Xukuumada siilaanyo oo xabsiga dhigtay Suldaan Reer Burco ah oo waan-waan ugu socday Suldaanka Fallaagoobey ee wabar

0
Monday January 12, 2015 - 10:54:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada siilaanyo oo xabsiga dhigtay Suldaan Reer Burco ah oo waan-waan ugu socday Suldaanka Fallaagoobey ee wabar

    HARGEISA(Xogreebnews.com_Waxa xalay laga soo qabtay degmada Quljeed gaar ahaa dhinaca xuduudka nin suldaan ah oo kasoo jeeda deegaanka Hargaysa laguna magacaabo Suldaan Maxamed Shire. Suldaanka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Borama ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HARGEISA(Xogreebnews.com_Waxa xalay laga soo qabtay degmada Quljeed gaar ahaa dhinaca xuduudka nin suldaan ah oo kasoo jeeda deegaanka Hargaysa laguna magacaabo Suldaan Maxamed Shire. Suldaanka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Borama ayaa safarkiisu ahaa mid su’aalo badan HARGEISA(Xogreebnews.com_Waxa xalay laga soo qabtay degmada Quljeed gaar ahaa dhinaca xuduudka nin suldaan ah oo kasoo jeeda deegaanka Hargaysa laguna magacaabo Suldaan Maxamed Shire. Suldaanka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Borama ayaa safarkiisu ahaa mid su’aalo badan dhaliyay, hase ahaatee sudaankan ayaa meelaha dadku isugu yimaadaan kaga hadli jiray xaaladda suldan Wabar.
inkastoo illaa hadda maamulka gobolka iyo kan degmadu ka gaabsadeen inay ka hadlaan xaaladda suldaankan, hadana mar saaka warbaahinta GNA u kuur gashay xaaladdan ayaa waxa suurto galiwayday inaan la kulano suldaanka oo ku xiray xabsiga dhexe ee magaalada Borama sababo la xiriira dhinaca ammaanka oo ciidanka bilayska ayaa diiday in lala kulmo suldaanka.

Wararka kale ee aanu helayno ayaa sheegaya in suldaankani u socday suldaan Wabar, dad la kulmay ninka suldaanka ah ayaa u sheegay warbaahinta GNA inuu suldaankani yahay nin leh hammi fog oo uu rabo inuu suldaan Wabar kula kulmo si uu go’aankiisa ugula hadlo, waxa kale oo ay dadkani noo xaqiijiyeen in uu suldaankani yiri labo doodood mid uun baan ku soo qancin doonaa suldaan wabar haddaan la kulmo, waa midda hore suldaanka ayaa sheegay inuu suldaan wabar ku qancin doono inuu ka tanaasulo go’aankiisa iyo in ay suldaan wabar isku afgartaan inay isku babda’a noqdaan oo go’aankiisa ay ku midoobaan, arintaasina waa ta keentay in suldaankani xalay laga soo qabto Quljeed isagoo isuu tallaabaya dagaanka la sheegay inuu suldaan wabar ku sugan yahay,
Xarigga suldaankan ayaa maanta maagalada Borama gudaheeda aad looga hadal hayaa,waxana dadku iswaydiinayaan sababta keentay in suldaankani si muuqata ugu dhaqaaqo go’aankiisa iyo qaabka ay xukuumaddu uga war laadahay dhaqdhaqaaqa salaadiinta, iyadoo horay axsaabta mucaaridku ugu eedayeen xukuumadda inay gabtay doorkii iyo xariirkii ka dhaxayn jiray salaadiinta iyo xukuumadda. Suldaankan ayaa noqonayo suldaankii ugu horeeyay ee kasoo kicitima Hargaysa ee si shakhsi isugu daya inuu la kulmo suldaan wabar si uu arintanin ugala hadlo” anu waxan noqonayaa suldaankii ugu horeeyay ee la kulma suldaan Wabar” ayuu yiri suldaanka ku xiran Borama sida ay warbaahinta xogreebnews- u xaqiijiyeen dad la sheekaystay suldaankan.

Iskusoo wadada duuboo suldaankan iyo baabuur uu watay oo nociisu yahay Hummer ayaa xalay illaa maanta ku xiran saldhigga dhexe ee Borama, wuxuuna suldaankani ku xiran yahay qolgaar ah oo lagu ilaalinayaa,intaasi waxa u dheer su’aalo ay waydiinayaan ciidanka dambi baadhistu. Lama oga in suldaanka lagu sii hayn doono xabsiga Borama iyo in loo wareejin doono Hargaysa oo markiisii hore ka yimid iyo inay xukuumaddu cafis u fidin doonto oo lasii dayndoono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured