Shirkadii Korontada Hargeysa oo Maanta Si Rasmi ah Loogu Wareejiyey Ganacsato Waaweyn.

0
Saturday January 10, 2015 - 20:09:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadii Korontada Hargeysa oo Maanta Si Rasmi ah Loogu Wareejiyey Ganacsato Waaweyn.

    HARGAYSA(Xoriyonews)-munaasibadda xafladan oo ahayd mid si quruxbadan loo soo abaabulay waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirada Hawlaha guud Wasiirka Dhalinyarad Iyo Ciyaara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HARGAYSA(Xoriyonews)-munaasibadda xafladan oo ahayd mid si quruxbadan loo soo abaabulay waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirada Hawlaha guud Wasiirka Dhalinyarad Iyo Ciyaaraha Masuuliyiin shirkada Dahabshiil

oo matalaysay shiradaha yaryar ee hoosyimaada oo iyaddu yeelan doonta dhaqaaalaha ka soo xarooda laydhakan %35 ,shirkadda Maxamed Siciid Awgeedi [ina awsiciid] oo iyaduna yeelan toonta %35 ,shirkada Ina Xaamud Jibriil oo yadauna yeelan doonta %10 iyo xukkmadda oo iyaduna yeelan doonta %20 .

Waxaa isaguna halkaa ka hadllay Wasiirka Warasaaradda hawlaha guud Cadbirisaaq Khaliif waxaanu si faah-faahsan uga waramay xaaladihii ay soo martay warshadii laydhka ee Hargeysa oo markii ugu dambeysay gaadhay inay socon waydo waxaanu wasiirku si ballaadhan ugu mahadceliyey shirkadihii sida gaarka ah ugu soo gurmaday markii ay ka xukuummad ahaan u taag waayeen badbaadintii warshadaasi isaga oo arrimtaa ka hadlayeyna waxaa hadaladiisii kamid ahaa "waxaa is waydiin mudan shirkadahani miyey u soo taratmeen oo sidaasay ku heleen mase Dawladda uunbaa u garatay” ayuu yidhi wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif waxaanu intaa sii raacyey "shirkadahani waxay ahaayeen kuwii noo soo gurmaday ee nala badbaadiyey markii ay fadhiisatay warshadii laydhka ee Hargeysa”

Dhanka kanalana waxa uu wasiirku sheegay inay shirkadaha qandaraaskan laydhka lasiiyey heshiis kula galeen inay qiimaha hoos u dhigaan oo halkii ay awal hore ka qaadijireen Unirkii $1 ay ka dhigidiinaaan $ 70 cente Mr Khaliif waxa uu sheegay inay ka Dawlad ahaan shirkadan cusub ku wareejin doonaan lacag dhan $600 oo kun oo Doolar si ay ugu kaabaan intay ka soo kacayaan ee ay iyaga iyo shacabku isla qabsanayaan .

Waxa sidoo kale madasha ka hadlay Wasiir ku xigeenka Howlah guud Cali Cabdi Saa'iq waxaanu ka warbixiyey marxaladihii ay soo martay xiliyadii ay sii khaatumo xumaanaysay warshadii laydhka ee Hargeysa waxaanu sheegay inuu wasiirku amar ku siiyey inuu badbaadiyo warshadda laydhka isaga oo la kaashanaya cidii kale ee uu doonaba.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Axmed Suldaan oo ku hadlayey magaca shirkadda Xaamud Jibriil oo kamida shirkadaha hoos imanaya shirkaddan cusub ee maanta lasamaynayo taasoo ka soo jeeda Gobalka Awdal waxaanu sheegay inay Korontadu tahay nolosha badhkeed sidaa darteed ay tahay in la sii xoojiyo awooda laydhka dalka laga samaynayo taasoo kaafiyi doonta dalka oo dhan.

Dhanka kale Suldaan waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan isku darsiga awoodaha laydka ee shirkadaha gaarka ah iyo Dawladdu ku qaybsadeen,waxaa isaguna halkaa ka hadlay Cabdi Faarax Axmed oo ku hadlayey dhinaca saamilayda hoosyimaada shirkadda Dahabshiil waxaanu sheegay inay fardad u tahay inay shirkadii laydhka ee Dawladda ka dhigeen mid gaar loo leeyahay.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay tayeyn doonaan laydhka maadaama ay horeyba aqoon u lahaayeen Laydhka iyo shaqadiisa waxaa isaguna halkaa ka hadlay, Hanti-dhawraha guud Maxamuud Aw-cabdi waxaanu sheegay inay ka xafiis ahaan ku raaliyihiin sida loogu qaybiyey saamilayda shirkada ku midoobay shirkadan cusub ee Hageysa Electray Company.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Cali SIiciid Raygal waxaanu soo dhaweeyey midawga shirkadahan iyo sida loo habeeyey balse waxa uu shirkadahan ku booriyey inay wax ka qabtaan dhibaatada xadhkaha laydhka ee dhibaatada badan ku haya dalka.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu sheegay inay xisbiyada siyaasadu ku kala duwan yihiin arimaha bulshada sidaa darteed uu Kulmiye kaga duwan yahay xisbiyada kale inay muhiim tahay in la ilaaliyo hantida qaranka iyada oo loo danaynayo dadka danyarta ah.

"xisbiyada caalamku waxay ku kala aragti duwanyihiin siyaasadda dalka lagu maalayo sidaa darteed ka xisbi ahaan Kulmiye waxa uu aaminsan yahay in la ilaaliyo hantida umadda iyo dadka danyarta ah” dhanka kalana waxa uu hormar fiican ku sifeeyey inay Xukuumadii iyo shacabkii wax wada yeeshaan balse loo maro dariiq hufan oo aan madmadaw lahayn.

Mr Biixi waxa uu soo dhaweeyey shirkadan cusub waxaanu dardaaran ku siiyey inay shaqada ay bulshada u hayaan ka dhigaan mid hufan oo aan lahayn leexleexad.

waxaa gaba-gabadii xafladaasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxaanu sheegay inay dadka inta xumi xagga fooshaxun arimaha ka eegaan balse aanu shaki ku jirin inuu barnaamijkani yahay mid hormar ah oo ka tarjumaya hour socodka dalku ku jiro.

Dhanka kalana waxa uu Mr Saylici sheegay inay ka xukuumad ahaan dhiirigalinayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo horomariyo ganacsiga dalka "waxaanu idinkala shaqaynaynaa in lamideeyo shirkadaha laydhka ee Hargeysa,Boorama iyo kuwa kalaba” ayuu yidhi Mr Saylici dhanka kalana waxa uu xusay inay ka xukuumad ahaan isla qaateeen inay shirkadihii u soo gurmaday markii ay warshadii Dawladdu fadhiisatay "waxaan si gaara ugu mahad celinayaa shirkadihii noo soo gurmaday markii ay naga fadhiisatay warshadii laydka Hargeysa” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr Saylici.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured