“Haddii Aan Joogo Halka Siilaanyo Joogo Waan Eryi Lahaa Wasiirkiisa Ciyaaraha…, Waxaanu Ognahay In Xubno Ka Mid Ah Xukuumadda Taladda Haysaa Ay Guryo Iyo Hanti Badan Ka Iibsadeen Magaaladda Muqdisho”Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen

0
Sunday January 11, 2015 - 18:39:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Haddii Aan Joogo Halka Siilaanyo Joogo Waan Eryi Lahaa Wasiirkiisa Ciyaaraha…, Waxaanu Ognahay In Xubno Ka Mid Ah Xukuumadda Taladda Haysaa Ay Guryo Iyo Hanti Badan Ka Iibsadeen Magaaladda Muqdisho”Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen

    Hargeysa,(xogreebnews.com_Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sharci-daro ku tilmaamay qaabkii loo iibiyey warshadda laydhka ee dawladda ee magaaladda Hargeysa, kaas oo sheegay in ganacsatadii lagu wareejiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa,(xogreebnews.com_Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sharci-daro ku tilmaamay qaabkii loo iibiyey warshadda laydhka ee dawladda ee magaaladda Hargeysa, kaas oo sheegay in ganacsatadii lagu wareejiyey ay
Hargeysa,(xogreebnews.com_Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sharci-daro ku tilmaamay qaabkii loo iibiyey warshadda laydhka ee dawladda ee magaaladda Hargeysa, kaas oo sheegay in ganacsatadii lagu wareejiyey ay xukuumadu ugu wareejisay nidaam aan sax ahayn oo mad-madow badani ku jiro.
Jamaal Cali XuseenJamal Cali Xuseen waxa kale oo uu shaaciyey inaan lagaga hadhi doonin wasiiradda iyo masuuliyiinta xukuumadu hanta boobka iyo musuqmaasuqa ay ku kacayaan, kaas oo sheegay inay xisbi ahaan haddii ay doorashadda madaxtooyada ku guulaystaan inay dhamaan hantida sharci-darada lagaga dhacay Qaranka ay gacanta dawladda dib ugu soo celin doonaan.Musharaxa Madaxwaynaha UCID Mr Jamaal waxa uu ku dooday inay ogyihiin wasiiro xukuumadda Siilaanyo ka tirsan oo guryo badan ka dhistay magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Somalia. Sidoo kale waxa uu jawaab ka bixiyey hadal dhawaan kasoo yeedhay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo isagu naqdiyey musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen, kaas oo uu ku sifeeyey inaanu Mr Dhuxul hadalkaasi isaga ula jeedin ee uu u sarbeebayey Madaxwayne Siilaanyo laftigiisa.Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta magaaladda Hargeysa kula hadlayey warbaahinta. Ugu horayna isagoo ka hadlaya wada-hadalada Somaliland iyo Somalia oo uu shaki badan ka muujiyey, waxa uu yidhi “Run ahaantii waa markii u horaysay ee aan u baqo Somaliland isla markaana uu shaki iga galay habka ay xukuumadda Kulmiye u waddo, waxaanay ina tustay xukuumadda Siilaanyo inaanay wax ictiraaf ah u raadinin Somaliland. Waxaanay noqotay isku-daygeeduba inay ka shaqayso sidii ay u qancin lahayd maamulka Muqdisho oo ay ula wadi lahayd wada-hadalo madhalays ah, arrintaasna shacbiga Somaliland iyo mucaarid ahaanba shaki wayn naga abuurtay, waxyaabaha shakiga ugu badan abuuray waxa ka mid ah waxaad arkaysaa madaxwaynihii Somalia oo sheegaya inay Somaliland ku qancinayaan midnimadii Soomaaliwayn iyo madaxwaynaheenii oo aan jawaab ka bixinaynin oo aan ka hadlayinin muqadas-nimada Somaliland ee lama taabtaanka ah”.Jamaal Cali Xuseen mar wax laga waydiiyey hadal ka soo yeedhay afhayeenka madaxtooyadda Mr Dhuxul oo uu ku weeraray wakhtiga uu musharaxa ahaa Jamaal, waxaanu yidhi “Horta shan sano iyagaan talada dalka haynin oo anigu iyagoo laba sanadood iyo dheeraad xukunka haya ayaan musharaxnimadayda ku dhawaaqay oo taasi waa mid oo xisaabta ayuun baa iskaga khaldantay oo wax mushkilad ah maaha, waana runtii Dhuxul oo musharaxnimadu waa wax kooban laakiin hadalkiisaasi waxaan u arkaa uun duur-xul uu u sarbeebayo madaxwaynaha uu afhayeenka u yahay oo ula jeeday hadalkaasi sababta oo ah Axmed Siilaanyo isagoo 2003-dii dhacay ayuu hadana 9 sanadood oo danbe uu mushadax ahaa isla markaana uu imikana doonayaa inuu 5 sano oo danbe waliba uu musharax yahay, markaa waxaan odhankaraa Dhuxul waxa uu u jeedada madaxwayne Siilaanyo oo dhawr iyo toban sano musharax ahaa”.Musharaxa madaxwaynaha UCID mar uu ka hadlayey iibka warshadda laydhka Hargeysa, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Horta aduunka way ka dhacdaa in hanti ummadu leedahay laga dhigo mid gaar loo leeyahay laakiin jid loo maro oo sharci ah ayey leedahay oo dadka ayaa loo soo bandhigaa qandaraaska oo markaa cida lacagta ugu badan bixinaysa ayey dawladu hantidaasi ku wareejisaa. Laakiin waxaan aduunka ka dhicin in si qarsoodi ah inta meel madow la galo in la yidhaa hebel intaas siiya hebalna intaas kale siiya isla markaana shacbigana la yidhaahdo hebel baa la wareegay iyagoon ogayn inta lacag ee laga siiyey iyo halka ay martay lacagtaasi midna, run ahaantiina taasi waxay noqonaysaa musuqmaasuq iyo sharci-daro, aniga oo aan u jeedin ganacsatada laga iibiyey ee muwaadiniinta ah oo aan ixtiraam iyo qadarinba aan u hayo isla markaana an aamisanahay in dalka wax badan kusoo kordhiyeen, balse waxaan leenahay uun sharciyada ha loo maro hantida ummadda ee la iibinayo”. Isagoo oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaasi raaciyey “mida kale marka ay rag waawayn oo masuuliyiin ahi warbaahinta la soo fadhiisanayaan waa la dhimayaa kharashkii laydhka, waxaanu ummadda u sheegaynaa inay iska leeyihiin oo inay sii kordhiyaan mooyaane aanay hoos u dhigaynin, aduunkana waxa laga eegaa bulshadda horumartay waxa kow ka ah korontada oo dalka ay tamartiisu jaban tahay wuu ka horumar badan yahay ka laydhkiisu qaaliga yahay oo aduunyada wadamada ugu korontada jaban waxa ka mid ah Maraykanka iyo Ethiopia oo dadkooda siiyey koronto aad u jaban”.


Jamaal Cali Xuseen mar wax laga waydiiyey waxa uga meelyaala hantida ummadda ee la boobayo, waliba ay boobayaan xubno ka mid ah wasiiradda iyo masuuliyiinta dawladda oo iibsanaya guryihii dawladda iyagoo siisanaya lacagta ummadda, waxa uu yidhi “Waanu arkaynaa boobka hantida ummadda lagu hayo oo waxa hanta lunsi dalka ka dhacaysa waa la wada ogyahay laakiin ha ogaadaan wasiiradu inaan lagaga hadhaynin oo ay gacanta dawladda kusoo noqon doonto wixii sharci daro lagu qaato, iyadoo aynu ognahay inuu madaxwaynihii laftigiisii uu wasiiradii qaar leeyahay guryahaa ha la siiyo oo ha laga saaro diwaankii dawladda. Run ahaantii xukuumaddani waa xukuumadii ugu musuqmaasuqa badnayd ee Somaliland soo marta, wax ala waxay dhaafaysaana ma jirto laakiin raga boobka ku haya dadkaa saboolka ah anaguna kaga hadhi mayno Ilaahayna wuu arkayaa oo aakhiro iyo aduunkaba wax ay u kordhinayso xaaraantaasi ma jirto, isla markaana wixii sifo sharciga waafaqsan loo bixiyey ee uu madaxwaynuhu u bixiyey sharciga ayaa loo eegi oo wixii uu sharcigu ogolyahay waa lagu khasban yahay”. Isagooo hadalkiisa hadalkiisa sii wata, isla markaana eedaynay wasiirka dhalinyarada ciyaaraha Cali Siciid Raygal, waxa uu yidhi “Run ahaantii xukuumadda ku fashilantay inay qabato ciyaarihii gobolada ee dhalinyaradii gobolka Togdheer ee walaalaha ahaa kala jeclaysatay ee qabyaalad dhex-dhigtay ma garanayo wax lagu aamini lahaa, haddii aan anigu joogo halka Siilaanyo joogo waan eryi lahaa oo xukuumadayda kamuu mid ahaadeen wasiirka ciyaaraha ee ku guuldaraystay inuu qabto ciyaarihii gobolada ee ummadda la iskugu soo dhawaynayey ee kabtanimadii xataa qabyaalada galiyey”.
Gabo-gabadii mar uu ka hadlayey xubno xukuumadda Siilaanyo ka mid ah oo uu sheegay inay guryo ka iibsadeen magaaladda Muqdisho, waxa uu yidhi “Wax badan baanu ognahay xisbi ahaan, waxaanu ognahay inay Madaxtooyadeena iyo ta Muqdisho ay isku duloolaan oo ay xidhiidho hoose oo aan la ogayn ay leeyihiin oo ay xataa ay xubno ka mid ah xukuumadda talada haysaa ay hanta badan iyo guryo ka samaysteen magaaladda Muqdisho, hadii ay muran ka keenaana waanu soo bandhi doonaa”.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured