Wasiir Cukuse waxa uu Saxaafadda Somaliland ku noqday Cudurka Ebola….waxaan aad uga wer-wersannahay caqabadaha ku soo wajahan Suxufiyiinta sanadaha soo socda…Hoos ka Daawo Gudd. ku-xigeenkii SOLJA

0
Wednesday January 07, 2015 - 20:59:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse waxa uu Saxaafadda Somaliland ku noqday Cudurka Ebola….waxaan aad uga wer-wersannahay caqabadaha ku soo wajahan Suxufiyiinta sanadaha soo socda…Hoos ka Daawo Gudd. ku-xigeenkii SOLJA

    Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiye ku-xigeenka Hogaankii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed Cabdi Curad, oo maanta ka hadlayey Xaflad Caano-ku shub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiye ku-xigeenka Hogaankii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed Cabdi Curad, oo maanta ka hadlayey Xaflad Caano-ku shub
Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiye ku-xigeenka Hogaankii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamed Cabdi Curad, oo maanta ka hadlayey Xaflad Caano-ku shub ah oo Magaalada Hargeysa ku qabsadeen Hogaanka lagu caleemo saaray Munaasibada dhinaca ah, 25-kii Bishii December, ayaa eeddeymo kulul u jeediyay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Daahir Cukuse, oo uu ku tilmaamay masuul cudurka Ebola oo kale ku noqday Saxaafadda Somaliland.
Curad oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay Xaflada xilka lagaga tirsanayay garabkii Ururka SOLJA ee Qaadacay Shirweynihii Xukuumaddu af-duubtay, ayaa daboolka ka qaaday inuu Wasiirka Warfaafintu ka dambeeyay Shirqoolkii sababay kala qaybsanaanta xubnaha Ururka. waxa uu sidoo kale dusha ka saaray cukuse Masuuliyada dhacdo shalay Madaarka Hargeysa ka dhacday oo xabsiga loogu taxaabay Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Sweden iyo laba Wariye oo la socday oo halkaasi ka soo degay, kuwasoo xabsiga la dhigay, iyadoo ay xubno madax ka ah Wasaaradiisu soo dhaweynayeen.
Waxa uu sidoo kale, Munaasibadaasi kaga dhawaaqay Mr. Curad, in sanadkii tegay Saxaafadda Somaliland ka baxeen Hal-door iyo Rukumo adag, dhanka kalena waxa uu caddeeyay in saddexdii sanno ee Hogaankoodu SOLJA hogaaminayeen ay difaac ugu jireen weerar, xadhig, xayiraad iyo xad-gudubyo kale isugu jiray oo ay xukuumaddu ku haysay Warbaahinta Madaxbanaan, isagoo iftiimiyay in aakhirkii Inqilaabka lagu sameeyay ahaa mid qayb ka ahaa Dagaalkii lagula jiray, si loo xalaalshado ama liciifinta Xoriyatul-qowlka.
halkan kala baxa Link oo dhan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured