Suxufi Caanka ah geeska Afrika oo u dhashay S/land oo sifo sharcidaro ah ugu xidhan Itoobiya

0
Thursday January 08, 2015 - 18:41:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufi Caanka ah geeska Afrika oo u dhashay S/land oo sifo sharcidaro ah ugu xidhan Itoobiya

    Mr. Yusuf Mohamed Hasan oo ah suxufi caan ka ah Geeska Africa xubina ka ah Ururka madaxabanaan ee Suxufiyiinta Somaliland, ayaa dabayaaqadii bishii December 2014 u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr. Yusuf Mohamed Hasan oo ah suxufi caan ka ah Geeska Africa xubina ka ah Ururka madaxabanaan ee Suxufiyiinta Somaliland, ayaa dabayaaqadii bishii December 2014 u

New Picture (1)

UJEEDO: SUXUFI CAANKA AH GEESKA AFRIKA OO U DHASHAY SOMALILAND OO SIFO SHARICDARO AH UGU XIDHAN ITOOBIYA MUDO LABO TODOBAAD AH:

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Africa oo magacooda loo soo gaabiyo HornWatch, waxay ka xun yihiin in ay ogaadaan in Suxufi lagu magacaabo Yusuf Mohamed Hasan Tafatirihii Sare ee Mareegta luuqada Ingiriisida lagu baahiyo eee somalilandsun.com uu ku xidhnaa magaalada ku taal bariga dalka Ethiopia ee Jigjiga tan iyo ciidii Kiristaanka oo ku beegnayd dabayaaqadii December 2014.

Mr. Yusuf Mohamed Hasan oo ah suxufi caan ka ah Geeska Africa xubina ka ah Ururka madaxabanaan ee Suxufiyiinta Somaliland, ayaa dabayaaqadii bishii December 2014 u ambabaxay safar dalxiis ah oo uu ku tagay dalka Itoobiya isagoo Dal ku gal sharci ah ka qaatay Safaarada Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa taasi oo uu kaga gudbay magaalada xuduuda ah ee Wajaale isla markaasina nabadqab uu ku gaaray magaalo madaxda ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

Balse hal maalin markii uu joogay Magaalada Jigjiga ayaa Suxufigan Mr. Yusuf Mohamed Hasan waxa ku dhacay muuqwaa, meel u jaan iyo cirib dhigayna way waayeen ehelkiisii iyo suxufiyiintii la shaqaynaysay oo si joogto ah ay uga wada xiriiri jireen isgaadhsiinta internetka iyo Telefoonka Gacanta.

Nasiib Wanaag markii ugu horaysay Baadhayaasha Xadgudubyada Xuquuqda Aadamiga oo ka tirsan HORNWATCH ayaa xogogaal u noqday in Suxufigan Muuqwaagu ku dhacay Mr. Yusuf Mohamed Hasan uu in ka badan toban maalmood uu ku xidhnaa xabsi ku yaala magaalada Jigjiga isla markaasina uu u xidhanyahay Hay’adaha Amaanka ee dalka Itoobiya, Sidoo kale HORNWATCH waxay ogaatay in Wariiyahan Mr. Hasan waraysiyo ay kula yeesheen ciidamada amaanka Itoobiya Xabsiga Dhexdiisa isla markaasina ay kaga dhex duubeen qalabka maqalka iyo muuqaalka ah waraysiyada ay la yeesheen.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Africa waxay ka walaacsan tahay in Suxufiga Mr. Hasan ay ciidamada amaanka Itoobiya ugu gaysteen jidhdil isla markaasina ay khasab ku ogolaysiiyeen qiraalo dambiyo iyo eedo aanu galin.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Africa waxay ugu baaqaysaa Xukuumada Dawlad Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya in ay si degdeg ah xoriyadiisii ugu soo celiyaan suxufigan Mr. Yusuf Mohamed Hasan oo sifo sharci ah ku galay dalka Itoobiya isagoo sita Dal ku gal Dalxiis oo ay siisay Safaarada Itoobiya ku leedahay Somaliland.

Ururada iyo Haya’adaha Xuquuqda Aadamaha iyo kuwa u dooda Suxufiyiinta Adduunka waxanu ugu baaqaynaa in ay u hawlgalaan sidii uu xoriyadiisii dib ugu heli lahaa Suxufiga Mr. Yusuf Mohamed Hasan.

Waxanu ugu baaqaynaa Xukuumada Somaliland in suxufigan Mr. Yusuf Mohamed Hasan oo ah muwaadin u dhashay Somaliland isla markaasina Dalkugal sharici ah ku galay dalka Itoobiya balse Ciidamada Amaanka Itoobiya ku xidheen magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, ay sida ugu dhakhsaha badan ula xidhiidho xukuumada Itoobiya kalana hadasho sidii uu xoriyadiisii dib ugu heli lahaa Suxufiga Tafatiraha Sare ka ah mareegta somalilandsun.com Mr. Yusuf Mohamed Hasan.

Suleiman Ismail Bolaleh

Gudoomiyaha HORNWATCH

……

Attn:Human Rights Watch, Amnetsty International, THE Committe for the Protection of Journalists




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured