Xogo Daboolka Ka Qaadaya Isku Shaandheyn Madaxweynaha Iyo Wasaaradaha Ay Galaafan Doonto kuwaa saxaada siyaasadda Mucaaridnimo kusoo laaban doonaa…( AKHRISO )

0
Friday January 09, 2015 - 19:29:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Daboolka Ka Qaadaya Isku Shaandheyn Madaxweynaha Iyo Wasaaradaha Ay Galaafan Doonto kuwaa saxaada siyaasadda Mucaaridnimo kusoo laaban doonaa…( AKHRISO )

    Hargeysa (xogreebnews.com_Warar uu Wargeyska Yool helay, ayaa daboolka-ka-qaaday xoggo ku saabsan isku-shaandheyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku samaynayo Golihiisa Xukuumadda, taasoo inuu ku hawlan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_Warar uu Wargeyska Yool helay, ayaa daboolka-ka-qaaday xoggo ku saabsan isku-shaandheyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku samaynayo Golihiisa Xukuumadda, taasoo inuu ku hawlan yahay qorshe isugu jira xilal-ka-qaadis iyo isku bedel. Sida ay tibaaxayaan Xogaha
Hargeysa (xogreebnews.com_Warar uu Wargeyska Yool helay, ayaa daboolka-ka-qaaday xoggo ku saabsan isku-shaandheyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku samaynayo Golihiisa Xukuumadda, taasoo inuu ku hawlan yahay qorshe isugu jira xilal-ka-qaadis iyo isku bedel. Sida ay tibaaxayaan Xogaha amuurtan la xidhiidhaa, qorshaha isku shaandhaynta ahi waxa uu gallaafan doono xubno shil-shillis, iyo qaar kaloo Kuraasta ku diggo-jabsady.Ma jiro war amuurtan ku saabsan oo si dhab ah u xaqiijinaya jiritaankeeda, kana soo baxay qasriga Madaxtooyada, inkasta oo Afhayeenka Madaxtooyadu Salaasadii todobaadkan beenin indho-sarcaad loo arkay ku daadifeeyey hindisaha isku-shaaneynta Madaxweynaha oo ilo-wareedyadu shaaca ka qaadeen inay Miiska u saarantahay Md. Siilaanyo.
Hase-yeeshee, warar amuurtan la xidhiidha ee Wargeyska Yool, ka helay waxay intaasi ku darayaan, in qorsha isku-shaadhaynta ahi aany noqon doonin mid ku kooban Golaha Wasiirada oo keliya, balse uu yahay mid saamayn doona gebi ahaan-ba qaybaha kala duwan ee Golaha Xukuumada ee uu gadh-wadeenka u yahay Md. Siilaanyo, sida Wasiirada, Agaasimeyaasha iyo Badhasaabada Gobollada qaarkood. Waxaana wararka qaar tibaaxeen in xubnaha ugu tunka-weyn ee sallaanka ka siiban doona uu ka mid yihiin Wasiirada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo isagu had iyo jeer markuu fagaareyaasha-siyaasada ka hadlayo bulshada usoo gudbiya sawir uu kaga dhaadhicinayo inuu kamid yahay xubnha ugu dhow Madaxweye Siilaanyo ee ku jira Golihiisa Wasiirada, iyo sidoo kale, Wasiirada Gaashaan-dhiga Axmed X Cali (Cadami), Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-daahir, Shaqada iyo Arimaha Bulshada Md. Maxamuud Barre Garraad, Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamaca Faarax (Ab-gaal) iyo Wasiirka Beeraha Md. Faaraxa Cilmi Geedoole.
Geesta kale, inkastoo aan wararku si dhamaystiran u wada-xusin kuwa yihiin xubnaha ama wejiyada cusub ee Sheybaadhka Madaxtooyada kasoo bixi doonaa, hadan iluhu carabka ku dhifteen in geeshka-cusub ee saxan-saxadoodu ina hayso uu kamid yahay Md. Axmed Daa’uud, oo hore Aggaasime-Guud uga noqday Wasaaradda Maaliyadda, cahdigii Md. Rayaale, haddana sida wararka lagu sheegay lagu wado jagada Wasiirka Maaliyadda. Waxa kaloo, wararku intaa ku dareen in Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii RAYS Md. Gaafaadhi, oo isagu kadib markii Ururkiisu ku guul-daraystay doorashadii Goleyaasha Deegaanka ku biiray Xisbul-xaakimka KULMIYE, hada lagu wada inuu kamid noqodo xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada, wallow sida wararka qaarkood sheegayaan gudo-galkiisu uu ku xidhan yahay kolba wejiga uu yeesho xidhiidhka qasriga Madaxtooyada iyo Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi.
Dhanka kale, waxa wararku sheegayaan in markii ugu horeysay tan iyo intii Xukuumada KULMIYE talada haysay isku shaandhayntani noqon doonto mid saamaysa Wasiirada Waxbarashada Md. Samsam Cabdi Aadan, wallow saamaynteedu tahay mid Togan, oo sida la sheegay Wasiiradu ku jito xubnaha Wasaaradaha loo kala bedeli doono. Docda kale, wararka qaar ayaa sheegaya in qorsha isku shaandhaynta ee laga filayo qasriga Madaxtooyadu inuu gallaafan doono Badhasaabada Awdal iyo Saaxil, iyo sidoo kale, raxan ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hoggaanka ama Taliyeyaasha saddexda Ciidan qaran ee Somaliland mid kamid ah, oo sida wararku xuseen loo asteeyay in la siiyo Gobollka Awdal.
Inkastoo aanay ahayn markii ugu horeysay ee dibedda uu usoo baxo war-sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo soo wado isku shaandhayn uu ku samaynayo Golihiisa Xukuumada, hadana soo hadal-qaadka arinkan ee maanta, ayaa u muuqda mid ka duwan kuwii hore, sidaa darteed-na ay u badan tahay Boqolkii-ba Sagaashan inuu run qondo. sababtoo ah marka la qiimeeyo duruufaha iyo xaaladaha dalku ku jiro, oo ah kuwo aad u cakiran, isla markaana aan ka fursanayn in Madaxweyne Siilaanyo ka qaato talaabo ka duwan midan hada taagan, oo weliba deg-deg ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa arimuhu si dhab ah u kala cadaan doonaan Toddobaadyada soo socda, haddii Eebe yidhaado.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured