Ciidamada Faderaalka Itoobiya Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Suldaan Waber

1
Sunday January 11, 2015 - 07:59:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Faderaalka Itoobiya Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Suldaan Waber

    Hargeysa (xogreebnews.com_Waxa goor dhaweyd ay ciidamada faderaalka dawlada Itoobiya ay gacanta ku dhigeen Suldaankii dhawaan duurka galay ee Suldaan Waber.Ma jiraan illaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_Waxa goor dhaweyd ay ciidamada faderaalka dawlada Itoobiya ay gacanta ku dhigeen Suldaankii dhawaan duurka galay ee Suldaan Waber.Ma jiraan illaa
Hargeysa (xogreebnews.com_Waxa goor dhaweyd ay ciidamada faderaalka dawlada Itoobiya ay gacanta ku dhigeen Suldaankii dhawaan duurka galay ee Suldaan Waber.Ma jiraan illaa hada warar faah faahsan oo arrin la xidhiidha, balse sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen sheegaya in ciidamada Itoobiya oo muddooyinkii danbe suldaanka dusha kala socday ay ku ruqaansadeen aaga uu joogay, waxaana la sheegay in isaga iyo sida oo kale nimanka kale oo la socdayba gacanta lagu dhigay, illaa hadana lama soo sheegin wax khasaare ah oo halkaasi ka dhashay.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa dhawaan ay ahayd markii uu ciidamada amar buuxa uu siiyey in ay gacanta ku soo dhigi karaan Suldaan Waber, waxaana arrintan la la xidhiidhinayaa in ay tahay mid salka ku haysa hadalkii madaxweyne Siilaanyo, balse illaa hada ma cada in suldaanka loo soo gudbin doono dhinaca Somaliland iyo in kale.
Suldaan Waber oo ka mid ah madax dhaqameedka ka soo jeeda gobalka Awdal, ayaa muddooyinkii danbe ku jirey duurka ka dib markii uu ku dhawaaqay hadalo lid ku ah qaranka Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured