“Waxaanu Go’aan Ku Gaadhnay Inaanu Bilowno Dood Qaran Oo Ay Kasoo Qayb-geli Doonaan Dadka Lexejeclada Ka Qaba Somaliland”“…..Waxa Aanu Dhawaan Qaban Doonaa Shirweynihii Dhalinyarada Habar-Magaado Oo Ay Hada Si Habsami Leh Noogu Socoto Qaban Qaabidasiisu….”Cabdinaasir Yuusuf Bulxan, Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Daljir ee Beelaha habar

0
Wednesday January 07, 2015 - 17:06:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waxaanu Go’aan Ku Gaadhnay Inaanu Bilowno Dood Qaran Oo Ay Kasoo Qayb-geli Doonaan Dadka Lexejeclada Ka Qaba Somaliland”“…..Waxa Aanu Dhawaan Qaban Doonaa Shirweynihii Dhalinyarada Habar-Magaado Oo Ay Hada Si Habsami Leh Noogu Socoto Qaban Qaabidasiisu….”Cabdinaasir Yuusuf Bulxan, Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Daljir ee Beelaha habar

    Hargeysa (Xogreebnews.com_War-saxaafadeed kooban oo ay magaalada Hargeysa ka soo saareen ururka Dhalinyarada DALJIR oo ay ku midoobeen dhalinyarada Beelaha Habar Magaado ayaa waxa ay kaga hadleen xaalada guud ee dalku maraayo. Warsaxaafadeedkan oo uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Xogreebnews.com_War-saxaafadeed kooban oo ay magaalada Hargeysa ka soo saareen ururka Dhalinyarada DALJIR oo ay ku midoobeen dhalinyarada Beelaha Habar Magaado ayaa waxa ay kaga hadleen xaalada guud ee dalku maraayo. Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Cabdinaasir Yuusuf Bulxan ayaa u qornaa sidan:
Hargeysa (Xogreebnews.com_War-saxaafadeed kooban oo ay magaalada Hargeysa ka soo saareen ururka Dhalinyarada DALJIR oo ay ku midoobeen dhalinyarada Beelaha Habar Magaado ayaa waxa ay kaga hadleen xaalada guud ee dalku maraayo. Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Cabdinaasir Yuusuf Bulxan ayaa u qornaa sidan:
Marka aynu eegno xaalada uu maraayo dalkeena somaliland waxa aad moodaa in waxyaabo badan ku soo kordheen oo aan wacnayn kuwaasi oo ay masuul ka tahay xukumada Madaxweyne siilaanyo. Oo aad moodo in ay ugu talo gashay in ay wax walba kharibto iyada oo ujeedada ay ka leedahay tahay sidii ay u samaynsan lahayd mudo korodhsiimo . waxa aanu leenahay xukumada uu masuulka ka yahay Axmed Siilaanyo in ay dib isugu noqoto oo khaladaadka joogtada ah ee ay samaynayso ka dayso shacabka somaliland oo ay dalka doorasho u horseedo maadama waqtigii la doortay ay ka hadhay wax aan ka badnayn lix bilood.
Hadii aan shacabka somaliland xasuusiyo waxyaabaha mudooyinkan dambe ay ku kacday waxa ka mid ah:
1. Afka xidhista iyo u cago juglaynta cid kasta oo fikir fiican cabirta oo ay u aragto in ay ka hor imanayso danaheeda
2. Camal la `aanta dalka iyo ku tagri falka cashuurta danyarta laga ururiyo
3. Dhawaaqa suldaan Wabar iyo taageero u samaynta xukumada Madaxweyne siilaanyo
4. Iibinta warshada leydhka Berbera oo aan la garanayn waxa ku kalifay in ay waqti xaadirkan ka iibiso shaqsiyaad ay dano gaar ah ka leedahay xukumadu oo madaxtooyada xidhiidh la leh
5. Biyo la`aanta ka taagan caasimada Hargeysa iyo ka warhayn la`aanta madaxweynaha
6. Duminta seeskii adkaa ee inoo dhexeeyay somaliya oo ilaa hada meelo madow lagula dhuunto xukumaduna isku gaar yeeshay, lamana garanaayo danaha ay qarsanayso laakiin waxa ay dhalinyaradu si weyn uga fikiraysaa waxa ka iman kara
7. Ragaadinta xukumada howl kasta oo ay dhalinyaradu leedahay wax iyada taageersan mooyaane oo ay danaheeda ku fushato( sida burburintii shirkii dhalinyarada ee cadaadley,xadhigii madaxdii Jiidali iyo kuwo kale)
8. Kala jajabinta Beelaha iyo u Qiil samaynta mudo kordhinta xukumada iyadu is amaanta laakiin aanay umadu mahadin
9. Nidaam xumada hanaanka xukumadu waxa ay keentay in wasiiradu u kala sareeyaan sida qoyska madaxooyada loogu kala dhow yahay.Marka aanu aragnay qodobadasi aanu kor ku soo sheegnay iyo qaar kale oo badan oo aanu is nidhi hadii aad soo bandhigtaan Qaranimada ayay wax yeeli.Waxa aanu go`aan ku gaadhnay:
1. In aanu bilowno Dood qaran oo la isku weydiini doono halkay somaliland u socotaa oo ay ka soo qayb geli doonaan, dhamaan dadka lexejeclada ka leh Dalka.
2. Waxa kale oo aanu dhawaan qaban doonaa shirweynihii dhalinyarada Habar-Magaado oo ay hada si habsami leh noogu socoto qaban qaabidasiisu
Alla Mahad leh
Cabdinaasir Yuusuf Bulxan, Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Daljir ee Beelaha habar magaado



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured