Jaaliyadaha Somaliland Ee Yurub Oo Maxkamad Ku Taala Dalka Sweden U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Wasiirka Warfaafinta " 6 Saacadood Ayuu Madaarka Sweden Ku Xidhnaa CUKUSE

0
Monday January 12, 2015 - 11:14:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadaha Somaliland Ee Yurub Oo Maxkamad Ku Taala Dalka Sweden U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Wasiirka Warfaafinta " 6 Saacadood Ayuu Madaarka Sweden Ku Xidhnaa CUKUSE

    Hargeisa(xogreebnewws.com-Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland ee Qaarada Yurub md Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa warays Jaaliyadaha Somaliland Ee Yurub Oo Maxkamad Ku Taala Dalka Sweden U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Wasiirka War

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnewws.com-Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland ee Qaarada Yurub md Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa warays Jaaliyadaha Somaliland Ee Yurub Oo Maxkamad Ku Taala Dalka Sweden U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Wasiirka Warfaafinta " 6 Saacadood Ayuu Madaarka Sweden Ku Xidhnaa CUKUSE…” Hargeisa(xogreebnewws.com-Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland ee Qaarada Yurub md Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa warays Jaaliyadaha Somaliland Ee Yurub Oo Maxkamad Ku Taala Dalka Sweden U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Wasiirka Warfaafinta " 6 Saacadood Ayuu Madaarka Sweden Ku Xidhnaa CUKUSE…”
Faisal Cadami Cadami's photo.Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland ee Qaarada Yurub md Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa waraysi kooban oo uu maanta khadka telefoonka ku siiyey Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan bahda Haatuf isagoo ku sugan magaaladda ED ee gobolka Dalsland ee dalkaasi waxa uu sheegay inay dacwad ka dhan ah wasiirka warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) inay u gudbiyeen Maxkamad ku taala caasimadda 2-aad ee dalka Sweden ee Gotanberg.

Mr Tadhase waxa uu sheegay inuu wasiir Cukuse ka xanaaqay dhawaan markii uu tagay dalka Sweden oo uu sheegay inuu wasiirku waayey soo dhawayntii uu ka filayey, isla markaana mushkilad dhinaca fiisaha ahi ay la kulantay, waxaanu tilmaamay Guddoomiye Yuusuf Tadhase inay asxaabta mucaaridku kaga awood badan tahay qaaradda Yurub xisbul-xaakimka oo awood taageero oo baaxad leh ku lahaan jiray wakhtigii uu mucaaridka ahaa. Ugu horayn isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu yidhi "Hadii Ilaahay yidhaa maalinta Isniinta saacadu markay tahay 10-ka subaxnimo, waxaanu u gudbinaynaa Wasarada Arimaha Dibada Sweden, dacwad ka dhan ah wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse. Ka dib markii uu kula kacay arrin aad u xun gudduumiyaha daladda guud ee jaaliyadaha Somaliland ee dalka Sweden mr Sakariye”.

Mr Tadhase isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaasi raaciyey "Dacwadan ayaa waxa wasiir Cukuse kusoo oogaya xafiiska xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland ee qaradaha Yurub, markaa run ahaantii waxa Wasiirka warfaafinta mr Cukuse waxa ku adkaan doonta in uu si sahlan u yimaado daka Sweden, kadib cadho ka timid Jaaliyada Somaliland, xafiiska xidhiidhka waxa uu u mahad naqaya Agasimaha Guud ee Warfafinta Maxmed Ilkacase”.
Guduumiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaliyadaha Soomaliland Qaarada Yurub Md Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) "Run ahaantii waxa nusqaan ku ah xukuumadda Siilaanyo in xubno ka mid ah wasiiradiisu ay imankari waayaan Sweden, iyadoo aynu ognahay in qaar kamid ahina ay hore xayiraadi uga saarnayd
Guddoomiye Yuusuf Tadhase ayaa isagoo ka hadlaya halka sartu ka qudhuntay ee khilaafku salka ku hayo, waxa uu yidhi "Ma wanaagsana in lagu gafo dadka sharafta leh ee wadanka u shaqaynaya, Wasiir Cukuse-na waxa uu ka xanaaqay dhawaan mar uu Sweden yimid ayey cidi kusoo dhawayn-wayday madaarka isla markaana 6 sacadood ayey Booliska madaarka ku hayeen fiiso la’aan kadib waa la soo damiintay, markaa waxaanu u sheegaynaa xukuumadda Somaliland iyo wasiirka warfaafinta-ba in imika laga bilaabo ay xayiraad ka saaran tahay madaaradda dalka Sweden isla markaana dacwaasi wixii ka soo baxo aanu bulshadda usoo bandhigi doono Insha Allaah”.
Dhinaca kale Yuusuf Nuux Tadhase oo ka mid ahaa Ciyaaryahanadii ugu wanaagsanaa ee soo mara taariikhda Somaliland ayaa sanadihii u danbeeyey oo uu qurbaha ku noolaa aad u naqdiya habdhaqanka xukuumadda Siilaanyo oo uu ku eedeeyo cadaalad-daro iyo kala qaybin ay bulshadda qabyaalad ku kala qaybisay mudadii ay taladda haysay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured