Wasiir xirsi: Farxadbay ii tahay in aynu maanta ka qayb-qaadano dawga-cad oo la furayo oo hawshisii socoto, horumar fiicana sameeyey.

0
Wednesday January 14, 2015 - 16:51:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir xirsi: Farxadbay ii tahay in aynu maanta ka qayb-qaadano dawga-cad oo la furayo oo hawshisii socoto, horumar fiicana sameeyey.

    Hargeisa(xogreebnews.com_Wadooyinku waa qay muhiim u ah horumarka, dabacn waxay leedahay culay dhaqaale iyo mid farsamo, yes waa wax la qabankaro waana aynu qabanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Wadooyinku waa qay muhiim u ah horumarka, dabacn waxay leedahay culay dhaqaale iyo mid farsamo, yes waa wax la qabankaro waana aynu qabanay
Hargeisa(xogreebnews.com_Wadooyinku waa qay muhiim u ah horumarka, dabacn waxay leedahay culay dhaqaale iyo mid farsamo, yes waa wax la qabankaro waana aynu qabanay wax badan inagoo aan fududaysan aan wjahano xaqiiqada waayo qofka wax degdeg u qaataa degdeg ayuu u daalaa, waxan leeyahay war waa wado dheer, waa 105KM, waxay samaynay keliya 4km tacab badan u baahan, tacabkaa aan isu dhigno, aan isu diyaarino debed iyo gudaba, inaynu ka qayb qaadano, yaan la qolaynin, yaan la cuqdadaynin, yaan cid gaara ula jeedo loogu samaynin mid xun iyo mid santoona, ha noqoto waddo qaranku leeyahay.
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Buurahaa waxaynu dhaqaajin karnaa oo dumin karnaa inagoo isku duuban, inagoose qolo,qolo, gaar-gaar iyo group-group ah waxba ma qabsan karno taa ogaada.
*******************************************************************************
Marlabaad farxadbay ii tahay inay guddigu halkan ka sheegaan inaanu si laxaadleh uga qayb qaadany iminkana ay waydiisteen gacantii dawlada, dalabka cusub ee ay madaxweynaha ka dalbadeen madaxweynaha, madaxweynihiina wuu joogaa, diyaarna waa loo yahay. ninbaa laga hayaa dhirbaaxada ceel-cadbaan uga imid, wixii la bixinayo wuxuu madaxweynuhu halkan u yimid in wixii uu bixinayo iyo wixii uu ku deeqayo iyo wuxuu qabanayo uu golaha yimaado & fagaaraha.Muhiim maaha halkan inuu kaga dhawaaqo wadooyinkii horeba miisankan oo kale kagama dhawaaqin, laakinse waxaan hortii sii sheegayaa in aanu si mugleh uga qaybqadanayno horena aanu uga qaybqaadanay, imikana ka qaybqaadan doono insha allaahu tacala.wadooyinka Dalka ka socdaa guud ahaan waa badan yihiin, muhiimadoodu way kala duwan tahay iyada oo dhaqaaleheenu, iyo awoodeenu yartahay oo ay kooban yahay ayaa hadana dedaalkeena, isu tageena, iyo wax urursigeena ay muhiim tahay in aynu la nimaadno hankii iyo himiladii aynu wax ku qabsan lahayn. Waayo bulsho aan wax qabsan oon hankeedii la iman oon dhaqaaleheedii la iman oon tacabkeedii la imani meel ma gaadho.
Wadooyinka Dalka isku xidhaa sida laga yaabo inaad intiina badani aragteen, bandhigii aanu ku soo bandhignay, (Vision)ka ama aragtida 20ka sanadood qaabka wadooyinku isugu xidhmi doonaan, wadooyinku waa waxa dalka isku xidha (road network) dalka isku xidhi doona, waanu soo bandhignay iyada oo boodhadh waa wayn oo magaalada hargeysa ku dhejisan, saxaafadana waanu ku soo bandhignay, sidoo kalena golaha wasiiradaanu (presentaion) kaga jeedinay qaabka aanu ugu talo galnay, waxay noqon doonaan sida qaabkaa aanu ku tilmaanay inay wadooyinka qaarkood isku xidhaan gobol ilaa gobol, qaarkood isku xidhaan degmooyinka Dalka, qaarkood isku xidhaan (Resources) ama dalalka kale ama dalkeena isku xidhaya sida wadadan aynu joogno oo muhiimad u leh inay bada inagu xidhayso oo muhiimad u leh inay suuragal tahay in laga sii qaado ceel-sheekh oo ilaa jabuuti oo dal kale inagu xidho, sida wadada wajaale oo inagu xidhaysa dalkale ama ahaydba intii ka dhinayd Adis-ababa ilaa berbera oo la isku xidhay. Xukuumadan uu hogaaminaayo axmed maxamed silaanyo ayaa isku xidhay oo way dhamaystiran tahay.Sidoo kale wadada Boorame oo kale oo iyaduna ka go’nayd oo iyaduna ah gobol wayn xukuumada ayaa isku xidhay oo isku xidhkeediina wuu dhamaaday, marka laga tago inta dib u habaynta lagu samayn doono, kala baydh iyo dilla ee hore u dhisnayd, laakiinse dib u habaynta lagu samayn doono iyadoo mashruuca (Somaliland Development Fund), ugu jirta laba milyan oo dollar iyo googo oo wadadaasi lagu dhisayo, sidoo kale wadada ceerigaabo oo iyadu lixda gobol ee kale marka loo eego go'doon ka ahayd oo dalka ka go’an, iyadana gacantaanu ku haynaa, sidii aanu marmar badan sheegnayna in ka badan 100KM, baanu waxna samaynay, wixii kalena aanu gacanta ku haynaa lacagteedii, waxaynu ku soo bandhigo doonaa markeeda.Waxaan jecelahay in aan guud ahaan ka tilmaamo wadooyinku muhiimada ay leeyihiin, ma-lihin Airport-yo badan iyo dekedo badan marka laga tago labadaa madaar ee imika inoo shaqeeya iyo madaaradaa aan weli laamiga la dhigin ee gobolada kala duwan labada madaar ee berbera iyo hargeysa ayuunbaa wax madaaro caalamiya oo imika ino shaqeeya jira oo diyarado waa weynu ka haadi karaan kana soo degi karaan, shayga labaad ee wadama isku xidhaa waa dekedaha, waxa shaqeeya oo deked la odhan karo waxa ugu fiican dekeda berbera oo number one ah.Marka laga tago saylac oo aan dhamaystirnayn iyo dekedaha yar yare e xeebta ku taxan ee dhawrka ah ee aan iyaguna weli la (develop)-garayn.
Markaa madaama oo waxa aynu haynaaba sidaasi u yar yihiin waxaynu u baahanay in si dalku horumar u gaadho in (connections) kii iyo isku xidhkii dalalka iyo debedahaba yeesho, wadooyinku bada u dega ee halbawlaha ah waa koob iyo toban meelood ayaa inta muhiimka ah ee waa weyn yihiin, way jiraan meelo yar yar oo badani, tani aynu joogno ka mid tahay, labaa xagan inaga xiga, wadada dhoobo ee boorama ka baxda, wadada ka sokaysa ee meesha la yidhaahdo cali-xaydh ku dhaadhacda, wadada aynu joogno ee dawga cad, berbera ka dhaadhacda ee kodayare ka dhaadhacda, ta ka shishaysa ee madheera iyo cadaadlay, meesha la yidhaahdo jarato, ta dawga caanka ah ee la yaqaan ee dawga sheekh, ta dawga meriye, ta hartiyimi ee ka dhaadhacda meesha la yidhaahdo gudmo-biyo cas, ta u dhaadhacda xiis, ee waddo madheedh la yidhaahdo, iyo ta caanka ah ee maydh u dhaadhacda ee tabco la yidhaahdo, iyo wadada weyn ee geeldoora oo iyana ku dhaadhacda meesha la yidhaahdo laasqoray, way jiraan dhawr waddo oon ka booday laakiin intaas oo wado waxay yihiin wadooyinka inagu xidhaaya badweynta ( redsea )ga, ee suurto-gelinaya (resources) keena ama dhaqaaleheena iyo xooleheena bada jiifa, inaynu u doonano, markaa muhiimada noocaasi ah ayey wadooyinku leeyihiin gaar-ahaan wadooyinka noocan ee u dhaadhaca xeebta.
wadadan markaan u soo noqdo siday sheegeen gudidu qayb lexaadleh ayaanu ka geysanay imikana diyaar ayaanu u nahay haday tahay maalintii koowaad ee loo baahnaa gacanta ee la yidhi Miino ayaa loobaahan yahay lagu jebiyo buurta, ciidanka qarankaa madaxweynuhu miinadii u amray, waana tan lagu baneeyey ee lagu kala jeexay buurtaasi aad arkaysaan, haday markii danbe tahay 190,000 oo dollar oo kala danbeeyey ayaa naga soo gaadhay oonu ugu deeqnay wadada, haday tahay gacantayadu marnaba kamay lib-dhayn, haday (security) u baahdaan labada dacalba waxa aanu dejinay ciidan markay u baahdeen ee ay wadeen ka shaqaynayeen, marwalba waxa aanu la dultaagnaynba, baahidooda wixii suurtogal ah ee aanu la qaban karayno, maaha ceeb ee waa sharaf dadku inay iska ururiyaan baahi badana waynu u qabnaa in bulshadeenu is agaasinto oo ay dhaqaalaha iska ururiso oo ay wax wada qabsato.
Waxaan leeyahay wadada intan aynu joognaa waa wax kooban sida uu sheegay Engineer ku 105km weeyi wadadu waa wado dheer 4Km ee dawga cad ee tacabka badani ku baxay 100km wax ka badan ayaa ina sugaya dawlad iyo shicibba, markaa waxa laga yaaba in dadka qaarkii uu qaato himilo dhaw ama wax degdeg ah qaato, qofka wax degdeg u qaataana degdeg ayuu u daalaa, waxan leeyahay war waa wado dheer, tacab badan u baahan, tacabkaa aan isu dhigno, aan isu diyaarino debed iyo gudaba, inaynu ka qayb qaadano, yaan la qolaynin, yaan qaar gaar meel loogu xidhin, yaan la cuqdadaynin, yaan cid gaara ula jeedo loogu samaynin mid xun iyo mid san toona, ha noqoto waddo qaranku leeyahay.
Waxa ii muuqata runtii dad qalad ka turjumay wadadan, waxan maray wadooyinka sidaad ogaydeen markii madaxweynuhu ii diraym debedaha in badan oo ka mida oo aan marayey, dabcan wadada ceerigaabo oo muhiim ah ayaan soo bandhigayey, laakiinse sidaa aan imikaba wadooyinka oodhan u soo bandhigayo ayaan ka waramaayey meeshay marayaan iyo baahida loo qabo iyo muhiimadooda, waxa ii muuqatay dad badan oo qurba-jooga oo halka aynu u baahnayn tartan caafimaad qaba oo qof waliba uu ku dedaalo inuu tartan caafimaad qaba bixiyo, tartan cuqdadleh ayaan ku arkay debeda, waxa iila yaab badnaa inan igula kulmay Minnesota oo igu yidhi 50 milyan baan u ururinay dawga cad, maxay dawladu wax ugu tari wayday dawladu waxba kuma tarine, konton melyan halkan lama soo gaadhsiin oo waynagaa arkayna oo hadii la soo gaadhsiiyey gudidani cidba uma baahateen hadii 50m la soo gaadhsiiyo oo la siiyo, dawladu waxba ma tarto waa kuwa iyagu beeniyey oo dawladu wax way tartay, waxaa loo baahan yahay in aan la cuqdadayn in dadku isku duubnida iyo wada jirka ayuu wax ku qabsadaa.Buurahaa waxaynu dhaqaajin karnaa oo dumin karnaa inagoo isku duuban, inagoose qolo,qolo, gaar-gaar iyo group-group ah waxba ma qabsan karno, markaa waxan leeyahay wadadani waa wado qaranku leeyahay, waa wado muhiima, waa wado halbawlo u ah, ha laga qaybqaato. Kuwa aan waxba ka qaybqaadan oo aan shilin bixin ayaa cuqdadaynaya waxan leeyahay cuqdada ka daaya, waxaan leeyahay guddida ha la garab istaago, deegaanka dhamaantii ha loo kaco, dawladuna sidaa aan sheegay diyaar ayey u tahay inay ka qayb qaadato, horena waanu uga qayb qaadatay, diyaar baananu u nahay waxaana illaahay mahadiiya, intii meelahaa ka odhan jirtay dawladu waxba kuma tarin haday kuwii gacanta ku hayey iyo kuwii tarayey aanu maanta is hortaaganay oo la yidhi dawladu horena way noogu tartay maanta ay ka doonayaan oo ay diyaar u yihiin, waxa aan jecelahay mid kaftana inaan idhaahdo suldaanka oo yidhi deegaankani sida dawlada wax loo waydiisto ma yaqaaniin, dee waxan lahaa qolada deegaankan iyagaa dawadlada aftaqaane, haday dawlada afgaran waydo dee tolow cid inoo afgarataba biloo waynee waxaan islahaa waa turjumaankii oo dadka kale iyagaa ugu ilbaxsane.Deegaankan waa laga yaabaa in dadka qaarkii qalad iska dhaadhiciyo, deegankan wadooyinka ugu badan ayaanu ka samaynay dawlad ahaan, tan aan tilmaamayey mooye ka kaalay, wadada wajaale, 18km, ina oomaar oo 100 kun iyo daamur nasiiyey mooye cid kale waxba nama tarin, waxay ahayd dawlada dhexe (Central Government) iyo 2km oo gabiley bixisay, ayaan ka hadlayaa, inta kale dhamaanteed dawladaa bixisay tolow miyaanay deegaanka ka tirsanayn qoladaasi ma oromaa, waxaan leeyahay wixii aanu qabanay in la sheego ayaanu jecelnay si aanu u godlano oo waxa kale aanu u qabano, waxa socota iyana wadada Alaybaday, waxaanu lahayn wasiirka maaliyadu wuu wada leexiyey oo wuxuu gaar u taray mooye wixii kale waa la ogyahay oo waa dhiibtay, waxaan gaar u leeyahay halkan samsam baa la xusay oo kolay wasiirkana waa laga yaaba, markaa, waxan leeyahay isu soo wada duuduub xukuumadu si (collective) ah ayey wax u qabataa, wasiiradu kii qabtay haday aniga tahay iyo haday samsam tahayba xukuumadu waxay qabatay xukuumada oo dhan baa qabatay diyaarna ay u tahay inay qabato, waxaan leeyahay aan inagoo isku duuban waxna wada dalbano waxna wada qabsano.
Wa Bilaahi Tawfiiq. xirsi cali xaaji xasan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured