Garrabyadii SOLJA Oo Gaadhay Heshiis Dhinac Ka Raran

0
Tuesday January 06, 2015 - 17:59:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garrabyadii SOLJA Oo Gaadhay Heshiis Dhinac Ka Raran

    “Heshiiskan Ayaanu Ka Muuqan In 15-kii Xubnood Ee Guddida Fulinta (board-ka) Ee Lagu Doortay Shirkii Dhinaca Kaliya Qabsaday, Tiro Kale Lagaga Soo Daro Garabkii Qaadacay Shirkaasi Ee Ay Hogaaminayeen Xoghayihii Ururkaasi (alle ha u naxariistee)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Heshiiskan Ayaanu Ka Muuqan In 15-kii Xubnood Ee Guddida Fulinta (board-ka) Ee Lagu Doortay Shirkii Dhinaca Kaliya Qabsaday, Tiro Kale Lagaga Soo Daro Garabkii Qaadacay Shirkaasi Ee Ay Hogaaminayeen Xoghayihii Ururkaasi (alle ha u naxariistee) iyo Gudoomiye ku xigeenkii Ururku”
Hargeysa,(xogreebnews.com_— Labadii Garab ee Ururka SOLJA ugu kala jabay shirweynihii ururkaasi ee ka dhacay 24-kii bishii hore ee December 2014-tii, ayaa maanta heshiis dhinac ka raran oo ka kooban 9 qodob ku gaadhay magaalada Hargeysa.
Nuxurka Qodobada Heshiiskan ayaa dhigaya in garabkii aan ka soo qaybgalin shirkaasi SOLJA la siiyo Agaasimaha Guud ee Ururka, iyaguna ay aqbalaan hogaanka ururka SOLJA ee lagu doortay shirkaasi ka dhacay Ambassador, si loo ilaaliyo midnimada iyo wada-jirka SOLJA.
Heshiiskan oo si rasmi ah aan loo shaacin balse nuqul ka mid ah uu helay Radio Hilaac ayay ayaa waxa u kala saxeexay Gudoomiye ku xigeenkii ururkaasi SOLJA, Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) iyo Gudoomiyaha Cusub ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).
Nuxurka 9-ka qodob ee maanta la kala saxeexday ayaa u dhigan sidan:
Heshiiska Labada Dhinac Ee Ururka SOLJA
06/01/2015
Hogaanka Ururka SOLJA iyo Dhinicii Ka Maqnaa Shirkii Ururka SOLJA waxay isla qaateen Qodobada Heshiiskani oo lagu soo afjaray khilaafkii ka jiray guud ahaan ururka SOLJA ka dhashay.
1. In Garabkii shirka Ambassador ka dhacay aan ka soo qayb galin ay qabaleen Hogaankii lagu soo doortay shirkaasi, si loo ilaaliyo midnimadii iyo wada-jirkii ururka SOLJA.
2. In Wixii Tobobaro, Waxbarasho, Qasho iyo Furadaha soo baxa loo sinaado.
3. In Hogaanka cusub ee ururka SOLJA hirgaliyo dhmaystiro xaruntii ay bilaabeen hogaankii hore, iyadoo loogu magacdarayo Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax.,
4. In Hogaanka Cusub bilaabo dib u heshiisiin buuxda oo la iska saamaxo wax wal oo hore u dhacay, nooc kasa oo uu ahaa.
5. In hogaanka ururka SOLJA si siman u ilaaliyo, Suxufiyiinta, Warbaahinta Dawliga ah iyo kuwa Madaxbanaan, si waafaqsan Dastuurka Ururka SOLJA iyo Xeerka Saxaafada Somaliland ee Lr.27/2004.
6. In Garabka aan shirka ka qayb galin la siiyo Agaasimaha Guud ee Ururka SOLJA, iyadoo la waafajinay inuu buuxiyo shuruudaha shaqadiisa looga baahan yahay.
7. In Xaflada Xilwareejinta laga shaaciyo qodobada heshiiskan.
8. Heshiiskani waxa uu burayaa marka labada dhinac mid ka midii ka baxo qodobada heshiiska.
9. Heshiiskani waxa uu dhaqan galayaa marka labada dhinac ay wada jir u saxeexaan. Hadii aanu nahay labada dhinac ee ku midaysan ilaalinta iyo jiritaanka ururka Suxufiyiinta Somaliland waxaanu si mug leh u waafaqsanahay qodobada heshiiska isku soo dhaweynaya wadajirka guud ee SOLJA.
Dhinaca koowaad:
1: Maxamed Cabdi Guuleed (Curad),
Gudoomiye Xigeenkii hore Ururka SOLJA
Dhinaca Labaad:
1: Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),
Gudoomiyaha Ururka SOLJA
Markhaatiyaal:
1: Farxaan Cali Axmed
Gudoomiyaha Horn Cable TV
2: Maxamed Cabdi Ilig
Agaasimaha Guud ee Horn Cable TV
Si kataba ha ahaatee hogaanka cusub ee ururka SOLJA ayay saxaafada xorta ahi ay ku tirinaysaa inay gacan saar la leeyihiin xukuumada, taas oo ay hore uga biyo diidsanaayeen in suxufiyiinta mihnadlayaasha ah ee madaxa banaani ay hoos tagaan hogaankaasi.
Waxa sidoo kale heshiiskan aan ka muuqan in 15-ka xubnood ee guddida fulinta (board-ka) ee lagu doortay shirkii dhinaca kaliya ahaa ee Ambassador ka dhacay 24-kii bishii hore in lagu soo daro xubno kale oo ka mid ahaa garabkii qaadacay shirkaasi ee ay Hogaaminayeen Xoghayihii ururkaasi Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax iyo Gudoomiye ku xigeenkii ururka Maxamed Cabdi Guuleed (Curad).
Waxaanu Heshiiskani muujinaysa in mar labaad ay gacanta sare heleen dhinacii kaligood is cumaamaday ee shirka qabsaday, iyadoo wadahadalkan labada dhinac dhex maray ahayd in lagu iclaamiyo shir dib loogu dooranayo guddida Fulinta SOLJA maadaama gudidii hore ay ahayd mid hore loo qorsheeyey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured