Cukuse oo Hanjabaad iyo Caga-jugleyn Iskugu Daray Maareeyaha iyo Masuuliyiin Sare oo Wasaaradiisa

0
Monday January 12, 2015 - 11:11:31 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cukuse oo Hanjabaad iyo Caga-jugleyn Iskugu Daray Maareeyaha iyo Masuuliyiin Sare oo Wasaaradiisa

    waxa uu iskugu yeedhay maareeyaha telefishanka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradaasi warfaafinta,markii uu wasiirku kulanka bilaabay isagoo cadhaysan ayuu markiiba weeraray maareeyihii telefiishanka qarank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxa uu iskugu yeedhay maareeyaha telefishanka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradaasi warfaafinta,markii uu wasiirku kulanka bilaabay isagoo cadhaysan ayuu markiiba weeraray maareeyihii telefiishanka qaranka,Khadar Cali Gaas oo uu u hanjabay, Cukuse oo Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse oo isagoo cadhaysan soo galay wasaaradiisa,xiligaasi oo uu wajigiisu bedelnaa,ayaa waxa uu iskugu yeedhay maareeyaha telefishanka Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradaasi warfaafinta,markii uu wasiirku kulanka bilaabay isagoo cadhaysan ayuu markiiba weeraray maareeyihii telefiishanka qaranka,Khadar Cali Gaas oo uu u hanjabay,wuxuu ugu hanjabay in uusan amaradiisa qaadan,sidaasi awgeedna uu digniin u dirayo,wasiirka ayaa meesha ka sheegaya in uu wax ka qabanayo oo uu ciqaabayo cid kasta oo fulin weyda amaradiisa,kulankaasi intii uu socday waxa uu iyagana u hanjabay masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta ,oo hadalo meel ka dhac ah ku yidhi,markii waxogaa shirkii socday ayuu inta uu iska kacay yidhi waryaada barri 9:00 AM.(maanta)ayaanan waayin dhamaan agaasime waaxeedyadda ,waxaan doonayaan in aan eryo qaar badan oo shaqaalaha ah.


Hadaba waxaynu ogaan doonaa shirka uu barri 9:00-ka(maanta) kula balamay agaasime waaxeedyada iyo waxa ka soo baxa ee uu kula hadlo,wasiirka ayaa saaka laga dareemayey cadho fara badan iyo wajigiisa oo bedelan,masuuliyiintii wasaaradda iyo shaqaaluhu saaka aad ayay uga fajacsanaayeen sida uu ahaa.
Dhacdadani ayaa waxay imanaysa iyadoo todobaadadan gudaheeda uu wasiir Cukuse ku kacay talaabooyin gurucan,oo xitaa qaarkood qaranka sumcad daro ku ah,dhawaan ayay ahayd markii uu goob inta badan masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda oo ku sugan gudaha wasaaradda uu ku fadeexeeyey qaar ka tisan masuuliyiinta wasaaradda,iyadoo uu bahdilaan iyo hadalo gaf ah,oo aan meesha qaban ku weeraray,sidoo kale dhacdo caajiib ahayd ayuu ku kacay todobaadkii hore markii uu wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha jaaliyadda dalka SWEDEN xabsiga u taxaabay,arintaasi oo guud ahaanba Somaliland fadeexad weyn ku noqotay,shacabkuna ka yaabeen.
Dadka ka faalooda arimaha siyaasadda ,ayaa waxay dhacdooyinkaasi is barkan ku macneeyeen in uu wasiir Cukuse doonayo in uu qiiqa isku qariyo oo uu iskaga asturo fashilaada ka haysata ,idaacada weynee fadhida ,iyo maamul xumida iyo khilaafyada ka oogan wasaaradda uu wasiirka ka yahay,waxana intaasi u dheer fashilaadda weyn ee uu kala kulmay la macaamilka saxaafadda madaxa banaan,waxaasi oo dhan ayuu wasiir Cukuse doonayaa in uu qariyo,oo hadba waxaan jirin sameeyom,sid indhaha bulshada iskaga leexiyo.
Cadaayinka noocaasi ah,ayuu hore Madaxweyne Siilaanyo aad u necbaa in uu ku arko masuul xibigiisa ah,isla markaana si cad ayuu wax uga qaban jiray,cida ku kacda balse ilaa iyo intii uu Madaxweyne Siilaanyo Ka dhigay wasiirka warfaafinta,oo uu Cukuse ku talaabsadat talaabooyinkaasi gabi ahaanba guracan ayuu san madaxweyne Siilaanyo waxba ka qaban.
By:Axmed Maxamed Jaamac
Email:axmed-1994@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured