“ Waxanu maanta dhagax dhigaynaa Xarun cusub oo aynu u samaynayno qaybta dabdamiska Garoonka Cigaal waana qaybta kali ah ee ka dhiman maanta garoonkeena,” Wasiir Xaashi

0
Friday January 09, 2015 - 19:49:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “ Waxanu maanta dhagax dhigaynaa Xarun cusub oo aynu u samaynayno qaybta dabdamiska Garoonka Cigaal waana qaybta kali ah ee ka dhiman maanta garoonkeena,” Wasiir Xaashi

    Hargeysa (xogreebnews_Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta dhagax dhigay dhisme weyn oo loo hirgalinayo Waaxda Dab-damiska ee Madaarka Cigaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews_Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta dhagax dhigay dhisme weyn oo loo hirgalinayo Waaxda Dab-damiska ee Madaarka Cigaal.
Hargeysa (xogreebnews_Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta dhagax dhigay dhisme weyn oo loo hirgalinayo Waaxda Dab-damiska ee Madaarka Cigaal.
Dhismahami oo isugu jira Hoosooyin loogu tallo galayin la dhigo gaadiidka dab-damiska, iyo kayd biyood ayaa waxa kharasha ku baxaya bixinaysa Xukuumadda Somaliland, Munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax dhiga Dhismahaasi ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista, Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, iyo maamulka Madaarka Cigaal.
Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sharaxay baahida loo qabay dhismahaasi waxaanu yidhi “ Ilaahay ayaa Mahad leh waxanu maanta dhagax dhigaynaa Xarun cusub oo aynu u samaynayno qaybta dabdamiska Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal uu yeelan doono, xaruntani waxa ay ka kooban tahay hoosooyinkii gaadiidka waaweyn ee casriga ah ee aanu Garoonka keenay ay gali lahaayeen ee ku filnaa iyo taangi weyn oo biyood oo gaadiidka dab-damisku ay biyaha ka qaataan wakhtiyda uu dabku jiro, waana qaybta kali ah ee ka dhiman maanta garoonkeena,” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.
Wasiirka Duulista ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “Xukuumadan maanta uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxay ku dadaalaysaa oo ka go’an in aanu kor u qaadno adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale, anaga oo ka duulayna siyaasada ka Wasaarad ahaan waxa bar-tilmaameed noo ah in aanu Garoonkan caalamiga ah ee Cigaal ee caasimada aanu casriyeyno, korna u qaadno adeegyadiisa kala duwan dhinaca nabadgalyada, badqabka, dhinaca Terminal lada, iyo wixi la mid ah, markaa runtii waxaanu ku tallo jirnaa in aanu mashruucan dhamays tirno ka hor xiliga Runway-ga diyaaraduhu ku dagaan korodhsiimadeedu uu dhamaanayo, iyo Xayndaabka oo iminka gabogabo ku dhaw, dhamaantiina la qiimayan doono wakhtigaas, Garoonku xiligaa wuxu noqon doonaa garoomada weyn oo casriga oo mid ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan geeska Africa, oo ilaa darjadiisu tahay toban (Category Ten), ujeedadaas ayaa laga leeyahay mashruucan waxaa ku bixi doona lacag ilaa Boqol kun oo dollar ah (100.000$) oo dawladda Somaliland ay bixinayso, runtii waxaanu rajaynaynaa in ay si fiican u qabyo tirto shirkada Daryeel ee dhisaysaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured