Xanta Suuqa ee Siilaanyo Ma Taliyo ah,Miyaanay Markhaati Ku Noqon Wasiiradiisa Waxa ay Doonaan Meel Kasta Ka Sameynayaa?Qormadii 1 aad:

0
Saturday January 10, 2015 - 18:49:08 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanta Suuqa ee Siilaanyo Ma Taliyo ah,Miyaanay Markhaati Ku Noqon Wasiiradiisa Waxa ay Doonaan Meel Kasta Ka Sameynayaa?Qormadii 1 aad:

    hadaba aynu qormadan kowaad ku soo qaadano wasiirkan warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse iyo dhaqankiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hadaba aynu qormadan kowaad ku soo qaadano wasiirkan warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse iyo dhaqankiisa.

Madaxweyne kasta waxa markhaatiga ku fura,oo bulshaduna uga markhaati kacdaan hadba sida ay wasiiradiisu u dhaqmaan,hadaba akhriste waxaynu ka war haynaa xanta inta badan bulshadu isla dhex marto ee ah in uusan madaxweyne Siilaanyo talin,ee meesha ay ka taliyaan kooxo kala duwan oo ujeedooyin kala duwan leh,kuwaasi oo awooda kala duwan ku dhex leh,xukuumada siilaanyo,hadaba waxba ayeynaan ku sii dhiiraan eh’.

Wasiirada xukuumada siilaanyo ayaa waxa uu wasiir kasta u dhaqmaa sida uu doono,isagoo isku halaynaya awooda uu ku dhex leeyahay qasriga madaxtooyada,tiro malaha wasiirada hadba sida ay doonaan u dhaqmo oo weliba sida ay doonaan u isticmaala hantida umadda,balse waxaynu doonaynaa in aynu qormooyin ku soo bandhigno hab dhaqanka siyaasada ku xun ee wasiirada xukuumada siilaanyo ku dhaqmaan iyo tilmaanta ay siinayso shacabka talaabooyinka ay qaadayaan,hadaba aynu qormadan kowaad ku soo qaadano wasiirkan warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse iyo dhaqankiisa.

Akhrise qormooyinkan ama qoraaladan oo noqon doona kuwo taxane ah,ayaanu jecel nahay in aanu qormadan ku soo qaadano dhaqanada wasiir cuskue.

Wasiirka warfaafinta warfaafinta Somaliland oo ah C/laahi Cukuse ayaa waxa uu ku caan yahay dhaqano,ay tahay in hadii madaxweyne taliyaa jiro,in wax laga qabto,akhriste waxay soomaalidu ku maah maahdaa MAYDH KEE UGU DANBEEYEY iyo KAA LA SIISIDO,dhawaan ayey aheyd markii wasiir cukuse dhaqan ka baxsan ka dawliga ah iyo ka siyaasadeedba kula kacay gudoomiyaha jaaliyadda SWEDEN iyo wafti balaadhan oo reer SWEDEN ah,oo uu hogaaminayey,isagoo wasiir cukuse markii madaarka caalamiga ah,ee cigaal ay ku soo dhaweynayeen agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Cilmi Adan (ilkacse ) iyo maareeyaha telefishanka qaranka Somaliland ay waftigaasi balaadhan soo dhaweyn diiran ku qaabileen,balse uu soo dhaweyntaasi ku dhex dhacay wasiir Cukuse oo u eeg AWR DOOB YAYA,waxana uu amar ku bixiyey in la xidho gudoomiyaha jaaliyadda iyo waftiga reer SWEDEN ee la socday,mudo kooban markii ay xidhnaayeen, ee khilaaf gacanta la iskula tegi gaadhayna ku dhex maray wasiirka iyo labada masuul ee kale ,ayaa waxa arinta mar danbe soo galay madaxtooyada oo furdaamisay dhacdadaasi xun.

Waa dhaco fool xun oo markhaati u ah,hab dhaqanka iyo maamulka wasiirka ,iyo awooda aan ku dhisneyn dawladnimada wanaagsan ee uu ka haysto madaxtooyada,waana arin kale oo daliil u ah,dhaliisha iyo xanta shacabku isla dhex marayaan ee sheegaysa in uusan madaxweyne Siilaanyo talo gacmaha ugu jirin,waayo hadii aysan sidaasi shacabku sheegayaan aysan ahayn wasiiradiisu ma waxay u dhaqmi lahaayeen mid kastaa sida uu doono?

La Soco Qormooyinka Danbe

Qore: Maxamed C/rashiim Muuse

Email:mose32@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured