Faallo :Maanta Somaliland Waxay u Baahan Tahay Hogaamiye Aqoon,Karti iyo Aragti Fog leh Sida Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.Qaybtii 2 aad:

0
Thursday January 08, 2015 - 22:56:41 in Featured by Super Admin
  • Visits: 1473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo :Maanta Somaliland Waxay u Baahan Tahay Hogaamiye Aqoon,Karti iyo Aragti Fog leh Sida Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.Qaybtii 2 aad:

    1: horta waa nin aqoon yahan ah,oo ka soo baxay jaamacada ugu caalamisan aduunka ee lagu magacaabo HAVARD UNIVERSITY,oo ku taalla dalkaasi maraykanka,waxana uu haystaa shahaada cilmiga dhaqaalaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1: horta waa nin aqoon yahan ah,oo ka soo baxay jaamacada ugu caalamisan aduunka ee lagu magacaabo HAVARD UNIVERSITY,oo ku taalla dalkaasi maraykanka,waxana uu haystaa shahaada cilmiga dhaqaalaha
Akhrise sababta aynu u leenahay maanta Somaliland waxa dhibaatada ka saari kara,waa murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,waxa weeyi marka hore aqoon yahanku waxa uu ku sifoobay astaamo badan, oo looga baahan yahay in uu yeesho hogaamiye Wanaagsani,waxana astaamahaasi ka mid ah.
1: horta waa nin aqoon yahan ah,oo ka soo baxay jaamacada ugu caalamisan aduunka ee lagu magacaabo HAVARD UNIVERSITY,oo ku taalla dalkaasi maraykanka,waxana uu haystaa shahaada cilmiga dhaqaalaha.
2: waa nin dulqaad leh,oo deeqsi ah,astaantani waa mid looga baahan yahay in uu leeyahay hogaamiyaha fiicani.
3: waa nin hal adag ,oo go’aan adag taasina waa astaan kale oo muhiim u ah,in uu yeesho hogaamiye.
4: waa nin dadnimo leh,oo daacad ah,taasina waa astaan kale oo lagama maar maan u ah,in uu yeesho hogaamiye.
5: waa nin deeqsi ah,oo dadku u siman yihiin,oo aan soo kala dhaweysan dadka,waana astaan kale oo looga baahan yahay qofka hogaamiyaha ah.
6: waa nin khibrad leh,oo ka soo shaqeeyey in ka badan 20 dal,oo aduunka ah,waana waxyaabaha laga rabo in uu yeesho hogaamiye wanaagsani.
7: waa nin dhalinayaro ah,oo maanta maskax ahaan iyo jidh ahaanba shaqeynaya ,oo da’diisu waxay tahay sanadkan 50 jir.
8: Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen waa siyaasiga maanta marka la eego dhibaatada uu dalku ku jiro ka saari kara.
9: waa nin jecel in uu xog ogaal u noqdo xaalada qaybaha kale duwan ee bulshadu ku sugan yihiin.
Hada akhriste ma lihin waa wada sax ,ee dee kolay waa bili’adan oo khalad wuu ka dhacayaa,laakiin waxaynu ka hadlaynaa waa sidii maanta looga saari lahaa dalka,jahawareerka dhaqaale,siyaasadeed ee uu ku jiro,iyo cida ka saari karta,mushkiladaasi,iyadoo ay muhiim tahay in la ogaado dhibaatada baaxada leh,ee maanta ka jirta Somaliland iyo sida looga saari karo iyo cida ka saari karta in la ogaado,oo lagu eego indho caafimaad qaba,oo ka madhan xasad ama qabyaalad?
Akhriste maanta dunidan aynu joogno waxay isku xidhan tahay,oo wax u kala qarsooni ma jirto,hada waynu og nahay waxa dalalka aduunka maanta ugu awood badani waa maraykan oo waxa loo baahan yahay sida loola hadlo dalkaasi ugu awooda badan aduunka,runtii siyaasadu waa xirfad iyo faham ,marka maanta Somaliland waxay u eeg tahay in ay ka xidh xidhan tahay aduunka,kadib markii tiraba dhawr jeer lagu eedeeyey xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ,inay ku jiraan rag xidhiidh la leh,kooxo ama ururo xag jira,arintaasi waxay keentay in gabi ahaanba,xukuumada hada talada dalka haysaa inay iska soo xidhay ,wada shaqeyntii iyo is dhex galkii la doonayey inay la yeelato beesha caalamka,runtii marka xaqiiqada laga hadlayo maanta Somaliland waxa la odhan karaa,dal ku jira xaalad go’doon ah,oo aan maanta saaxiib ku dhex lahayn aduunka,taasina waxay sababtay in markasta xukuumada siilaanyo ay codsato in la wada hadashiiyo somaliya,taasina waxay ka markhaati kacaysa halka siyaasadii xukuumada siilaanyo marayso.
Sidoo kale waxa iska cad heerka siyaasadeed ee gudo iyo dibadba ugu fashilan tahay xukuumada siilaanyo,oo marka laga yimaado dibadii dalkii gudahiisii ayaa maanta waxay maraysa, markii shacabku ka kalsooni baxay xukuumada siilaanyo in beel kasta qabsato shir ay ugu yeedhay aayo ka tashiga beesha,kaasina waxa uu ku yimid saluug weyn oo shacabkii kala kulmay xukuumada siilaanyo,iyadoo weliba beelo waaweyn oo ka mid ah beelaha Somaliland markii ay isku dayeen inay si wanaaagsan madaxweynaha ugu sheegaan cabashada ay qabaan ,uu madaxweynihii dhamaa ee la doortay ee la doonayey in uu isagu go’aan gaadho ,uusan go’aan gaadhi Karin,ilaa uu gudi u magacaabo arinta,xitaa marka gudida uu magacaabo ay ka soo talo bixiso waxba kama qaban arinta cabashada .
Maanta Somaliland waxay qarka u saran tahay in beel kasta tidhaahdo waxaanu ka baxnay Somaliland,iyadoo ay arintaasina ugu wacan tahay maamul xumida maanta dalka ka jirta,dhawaan ayey ahayd markii siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada bari ee Somaliland oo u hogaaminayo Siyaasiga Weyn ee Axmed Cabdi Xaabsade uu u goostay maamulka puntland,kadib markii xukuumada siilaanyo dhag ey jalaq u siin weyday cabashadii beeshiisa iyo cabashadisii,hadaba cadaalad darooyin is barkaday iyo maamul xumo baahsan oo dalka ka jirta ayaa maanta Somaliland ugu wacan waxaasi oo mashaakil ah.
Hadaba akhriste waxay maanta Somaliland u baahan tahay gurmad deg deg ah,markaa waxa muhiim ah,inaad dhinacaaga ka gasho gurmadka,iyadoo siyaabo kala duwan loo galayo gurmadka,ayaa waxa maanta gurmadka ugu weyni yahay bal in la taageero cidii dhibaatada ka saari karta Somaliland,waxana la odhan karaa waa gurmadii 1993-kii ilahay Somaliland ugu soo diray Madaxweynihii hore ee aasaasay Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo dalka soo gaadhay,iyadoo rajo xumidi maraysay meeshii ugu sareysay ,oo meel kasta dhaca,boobka iyo dagaalku ka socodo,marka maanta la eego waxa la odhan karaa rajada umadu waxay maraysa meel aad u hooseysa,oo waxa meesha ka baxday rajadii la qabay ee ahayd in dalku helo aqoonsi caalami ah,in dalku helo cadaalad,in dalku helo horumar dhinac kasta ah iyo in dadka rajadii ka luntay 1960-kii ay soo noqoto,waxaasi oo dhami may suurto gelin,oo maanta dalkii waxa ka jira shaqo la’aan baahsan oo dhalinyaradii iyo ubixii dalku badaha ayuu ku dhamaaday,maanta dalka waxa ka jira cadaalad daradii ugu weyneyd,maanta dalka waxa ka jira musuq-maasuqii ugu balaadhnaa ee dalka ka dhaca tan iyo markii dib loogu soo noqday dalka,maanta dalka waxa ka jira maamul xumo baahsan oo ragaadisay dhaaman laamihii dawladda,maanta dalka waxa ka jira rajo xumo badan oo shacabkii ku dhacday.
Hadaba akhriste dhibaatooyinka baahsan ee maanta jira waxa loo baahan yahay in laga fikiro sidii looga bixi lahaa,anigu markii aan la sheekaystay siyaasiyiinta ruugcadaaha ah,aqoon yahanka dalka,ganacsatada dalka,dhalinyarada,Haweenka iyo guud ahaanba dadka lagu tilmaamo indheer gaartada waxay ii muujiyeen in maanta mushkiladaha kala duwan ee dalka ka jira,in insha alla uu ka saari karo murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,taasina waa ta igu kaliftay in aan qalinka u qaato oo aan tilmaamo in loo baahan yahay gudaha iyo dibaduba inay taageeraan murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbigaasi UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen.
soco qaybaha danbe ee taxanahan.
Qore: Cali Maxamed C/laahi
Email:calicabdilaahi@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured