi ahaana loo baahan yahay wax sharci dejin la yidhaa iyo in aan looba baahnayn ee xukuumadda uuni wixii ay doonto sideeda isaga wadato. Taasi se halkay ka soo gashaa dawlad wanaaga?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured