Waa kuma wasiirka hortaagan Khayraadka Somaliland (SL)?

0
Sunday January 11, 2015 - 18:49:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 708
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma wasiirka hortaagan Khayraadka Somaliland (SL)?

    Hargeisa(xogreebnews.com_Waxa beryahanba taagnayd xiisad la xidhiidha dawlada federaalka ee Soomaaliya ee aynu nahay jaarka. Dawladan oo aad isugu taxlu jisay sidii ay inoo curyaamin lahayd dhinca dhaqaalaha iyo nabadgelyada. Dadka degan SL way

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Waxa beryahanba taagnayd xiisad la xidhiidha dawlada federaalka ee Soomaaliya ee aynu nahay jaarka. Dawladan oo aad isugu taxlu jisay sidii ay inoo curyaamin lahayd dhinca dhaqaalaha iyo nabadgelyada. Dadka degan SL way
Hargeisa(xogreebnews.com_Waxa beryahanba taagnayd xiisad la xidhiidha dawlada federaalka ee Soomaaliya ee aynu nahay jaarka. Dawladan oo aad isugu taxlu jisay sidii ay inoo curyaamin lahayd dhinca dhaqaalaha iyo nabadgelyada. Dadka degan SL way ogsoonyihiin cadaawada qaawan ee dhabarku muuqdo, laakin aqoon ma u leedahay wasiirka dawalada SL xilka ka haya ee toos ula shaqeeya dawalda federaalka Soomaaliya ee ka shaqeeya curyaaminta dalkeena iyo dadkeena. Waa laga yaaba inaad ka naxdaan markaan magacaabo wasiirka haldoorka ee aynu shaqada ugu muhiimsan aynu u xilsaarnay hase yeeshe ka shaqeeya curyaaminta SL iyo shaqaaqada shacabkeeda. Waxa kasii argagaxiso badan inuu wasiirkani doonayo inuu SL ka noqdo madaxweyne. Hadaba ninkaa SL lagu soo habaaray waa kuma?Ninka aan idiin sheegayaa waa Wasiirka Khaarajiga SL Maxamed Bixi Yoonis. Intii uu Maxamed Bixi Yoonis joogay Darfuur wuxuu mar walba ka shaqaynayey sidii loo manjahababinlahaa keli isu taaga SL oo dad uu saaxibo yhiin uu u sheegay inuu dhan ka yahay keli istaaga SL. Markii musuqmaasaq jamciyada quruumaha lagaga iryey ayuu la xaajooday Nicolas Kay oo haysta barnaamijka isku darka Soomaliya iyo SL. Wuxu u sheegay inuu ka tagayo Darfoor balse inuu wax kala qaban karo isku darka labda dal. Nicholas Kay oo mudo toban sanado SL uu diiday inuu xafiis ka furto ayaa u baahday qof reer SL oo hoosta kala shaqeeya. Maxamed Bixi Yoonis iyo Nicholas Kay waxay ku heshiiyeen in uu la sahqeeyo sii hosahaan ah cidinna aanay ogaan xidhiidka ka dhaxeeya (mushaharkiisuna u soo dhaco) . Hadaba waxa isweydiin leh maxa ugu jira Maxamed Bixi Yoonis carqlaydeyn iyo cunaqabashada SL? Waxa Nicholas Kay, Jabuuti iyo dawlada Federaalka Soomaliya ugu balan qaaday inay kula dadaali doonaan siduu ugu najaxi lahaa doraashada madaxweynaha SL. Waxa uu waydiistay labada dawladood ee Fedeaalka Soomaaliya iyo Jabuuti inay wax tar lacageed ku caawiyaan doorashada soo socota, iayguna way ka aqbaleen. Wuxu wasiirka Khaarajiga ee SL doonayaa inuu marka uu ku najaxo jagada Madaxweynaha SL, uu si degdeg ah aynu ka mid noqono Soomaliya isna uu noqdo raiis wasaraha dawlada federaalka ee soomliya. Waxay jamciyada quruumaho, dawlada federaalka Soomalya iyo jabuuti ku gubaabiyeen Bixi Yoonis in uu curyaamiyo dhaqaalaha SL sii aanay keli isu taagi Karin. Hadii SL uu curyaamo dhaqaalehoodo cid ictraaf siinaysaa ma jirto. Talaabda qudha ee la taaban karo Intii wasiirka Khaarajigu hayey wuu gulaystay inuu xafiis uga furo SL jamciyada quruumaha ee u qaabilsan isku darka labada dal (Nicholas Kay). Waxa kale oo u hir gashay inuu SL ka curyaamiyo dhaqaalha, khayraad la soo baxa iyo siyaasada debeda. Wax uu ku dadaalay inuu aflagadeeyo wasiirada ugu fifircoon SL oo ay ka mid yihiin wasaaarada qorshaha, Tamarta iyo macdanta, bayaac mushtariga iyo wasaarada madaxtooyada. Wasiiradan oo raba in ay dhisaan dhaqalaha dalka siduu ictraaf u heli lahaa. Maxamed bixi yoonis wuxu aad u xaawilay oo golaha wasiirada ka yidhi in wixii dhaqalaha la xidhiida ama debeda ama gudaha uu isaga oo keli ah la soo mari karo. Waxa uu culays badan saaray Wasaarada macdanta iyo Tamarta oo uu ka dareemay inay dhaqaalha dalka sii degdeg ah sare uu qaadi karto. Talaaboyinkii ugu horeeyey ee uu qaaday markii jagada wasaarada khaarajiga qabsady waxay ahayd inuu eryo wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo balan ku qaaday inaan wax shidaal iyo macdan laga qodin SL ilaa marka uu Maxamed Bixi Yoonis madaxweyne dalka ka noqodoono. Wassarada macdanta waxa uu ku diray saaxibadiisa ka shaqeeya Jamciyada quruumaha (United Nation Monitoring Group) oo dacwad SL ku qaaday oo ay ku tilmaameen inaanay sharci u lahayn inay macadan iyo shidaal qotaan. Maxamed Bixi yoonis isagoo dagaalkii sii wada oo la tashanaya Madaxweynaha Fedraalka Soomaliya. Wuxuu kula taliyey inuu wasiirada ku jira Federaalka Soomaliya ee u dhashay SL uu ka dhigo Wasiirka khaarajiga iyo ka macdanta iyo shidaalka si ay culeys SL u saaraan shacabkana shaqaaqo ka dhex abuuraan. Madaxweynaha Soomaliya isagoo tix gelinaya taladii Maxamed Bixi Yoonis wuxu ka dhigay nin u dhashay Awdal iyo nin u dhashay Sanaag. Labdan wasir oo loogu talo galay in ay la cunaqabateeyaan SL Maxamed Bixi Yoonis. Wasiirka Khaarajiga ee dawlada federaalka Soomalia Abdirahman Dualeh Bayle oo ay aad u saaxibyihiin maalinwalbana soo wada hadlaan Maxamed Bixi Yoonis sidii loo carqaladayn laha SL ictraafkeenana loona manjahabaabinlaha
Maxamed Bixi yoonis wuxuu aaminsanyahay in hadii dalkeena aynu khayraadkeena la soo baxno inaan Madaxweyne isaga loo doornayn. Wuxu rabaa inuu inagu celiyo Dawlada federaalka Soomaliya, hadii khayraad inoo soo baxano aynaan dib u noqonayn. Maxamed Bixi yoonis wuxu rabaa inuu isagu noqdo Madaxweynihii ugu horeeyey ee khayraad soo saaray. Gola badan wuxuu ka sheegay inaanu u iman wasiir khaaraji ee uu doonayo Madaxweyne. Waxa ka goan in SL wax dhaqaale ahi aanu u kordhin ilaa inta uu noqondoono Madaxweyne.Halkuu mariyey Maxamed Bixi Yoonis siyaasadii debeda ee SL? Ilaa intii uu qabtay wasaarada kharajiga wax dhaqdhaqaaq ah oo ictraafkeeni uu ka qabtay ma jirto. Waxa uu dadaal weyn ugu jiraa inaan wax talaabo ah la qaadin, siyaasada debeda ee dalkuna dabranaato..Muxu ka yidhi Wasiirku malintii dhawyid ee Federaal Soomalia inaga ashkataysay dawalada shiinaha sidii loo joojin lahaa macdan baadhka buuraha Awdal? Markii arintan colaada qaawani inagaga timi Dawlada Soomlaiya Madxweynaha SL, wasiirka Macdanta, baarlamaank, madaxdhaqameedka, shacbiga SL dhmaan way canbaareeyeen. Maxamed Bixi Yoonis wuu ka muquurtay hal eryna muu odhan. Ilo u dhuun daloola madaxtooyada waxay soo sheegeen inuu yidhi “Aynu hubino”. Maxa la hubinayaa dawlada Federaalka Soomaliya ayaa u sheegtay saxaafada inay samaysay oo ay ka dambayso. Ilo u dhuun daloola ayaa sheegaya inuu dhigaiisa haysta khaarajiga federaalk Soomaliya uu ku boogadiyey shqaaqada ay ka abureen buuraha awdal. Wasiirkeene khaarajigu wuu cadastay halkuu ka soo jeedo iyo cida u la shaqeeyo, wax qarsoodi ahna ma aha. Dawlada SL iyo Shacabka ayey u taala waxay ka yeelayso jasuuskan inagu dhex jira.Maxan ku talin lahaa?
Waxay ila tahay in laga xayubiyo masuuliyada uu qarank u hayo, lana saaro maxkamad oo la ogaado wuxuu bubur inoo geystay. Ma aqbali karo shacabka SL in hal qof burburiyo hawshii aynu soo wadnay dhowr iyo labaatanka sanadoodd. Weynu ka deregsanahay dhibaatada, darxumada, dhimashada, iyo barakca aynu soo maray hadana uu nin qudhi rabo inuu inaga burburiyo. Haday dawlada SL runta u sheegi weydo maxamed Bixi shacabka ayaa talaabo cad ka qaadi doona. Maxmed Bixi Yoonis wuxuu goli saxafdeed u sheegay “Anigu dalka umaan iman inaan wasiir khaarji ka noqdo” Akhirstayaashayda qiima badano bal hadalkaa uu fiirsada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured