Maxaa Sababa In Wasiir Samaale Mar Walbaa Shaqadiisa Kaga Mashquulo Khilaafyo Uu Cid Ka Dhex-abuuro Faro-gelinta Joogta Ah?
Hargeisa(xogreebnews.com_Wasiirka maaliyadda Somaliland cabdi casiis maxamed samaale, ayaa shaqadiisi intaa badan kaga mashquuley shir-qooladda u malleego siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye iyo xubno ka mid ah ururadda aan dawliga ahayn ee intaa
Hargeisa(xogreebnews.com_Wasiirka maaliyadda Somaliland
cabdi casiis maxamed samaale, ayaa shaqadiisi intaa badan kaga mashquuley
shir-qooladda u malleego siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye iyo xubno ka mid ah
ururadda aan dawliga ahayn ee intaa badan ka shaqeeya arrimaha xaquuqal
insaanka,ururada kale ee ka qayb qaata horumarka bulshada iyo
wacyi-gelinta,inuu si qaawan u faro geliyo wasiirka maaliyaddu iyadoo
dayac-badani ka muuqdo hawlihii uu qaranka u hayeey. Wasiir samaale ayaa
dhowaan uu madaxweyne siilaanyo farriin aad cadho uga muuqato uu warbaahinta u mariyeey madaxweynihii soo magacaabay
kaddib markii uu xasarad iyo fidmo Hor leh ka dhex- abuuray beesha u kasoo jeeddo
iyo xukuumadda siilaanyo, kuwaaso uu iska hor keenid iyo kala jaajabin kaga
dhex- faa’iideystay han siyaasadeed uu leeyahay mustaqbalka fog isaaggo
warbaahinta marar badan ka sheegay in marka uu madaxweyne siilaanyo haakah? Yidhaahdo u
isaa-soo sharaxaayo, inaago og-soon in madaxweyne siilaanyo iyo mujaahidka weyn
ee muuse Bixii cabdi, ay isla Garteen in kal-kan soo socdaana lo daayo madaxweyne
siilaanyo kal-ka ku xiggana mujaahid muuse,. Balse wasiir samaale ayaa taas
xaasid nimo ka dayeey isla markaasnaa fadhiga u diidey Gudoomiyaha xisbiga
Kulmiye Muuse,kaaso u mooshin kaga soo kiciyeey dhinaca beesha, waxaana u soo
dhex-galay odayaasha iyo culimada beesha
oo leh sheikh iyo shariif-baa. Waxaana markhaati ka wadaa-tihiin qaabkii wasiir
sammaale u usoo-golo joojiyeey wadaada beesh u weyn. Kuwaaso aan looga baran
wali inay ka had-laan arrimaha siyaasadda dalka marka laga reebo inay tallo Guud iyo tilmaamo lagu
bad-baadinaayo qaranka usoo-bandhigaan shacabka iyo dawlada mooye. Hadaba wasiir samaale kuma uu koobnaan oo keliyaa khilaafka
uu kala dhex-dhigay beesha, xukuumadda,xisbiga Kulmiye ee waxaa uu keenada soo
sudhay markii siilaanyo ka bakhtiiyeey dabkii uu kala dhex-wareegayeey xukuumadda
iyo xisbigeeda,inuu ururadda aan dawliga ahayn, oo hadda ay ku eg-keyd xilliga doorashadood hoggaamadooda iyo muddo xileedkooda u hor moodka noqdo
khilaafyo, kuwaaso uu adeeg-sanaayo xubno u ku shaqaysto una rido sidaa
mad-faca oo kale marka u doono. Hadaynu tusaale usoo qaadanno meellaha u wasiir
samaale uu gacan tukaaleeyey, waxaa ka mid ah, ururka suxufiyiinta Somaliland ee
Solja kaaso wasiir samaale uu dhaqaale aad uu badan u adeeg-saday af-gambigiisa
isaago wax u raadinaaya inaamo ay qaraabo yihin iyo nin kale oo u adeeg-san
jirey af-lagaadaad muuse bixi. Kuwaaso 25-December magaalada Hargeisa ku qabsaday
shir ay ku keliyeeystay warbaahinta
dawladda oo keliya,kaaso wasiir samaale dhaqaale lagu qiyaasay $ 35000 oo doolar ku bixiyeey sidii ay inqilaab ugu qabsan lahaayeen ururka
solja. Sidaa oo kale-na waxaa si weyn loogu tiriyaa wasiirka maaliyadda Somaliland
inuu sabab u ahaa khilaafkii soo kala dhex-galay hoggaankii solja, isaaggo
daaha daba-diisa cid kasoo hagayey. Solja oo keliya kuma koobney meelaha uu qoriga dabka
leh uu sudhay wasiir samaale balse waxaa iyaana wali aan maaro lo Helin khilaaf
uu door weyn ku lahaa wasiir samaale kaasowali ka dhex istaadhan ururka dhalinyaradda ee Sonyo, kaaso hadda leh
laba Gudoomiye iyo laba ku xigeen iyo waliba maamul hadda sii sheegta inuu
yahay midka saxaa ah ee Sonyo. Sidoo kale waxaa jiraa dayac faro badan oo ka
muuqanaaya hawlaha shaqo iyo dhaqaale goob ee wasaaradda maaliyadda Somaliland,
ka qaadi lahayd ilaha dhaqaalaha dalka,waxaana sannad walbaa u dhawr jeer
wasiir qori dable uu shacabka dan yarta
ah ku kordhiyaa cashuurta isaago sheega
in miisaaniyadda dalka sannad walbaa soo qoraa miisaaniyadd mala-awaal ah oo
bilaa xisaab-xidh oo u mar walba hor
keenno golaha wakiiladda dalka.. la socoo qaybo badan oo ku saab-san ku tagri
falka hantida iyo faro galinta samaale ku hayo meelo ka baxsan shaqadiisa… Qalinkii Cabdi
casiis Bashiir Nuur Tel;
4144434 Hargeisa/Somaliland Leave a comment |
|
Maxaa Sababa In Wasiir Samaale Mar Walbaa Shaqadiisa Kaga Mashquulo Khilaafyo Uu Cid Ka Dhex-abuuro Faro-gelinta Joogta Ah?
Hargeisa(xogreebnews.com_Wasiirka maaliyadda Somaliland cabdi casiis maxamed samaale, ayaa shaqadiisi intaa badan kaga mashquuley shir-qooladda u malleego siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye iyo xubno ka mid ah ururadda aan dawliga ahayn ee intaa