Maxamed Rashiid Hoyey Laakiin Cadawgi Xoriyatal-Qawlka Ee Ifka Ciilka Ku Baday Mahadin Maayaan By Yusuf Abdi Gabobe
Hargeisa(xogreebnews.com__Geerida iyo nolashaba guula gudoonshoo kolay seegi-maynee maanta-na ma gobo tidhi ma ku waaayey garabkay. Gardarooyin igu dhacay kii i garab istaage gabashada aqoonow godka
Hargeisa(xogreebnews.com__Geerida iyo nolashaba guula
gudoonshoo kolay seegi-maynee maanta-na ma gobo tidhi ma ku waaayey garabkay.
Gardarooyin igu dhacay kii i garab istaage gabashada aqoonow godka Eebe ku
nuur.Geeridu waa xaq laakiin dulmiga iyo xaqdaradu waa dambi cidkasta oo geysata
if iyo aakhiraba loo raaci doono. Ifka oo bani-aadam ahaan ah ta inaga ina
khusaysa’e Alle ha u naxariisto oo ha u nuuriyo xabaasha’e Maxamed-Rahiid
Muxumad Faarax waxay qaarbadan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ka war-qabeen
halgankii adkaa ee uu adoonkaa Ilaahay inti uu dhulka ku noolaa uu ugu jiray
ilaalinta iyo daafaca qadiyadda xoriyatal-qawlka gaar ahaan xoriyadda
saxaafadda . Ururki SOLJA ee uu Maxamed Rashiid Xoghayaha Guud ka ahaa waxa uu
ka mid aha hay’adihii (institutions) dalka ka hirgalay intii aanu Axmed Siilaanyo dalka madaxweyne ka
noqon. Maantase SOLJA waxay ku burburtay gacanta Siilaanyo sidii ay hay’addo
badan oo kale oo dawli ah iyo kuwa aan dawli aheynba oo tan ka horeeyey ay
gacantiisa inoogaga soo burbureen intii
uu xukunka hayey. Ku darso oo ururkii SOOYAAL wuxu saaxadda kaga baxay markii
uu Siilaanyo oo Wasiirka Maaliyadda ahi sanadki 1998-kii uu gacantiisa ula
tagay burburinta hay’addaasi ay mujaahidiintu danahooda iyo daryeelkooda u
sameysteen.Intii uu Axmed Siilaanyo talada hayey dalkan waxa ka socday dagaal
lagula jiro waxyaabihii tacabka badan aynu galinay ee inoo qabsoomay, waxa la
xasuuqay xoriyatal-qawlkii, waxa majarihii laga weeciyey hanaankii
dimuqraadiyadeed ee inoo hirgalay, waxa juggo cul-culus la gaadhsiiyey
degenaanshihii iyo midnimadii aynu ku
soo caano maalnay. Cidda burburintaasi dalka iyo
hay’adahiisa(institutions) ku waday waa
kuwii Maxamed-Rashiid-na gabal caraab-shay ee gawraca ku dhigay godobtaana
Somaliland way u haysaa!!!. By Yusuf Abdi Gabobe London UK. Leave a comment |
|
Maxamed Rashiid Hoyey Laakiin Cadawgi Xoriyatal-Qawlka Ee Ifka Ciilka Ku Baday Mahadin Maayaan By Yusuf Abdi Gabobe
Hargeisa(xogreebnews.com__Geerida iyo nolashaba guula gudoonshoo kolay seegi-maynee maanta-na ma gobo tidhi ma ku waaayey garabkay. Gardarooyin igu dhacay kii i garab istaage gabashada aqoonow godka