WARGEYSKA SAHAN MA AF-HAYEENKA DAHABSHIIL-BA

0
Monday January 12, 2015 - 21:10:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARGEYSKA SAHAN MA AF-HAYEENKA DAHABSHIIL-BA

    Qabiil waa eray ama Tilmaam sheegta cid isku hayb ah, balse soomaalidu waxaa ay u adeeg-sataa sifo kale. Kaaso ah hadaad cid beesha ah wax ku samayso ama aad wax ka qorto amaba aad isku dhacdaan waxaa jiraa dad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabiil waa eray ama Tilmaam sheegta cid isku hayb ah, balse soomaalidu waxaa ay u adeeg-sataa sifo kale. Kaaso ah hadaad cid beesha ah wax ku samayso ama aad wax ka qorto amaba aad isku dhacdaan waxaa jiraa dad

Qabiil waa eray ama Tilmaam sheegta cid isku hayb ah, balse soomaalidu waxaa ay u adeeg-sataa sifo kale. Kaaso ah hadaad cid beesha ah wax ku samayso ama aad wax ka qorto amaba aad isku dhacdaan waxaa jiraa dad kale oo ay saaqdo siffaha qabiilku, kaaso kaaga soo horeynaayo dadkii aad wax-kala tabanayseen. siyaasiga iyo suxufigu waa muraayad ballaadhan oo u baahan in si caafimaad qabtaa lo xidho ama qalinka lo qaato,ninka suxufiga ahii waxaa marka hore looga baahan yahay inuu qalinkiisa aanu beenta ku difaacin, marka labaad waa in aanu noqon suxufi beeleed.

Hadaba shalay waxaa shacabka Reer Somaliland si weyn aad ugu xishooden war kusoo baxay wargeys kasoo baxaa caasimadda Somaliland, kaaso si badheedh ah is yidhii u difaac shirkad hayb la wadaagta lagana siiyo lacag Gunno ah oo u masaariif-sado maalmaha uu wargeysku shaqaynaayo taaso aan la sii warbaahinta kale balse isaga lagu siiyeey reernimo. Wargeyska Sahan lacagtaas reer nimada lagu siiyo kumuu koob-naan balse waxaa u tafaaxo xaytay inuu caayo wargeys-yada ka sharafta badan ee bulshada reer Somaliland si weyn u qadariso, kaaso sidaa uu dhigaayo sharciga saxaafadda Somaliland oo ah in warka sidaa wax u jiraan lo qoro. Maalinti doraad soo bandhigay boobka iyo biliqada ay shirkada Dahabshiil ku hayso Dalka tan iyo maalinti madaxweyne siilaanyo dalka lo doortayna si weyn uga faa;’iidaysanaysoawooda madaxweynaha kaaso dayac badani ka muuqdo shaqadi u qaranka u hayeey,shirkada Dahabshiilna hanti boob, dhul boob ah oo aan la qiyaasi karin.

Sidaas oo ay tahay wargeyska xalaasha ah ee Yool waxaa markhaati u ah bulshada inuu yahay mid uu adeega shacabka Somaliland waxaa u Gudbiyaana yahay xaqiiqo aan Daah-saarney,marka nin magaca qabiil wax-kaga sheegaya. madaxtooyada iyo Dahabshiil laga masruufo, waxaa ayaan darro ah oo nasiib xumaan ah, inuu isku dhereeriyo midka aynu soo sheegnay ee adeega shacabka reer Somaliland oo dhami u siman yihiin.

Dhacdooyinka kale ee wargeyska sahan maal-mahan si qaawan weerar ugu hayeey wargeyskani waxaa ka mid ahaa siyaasiyiinta, madaxda, sulaadiinta wax-garadka beesha samaroon ama Gobolka awdal oo mar wargeysku af-lagaadeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland kaaso u si ba’aan dagaal ugu hayeey maalmihi ina dhaafay, sidaa oo kaleena waxaa u cay toosa ku hayeey suldaanka buuraha galay oo uu xataa nasab-caayeey wargeyska dhammi halka aanu marna waxba ka qorin madaxweynaha taladiisu muranka ku jirto iyo wasiirada beeshooda midnaa

Hadaba Dahabshiil waxaa uu sii gaara maalin walbaa min-sodon Copy xabbo uga qaata laba wargeys oo beel ahaan ay wadaagan, kuwaaso kala ah,sahan iyo Somaliland today.waxaa sidaa cad-ceeda inoogu cadaatay in shirkadda iyo wargeys-yadeedu yihiin kuwo qabiil, ee aanay ahayn kuwo dhex-dhexaad ah.

Dahabshiil haddi uu ka Gudbi waayo qabiil wax ku doonista iyo qaarabo kiilka waxa suuro gal ah inay beri dhow ay bulshaddu tidhaahdo waa dahabshiil ee ha dhigan waxba.

Talo soo jeedin wargeyska iyo shirkada haybta isaagu hiilinaaya sahan waxaan leenahay Heello waar suxufiga Qabiilka kaso bax oo banaanka kaalay. shirkadana waxaan leeyahay saddex ganacsigiina ka ilaaliya.

1 inuu noqd mid qabiil

2 inaad hantida ummadda Ku boobtaan sifo dawladda ayaanu hayb wadaagna ah

3 inaad dhibsataan marka warbaahintu Runta idiin sheegto

Waxaa kale aan kusoo gabo-gabayn lahaa maqaalkaygan aan ugu caqli celinaayo shirkada iyo wargeyska sahan-ba ereyo kooban oo ku jiray maan-sooyinkii alle Ha u naxariiste maxamed xaashi dhamac Gaariye.

Dad waxaa ehel I ah

Kaan af-aqaanee si uun wax iila arkaaye

Na mideyso ujeedo

Qalinkii

Cabdi wali jama cumar

Qaasim4422@gmail.com

Hargeisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured