"Xisbiga UCID, wuxuu ku wargelinayaa Dowladda China iyo Dowladaha aan saaxiibka la nahayba in Shirkadda ARC ee wadanka China iyo Kuwa kaleba ay ku joogaan, kuna shaqeeyaan Oggolaanshaha iyo Heshiisyada ay la galaan Qaranka Somaliland, sifo waafaqsan nidaamka dowladnimo iyo shuruucda Maalgashiga ee JSL" XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID YUUSUF KAYSE ABDI-LAAHI

0
Saturday January 10, 2015 - 18:55:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xisbiga UCID, wuxuu ku wargelinayaa Dowladda China iyo Dowladaha aan saaxiibka la nahayba in Shirkadda ARC ee wadanka China iyo Kuwa kaleba ay ku joogaan, kuna shaqeeyaan Oggolaanshaha iyo Heshiisyada ay la galaan Qaranka Somaliland, sifo waafaqsan nidaamka dowladnimo iyo shuruucda Maalgashiga ee JSL" XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID YUUSUF KAYSE ABDI-LAAHI

    Hargeisa(xogreebnews.com_War-MurtiYeeD XisbigaUCID Sida warbaahinta lagu shaaciyey, Wasaaradda Shidaalka iyo Macdanta ee Somalia Ayaa Soo Saartay War-murtiyeed ay Shirkadda Chinese ka ah Ee Marka La Soo Gaabiyo La Yidhaahdo ARC kaga mamnuucayso Hawla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_War-MurtiYeeD XisbigaUCID Sida warbaahinta lagu shaaciyey, Wasaaradda Shidaalka iyo Macdanta ee Somalia Ayaa Soo Saartay War-murtiyeed ay Shirkadda Chinese ka ah Ee Marka La Soo Gaabiyo La Yidhaahdo ARC kaga mamnuucayso Hawlaha Macdan baadhista iyo
JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka {UCID} Justice and Welfare Party
Ref/ UCID 1892 2015 Date: 10/01/2015
Somaliland,Hargeysa Head Office
War-MurtiYeeD XisbigaUCID Sida warbaahinta lagu shaaciyey, Wasaaradda Shidaalka iyo Macdanta ee Somalia Ayaa Soo Saartay War-murtiyeed ay Shirkadda Chinese ka ah Ee Marka La Soo Gaabiyo La Yidhaahdo ARC kaga mamnuucayso Hawlaha Macdan baadhista iyo maalgashiga ee ay ka waddo JSL, gaar ahaan Gobolka Awdal, iyagoo shirkaddasi ku Eedeeyey in aan Shirkaddu haysan Oggolaanshaha Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheikha oo ka taliya qaybo ka tirsan Muqdisho oo keli ah.SIDAA AWGEED,
Xizbiga UCID, wuxuu ku wargelinayaa nidaamka ka taliya Muqdisho ee Dowladda Xasan Sheik Mohamoud, inay ka waantoobaan sheegashada ka talinta Geyiga Somaliland oo dhulkiisa, Baddiisa iyo Hawadiisuba xor ka yihiin Wixii la isku odhan jidhan Somaliweyn, Maadaamama Shacbiga dega Somaliland ay hore u Go’aansadeeen Aayo ka talintooda (Self Determination) bishii May 1991kii, xaqa Aayo ka tashiguna waa xuquuq Aasaasi ah oo waafaqsan Xeerarka Qaramada Midoobay iyo guud ahaan bulshooyinka Demoqraadiga xorta ah.
Xisbiga UCID, wuxuu ku wargelinayaa Dowladda China iyo Dowladaha aan saaxiibka la nahayba in Shirkadda ARC ee wadanka China iyo Kuwa kaleba ay ku joogaan, kuna shaqeeyaan Oggolaanshaha iyo Heshiisyada ay la galaan Qaranka Somaliland, sifo waafaqsan nidaamka dowladnimo iyo shuruucda Maalgashiga ee JSL.
Xizbiga UCID wuxuu beesha Caalamka u caddaynayaa inay been abuur tahay inay ka jiraan Gobolka Awdal Colaado sokeeye, barokac iyo Hawo Nabadgalyo Darotoona, waana Gobolka ugu nabdoon Gobollada JSL. Danta ka dambaysa War-Murtiyeedkan Xukuumadda Muqdisho waxa looga gol leeyahay in lagu dumiyo Dowladnimada iyo Jiritaanka Madaxbannaanida JSL.
Xizbiga UCID, wuxuu uga digayaa Madaxweyne Xasan Sheik iyo Kooxdiisa Dammul jadiid ee ku hamuumay Iibsiga iyo boobka Hantida Ummadda Somaliyeed, inay joojiyaan isku dayga Fitno abuurka ah ee la rabaan in khalkhal lagu geliyo amniga iyo wadajirka Ummmadda Somaliland, isla markaana, aan Ummadda Somaliland sinaba ugu dulqaadan doonin hagardaamo kasta oo lagu wiiqayo Madaxbannaanida JSL.
Xizbiga UCID, Wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland inay si deg deg ah Cilaaqaadka loogu jaro Maamul ka Madaxweyne Xasan Sheik Mohamoud, lana Joojiyo nooc kasta oo wada hadal iyo la shaqayn ah oo ay la gashay inta la helayo Xukuumad Haysta Kalsoonida Ummadda Somaliyeed Oo dhan, maadaama Nidaamkaasu ka baxeen kuna fashilmay sidii lagu heshiyey Shirarkii Turkiga, London iyo kii Ugu Danbeeyey Ee Djiboutiba.Tan kale, Xizbiga UCID wuxuu u soo jeedinayaa in Xukuumadda Silaanyo joojiso keli talisnimada iyo amar ku taagleynta heshiisyada Maalgashiga shisheeye ( National investment Law ), oo ay talada wax ka siiso Axzaabta Qaranka, loona Oggolaado inay saami iyo taloba ku yeeshaan dadka Deegaannada laga hawl gelayo, si ay u timaado in la wadaago kheyraaadka Dalka si siman.
XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID YUUSUF KAYSE ABDI-LAAHI



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured