Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Amarkii Maxakamaddu Ku Fasaxday Wargeyska Hubaal Ku Sifeeyay Mid Hab Tuugonimo Ah U Soo Baxay

0
Tuesday January 13, 2015 - 21:13:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Amarkii Maxakamaddu Ku Fasaxday Wargeyska Hubaal Ku Sifeeyay Mid Hab Tuugonimo Ah U Soo Baxay

    Hargeysa(Xogreebnews)Xasan Axmed Aadan, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Maxakamadda Gobolka Hargeysa ku fasaxday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Xasan Axmed Aadan, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Maxakamadda Gobolka Hargeysa ku fasaxday

Hargeysa(Xogreebnews)Xasan Axmed Aadan, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Maxakamadda Gobolka Hargeysa ku fasaxday Wargeyska Hubaal islamarkaana ku Ooday ama ku baabi’isay Dacwadii loo haystay. Waxa uu ku dooday inaanay Ogayn Qaraarkaasi Xeer ilaalintu islamarkaana ay wali taagan tahay Dacwadda loo haysto Wargeyska Hubaal.

“Hubaal waxa soo Eedeeyey Booliska,Maxkamadda ayuu in Badan ku jiray, Dacwadan Markii hore waxa gacanta ku Haysay Maxkamada Gobolka,Xafiisk Xeer ilaalintana Nin Xeer ilaaliye Ah ayaa Dacwadan oogayay,Marka La doonayo in dacwadda La oogo Dhinacyada Boolisku way isa soo diyaariyaan Xeer ilaalintana waa loo yeedhaa,Markaas Xeer ilaalintu Goob joog kamay Ahayn Meeshaas Hubaal Lagu Siidaayay.” Ayuu yidhi Xeer Ilaaliye Xasan.

Mudane Xasan Aadan waxa uu layaab ka muujiyay Qaraarka Maxakamaddu ku fasaxday Wargeyska Hubaal “Arrintan Xayiraadda lagaga qaaday wargaysku waa wax lala Yaabo, oo is waydiin Mudan waana arrin Tuugo Ah,Garsooruhuna waxa ay ahayd Inuu Dacwadda Qaado iyada oo loo dhan yahay,Ka dibna Go’aanka Sheego Hadii uu siidayay iyo hadii kaleba ileen isaga ayaa u madax Banaane,Anagu Anbiil waanu ka qaadan karnaa hadaanu saluugno Sida wax loo xukumay,Laakiin Go’aan qayb ah Ayay soo saartay Maxkamadda Dagmaddu.”

Go’aanka soo baxay Maxakamadda Gobolka Hargeysa, ayaa Lagu fasaxay Wargeyska Hubaal oo mudo sanad iyo badh ku siman xayirnaa, waxaana go’aankaasi lagu sheegay in Wargeyska dacwadiisa la tirtiray, waxaanu wargeysku Isniintii ka soo baxay Hargeysa, hase ahatee Go’aan isla Isniintii ka soo baxay Maxakamadda Rafcaanka ee Gobolka Hargeysa ayaa lagu sheegay in Wargeysku xayiran yahay walina dacwadiisu taagan tahay.

Masuuliyiinta Wargeyska ayaa aaminsan in Kiiskooda uu ku fadhiyo Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal oo u adeegsanaya Awooda xilka uu hayo. Maxakamadda Wargeyska fasaxdayna waxay cuskatay inaanay jirin cid dacwadaasi wada oo dhibane ah, inkasta oo Eedaysanaha Dacwadda lagu macneeyay Qaranka maadaama Eeda Wargeyska loo haysta lagu sheegay Arrimo Qaranka ka dhan ah oo uu faafiyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured