Gudida Dabagalka Hantida Qaranka iyo Gudoomiyahooda Xildh. Obama waan Hambalyaynaynaa + MAANSO

0
Monday January 12, 2015 - 19:20:24 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida Dabagalka Hantida Qaranka iyo Gudoomiyahooda Xildh. Obama waan Hambalyaynaynaa + MAANSO

    Guddida dabagalka Hantida qaranka ee Golaha wakiilada Somaliland iyo Gudoomiyohooda da’da yar ee aqoonyahanka ah Mudane Maxamed Cali Xirsi(Obama) waxay bulshada u soo bandhigeen si daacada halka ay wax ka kharibmeen waanan ku hambalyaynayaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida dabagalka Hantida qaranka ee Golaha wakiilada Somaliland iyo Gudoomiyohooda da’da yar ee aqoonyahanka ah Mudane Maxamed Cali Xirsi(Obama) waxay bulshada u soo bandhigeen si daacada halka ay wax ka kharibmeen waanan ku hambalyaynayaa.
Guddida dabagalka Hantida qaranka ee Golaha wakiilada Somaliland iyo Gudoomiyohooda da’da yar ee aqoonyahanka ah Mudane Maxamed Cali Xirsi(Obama) waxay bulshada u soo bandhigeen si daacada halka ay wax ka kharibmeen waanan ku hambalyaynayaa.
Gudoomiye Maxamed Cali Xirsi (Obama) wuxuu muujiyay dedaal iyo firfircooni badan oo ay ka muuqato kalsooni dheeraad ah, waxa uu nidaamka dawladnimo iyo wadashaqaynta haayadaha qaranka Casharkeeda u dhigayaa boqolaal siyaasada uga soo horeeyey, waxa uu Banyaalnimada maamul wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa tusayaa dawlad xadhkaha goosatay oo haday siday tahay uga faaidaystaan u noqonaysa isa sixid iyo ku dhiiranaan nidaam bilaa wax isdaba marin ah oo qaranku isagoo isku duuban uu Gaadho.
Waxaynu ogayn oo warbaahinta badideenu kala soconay sidii quruxda badnayd ee warbixinta dheer ee aanay weli Baarlamaanku samayn ugu soo bandhigay sida ay gobolada dalku uga madhan yihiin miisaaniyada boqolaalka milyan ee dolar ah ee maalin walba sii korodha iyo Hanti-dhawraha hurda ee aan weli la arag cid uu u qabtay musuqmasuq iyo cadaymo uu u soo bandhigay.
Sida ay gudidaasi sheegtayna aan maalin qudha u soo gudbinin warbixinihii looga baahnaa taasina ay ku tusayso musuqmaasuqa baahay ee aanu weli waxba ka qaban. Waxay ahayd madaxweynuhu inuu bedelo ninkaa Odayga ah ee may ahayn inuu Xildhibaanada Dhaameelka u adeegsado meel marinta xisaab-xidho dabo ilaa dacal wada qaldan si loo xisaabiyaana aaanay jirin.Guddida Dabagalka iyo Gudoomiyaheedaba waxaanu leenahay shacabku wuu arkayaa inaad ka soo dhalaasheen waajibkii idin saaraa Taariikhda Somaliland Baal dahaba ayaad kaga jirtaan halkaas dedaalka ka wada hana niyad jabina ee wada dedaalka.s
Gole Noo Damqada
Oo aan guul wadayn
Oo Garasho Badan
Xilka loo gartayna
Aan dhaafsan Gaws
Miduu Gubo xilkaa
Guudka loo sudhoo
Guno aan la siin
Geesi miiganoo
Guta Waajibkaas
Xaqa kama Gabade
Laaluushka Guran
Gedaa Ina Cali Xirsiya
Musuqmaasuq Gubo
Oon Garab ku siin
Gadhwadeenka jira
Guulow allow
Gaar noogu deeq
Obama Gilgilay
Oo kala Gurguray
Xisaab lagu Gefiyo
Kii qalad Galee
Gudidaaa musuqa
Gole baarlamaan
Gaar ugu dirow
Abaal guuna bay
Gidigood bulshadu
Idiin gunadayee
Sii wada Guclaha
Gaabiska iska jira
Gobanimo aduun
Ifka guri Haboon
Dr. Jaamac Wacays
Ceerigaabo Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured