“Qabiilku Waa Rag Is-Urursaday, Damacsiyaasadeed Leh, Xirfad Kale Aan Lahayn, Taasina Khatar Bay Ku Tahay Umadda” Pro. Axmed Ismaaciil Samatar

0
Monday January 12, 2015 - 19:00:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Qabiilku Waa Rag Is-Urursaday, Damacsiyaasadeed Leh, Xirfad Kale Aan Lahayn, Taasina Khatar Bay Ku Tahay Umadda” Pro. Axmed Ismaaciil Samatar

    Hargeysa (xogreebnews.com-Axmed Ismaaciil Samatar oo todobaadadii u dambeeyay Jaamacaddaha Dalka ka jeedinayay Khudbado, ayaa sheegay in Qodobada ugu muhiimsan ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-Axmed Ismaaciil Samatar oo todobaadadii u dambeeyay Jaamacaddaha Dalka ka jeedinayay Khudbado, ayaa sheegay in Qodobada ugu muhiimsan ee
Hargeysa (xogreebnews.com-Axmed Ismaaciil Samatar oo todobaadadii u dambeeyay Jaamacaddaha Dalka ka jeedinayay Khudbado, ayaa sheegay in Qodobada ugu muhiimsan ee uu Ardayda iyo Bulshada ka qayb qaadatay Maxaadirooyinkiisa kala hadlay ay ahaayeen sidii loo kala garan lahaa Qabyaaladda iyo Tol-nimada iyo sidii loo kala saari lahaa Qarannimada Somaliland iyo Qabyaaladda.
Mudane Axmed Ismaaciil Oo ka hadlaya Nuxurka Khudbadihiisa waxa uu yidhi “Kudbadduhu(Lectures) way badnaayeen ee labada qodob ee ugu muhiimsani waxay ahayeen, Kow arrinta Qabiilka iyo Qarannimada waxa ka dhexeeya iyo dagaalka ka dhexeeya oo waliba Somaliland maanta yaala, iyo is-xukunka xun iyo is-xukunka wanaagsan sida loo kala garto ee ay ukala duwan yihiin, labadaas qodob baa ugu waaweynaa waxaan ka hadlay” -
Pro. Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu ku taliyay in Bulshada Somaliland kala saarto wax isku ahaanshaha iyo ku dhaqanka Qabyaaladda “Dhawr iyo toban sanno-na arrintaas waan ka fikiryaye dadka waxaan ku idhaahdaa, Qabiilka iyo Tolka in la kala saaro. Qofku meel buu ku dhashay,Oday iyo Islaan baa dhalay,Tafiir buu leeyahay Aabbe iyo Hooyo labadaba taasina waa Tolnimo oo waa wax diinta Islaamkuna taqaan duniduna taqaan in la is barto oo dadku meel ka yimaado.
Qabiilkuse waa Rag is-Urursaday,Damacsiyaasadeed leh, Xirfad kale aan lahayn, taasina Khatar bay ku tahay Umadda,Qoyskay khatar ku tahay iska daa umad dhanoo.” Ayuu yidhi Pro.ku.
Pro.Axmed waxa uu iftiimiyay Meelaha Qabyaaladdu kaga imanayso Somaliland “Somaliland laba Meelood ayuu qabiilku ka imanayaa: Midi waa middaa balaadhan ee Raggaasi wadaan ee Ninkii Halkaas galayo oo Dan yar oo shakhsi ah lagu raadsanayo; midna waa mid Dawladdi abuurto ama mid joogta ha noqoto ama kuwii Inna soo maraye, labadaas meeloodba in laga saaro wasakhda qabiilka oo dhaqanka dadka laga saaro oo la baro Islaanimada iyo Caddaaladda weeye”
Pro. Axmed Ismaaciil, waxa uu iftiimiyay habab bulshada looga saari karo adeegsiga Qabyaaladda “Waxaa looga saari karaa siyaabo badan: Marka Shicibka laga hadlayo waa in Odayaasha dhaqanka hayaa kala gartaan Qabiilka iyo Tolku siday u kala duwan yihiin,Odayga Dhaqankuna waa inaanu ahaan qof saaka soo kacay oo timaha soo casaystay Cumaamadna qaatay oo yidhaa reer Hebel baan u hadlayaa ee waa in la xaqiijiyo in qofkani umad metelo.waa in Dhaqanku gartaa Qarannimada oo ka baxaa Beesha la sii kala furfurayo.
Dawladdana waa in laga arko Madaxweynaha iyo Inta la shaqaysa ee dawladda sare ah iyo Dawladda hoose iyo Maayarrada in dadku iska wada dhex arko oo dadka intii tamartu tahay laga arko, oo dadku arko inuu Qaran ku dhaqmayo oo dadka Boorama ku nool, Hargeysa kuwa ku Nool, dadka Burco ku Nool kuwa Laascaanood ku nool iyo kuwa Ceerigaabo ku nooli arkaan inay u siman yihiin Qaranka iyo Qawaaniinta iyo Khayraadka,dhibkana markaas la qaybsanayo”
Prof. wuxuu sheegay inaanay haboonayn in cid walba xilka loo dhiibo marka dadka loo simayo Mansabka balse lagu xulo Karti iyo Caddaalad “Waxa ugu weyn ee Somaliland u baahan tahay waxa weeye in la isku qabto Karti iyo Caddaalad iyo dadkoo iska Arka Muraayadda wadanka iyo madaxda waddanka, haddii taala helo oo Karti iyo Caddaaladna la iskugu qabto waa laga kaaftoomayaa in qoonka Qabiilku sii xumaado ama sii jiro”
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo la waydiiyay Hankiisa ku aadan inuu qabto Hogaanka waxa uu sheegay inay arrintaasi u taalo bulshada,Asxaabta Qaranka iyo dadka dhaqanka hogaamiya, haddii ay u gartaana uu diyaar u yahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured