Maanta Somaliland Waxay u Baahan Tahay Hogaamiye Aqoon,Karti iyo Aragti Fog leh Sida Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

0
Tuesday January 06, 2015 - 21:54:08 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta Somaliland Waxay u Baahan Tahay Hogaamiye Aqoon,Karti iyo Aragti Fog leh Sida Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

    Somaliland oo soo martay tan iyo markii ay dib ula soo noqotay ,iyadoo marxalado kala duwan ,marka la eego ka soo kabashada dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaaldii shacabku la galay dawladii Siyaad Barre iyo weliba dagaaladii sokeeye,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland oo soo martay tan iyo markii ay dib ula soo noqotay ,iyadoo marxalado kala duwan ,marka la eego ka soo kabashada dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaaldii shacabku la galay dawladii Siyaad Barre iyo weliba dagaaladii sokeeye,

Maanta Somaliland Waxay u Baahan Tahay Hogaamiye Aqoon,Karti iyo Aragti Fog leh Sida Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

Qaybtii 1 aad:

Somaliland oo soo martay tan iyo markii ay dib ula soo noqotay ,iyadoo marxalado kala duwan ,marka la eego ka soo kabashada dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaaldii shacabku la galay dawladii Siyaad Barre iyo weliba dagaaladii sokeeye,waxay umadda ku qaadatay inay mushkiladahaasi ka soo kabato mudo dheer,iyadoo weliba uu ilahay umadda Somaliland oo halis ku jirta u soo diray Madaxweynihii hore ee Somaliland aasaasay marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,Madaxweyne Cigaal waxa uu umadda uga tegay dhaxalka kaliya ee maanta Somaliland ku faanto ee ah,sameynta haykalka dawladnimo ee dalka iyo hagaajinta guud aahaanba wax kasta oo dawlad looga baahan yahay,iyadoo marxalad adag uu marxuumku ka soo saaray Somaliland,hadaba akhristayaal waxa hubaal ah,in halkii uu marxuumku doonayey inay gaadho Somaliland aysan gaadhin,iyadoo ay marxuumka ka soo gaadhay in uu halkii uu doonayey gaadhsiiyo xaqii,dawladihii ka danbeeyey xukuumadii Cigaal sida xukuumadii Daahir Rayaale waxay iyadu umadda u haysay oo sidii ugu haysay in aysan wax dhibaato ahi soo gaadhin dhaxalkii iyo dawaladii uu seeska u taagay ,in kasta oo dawlad kasta wax ku soo kordhisay dalka,ayaa hadana waxay taariikhdu xusi doontaa sida xukuumad kasta umada wax ugu qabatay,oo xukuumadaasi Rayaale waxa ugu weyn ee lagu xusuusan doonaa waxay tahay ,doorashooyinkii xorta iyo xalaasha ahaa ee uu qabtay iyo weliba saabi qaybsigii beelaha Somaliland oo ka wada dehx muuqday xukuumadii Rayaale taasina waxay ahayd arin cadaaladda ku qotonta.

Xukuumadda bedeshay tii Rayaale oo ah,xukuumada Siilaanyo iyada waxa lagu xusuusan doonaa qodobo badan oo ay ka mid tahay.

1:Boobka hantida umadda oo maraya meel halis ah,oo maanta hantidii umadu wada lahayd waxay maraysaa in la boobo oo aysan jirin cid is xisaabisa,oo dhulkii umada waa la iibinayaa,guryihii umada waa la iibinayaa ,lacagtii adkayd ee uamdda lag ururinayey waa la cunayaa ,tii mucaawinooyinka lagu helay meel ay martay lama yaqaano,lacagtii umada laga ururiyey ee cashuurta ahayd waa la lunsadaa.

2:Eexda,Qaraabo kiilka,Qabyaaladda,cadaalad darada ,nin jeclaysiga,waa qodobada lagu xusuusan doono xukuumadda siilaanyo ee ay ku caanka tahay,iyadoo maanta dalku marayo heerkii ugu sareeyey ee cadaalad darada ,akhriste hadii aad tegto maxakamadaha dalka ,indhahaaga ayaad ku soo arki heerka cadaalada dalku marayo,hadii aad tegto xarumaha saldhigyada booliska ee dadka lagu xidho,waxa ka socda in qofka caadi ah ,ee maxkamadu waraaq siideyn ah u soo qorto ilaa lacag la bixiyo lama sii daayo,waxayna ka mid tahay heerka laaluushku dalka ka marayo iyo cadaaald darada,akhriste hadii aad maanta heerka aad doontaba ka sido shahaado,oo aad shaqo u baahato waxa kaliya ee aad ku heli kartaa shaqo waxaa weeyi adiga oo garanaya wasiir ama qof ka soo jeeda beesha siilaanyo uu dabada ka riixayo,maanta heer aan la qiyaasi Karin ayey maraysa Somaliland.

3:Rajadii umada oo ay xukuumada siilaanyo lumisay,oo hadii ay noqon lahayd aqoonsi iyo kobcinta dhaqaalaha oo gabi ahaanba meesha ka baxay,oo tan iyo markii uu madaxweyne Siilaanyo qabsaday dalka waxa meesha ka baxday rajadii ay umaduu ka qabtay inay beesha calamka ka hesho aqoonsi caalami ah,iyadoo ay xukumada siilaanyo lumisay kalsoonidii shacabku ku qabeen,waayo waxay xukuumada siilaanyo wada hadal uu mugdi ku jiro la bilowday dawlada federaalka ee somaliya,iyadoo loo badinayo in ujeedada ugu weyni tahay in umada ay jahawareeriso iyo inay lacago malaayiin doolar ah aduunka kaga hesho,sidoo kale ee meesha ka baxay rajadii umadu ka qabtay in shaqo abuuris umada loo sameyo iyo sidoo kale in umada lagu hago mustaqbal toosan.

Qodobadaasi iyo qodobo kale oo aynaan halkan ku sheegin ayaa lagu xusuusan doonaa xukuumada siilaanyo ee la odhan karo waxay ku fashilantahay hogaaminta dalka dadkaba.

Hadaba akhriste waxa is weydiin leh,sida mushiladahaasi oo dhan lagaga bixi karo iyo cida la odhan karo way ka saari kartaa?

Runtii iyadoo ay kala duwanaan karto jawaabaha kala bixiyo arintaasi,hadana marka xaqiiqada la is tusido waxaan shaki ku jirin in maanta Somaliland maraxalada adage e ay marayso uu ka saari karo hogaamiyaha ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo ah,nin aqoon yahan ah,maskaxdiisu fresh tahay,shahaada cilmiga dhaqaalahana ka sita jaamacada caalamiga ah ee HARVARD UNIVERSITY ee dalkaasi maraykanka,iyadoo uu aqoon yahanka ka soo shaqeeyey in ka badan 20 wadan oo aduunka ah,waa nin firfircoon,waa nin daacad ah,oo umada ka saari karo jahawareerka dhaqaale iyo siyaaasadeed ee ay ku jirto maanta Somaliland,waa nin abuuri karo ,isla markaana dejin karo qorshayaal dhaqaale oo faa’iido u leh,dadka iyo dalkaba,waa nin maanta la shaqeyn kara beesha caalamka oo waxa uu yaqaana luqada diblumaasiyadeed ee lagula hadlo,waa nin aqoonta uu bartay dadka iyo dalkaba gelinaya,waa nin umada wada jecel oo aan kala jeclayn, waa nin doonaya oo in umadiisa uu u shaqeeyo oo aan dooneyn in uu umadda ka shaqeyso,waa nin shaqadisii uga yimid badbaadada dadka iyo dalkaba,runtii waa ninka maanta Somaliland badbaadin kara oo ka badbaadin kara musuqa-ragaadiyey,iyo cadaalad darada joogtada ah ee dalka ka jirta,iyo mugdiga galay mustaqbalkii dalka.

La soco qaybaha danbe ee taxanahan.

Qore: Cali Maxamed C/laahi

Email:calicabdilaahi@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured