Maxaad Ka Og Tahay Qorshayaal UGUB Ku ah Siyaasadda iyo Dhaqanka oo ah Hanti Boob Kii ugu Khatarsanaa oo Xukuumada Siilaanyo La Soo Baxday?Qaybtii 1 aad:

0
Monday January 05, 2015 - 08:35:58 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Og Tahay Qorshayaal UGUB Ku ah Siyaasadda iyo Dhaqanka oo ah Hanti Boob Kii ugu Khatarsanaa oo Xukuumada Siilaanyo La Soo Baxday?Qaybtii 1 aad:

    Xukuumad kasta oo dalka soo martaa waxay dalka, kaga tagtaa taariikh u noqota mid umadu ka dhaxasho,taasi oo noqota mid madaw ama mid dahabi ah,hadaba aniga oo xog ogaal u ah,wax badan oo dalka ka socda ayaan is

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumad kasta oo dalka soo martaa waxay dalka, kaga tagtaa taariikh u noqota mid umadu ka dhaxasho,taasi oo noqota mid madaw ama mid dahabi ah,hadaba aniga oo xog ogaal u ah,wax badan oo dalka ka socda ayaan is

Xukuumad kasta oo dalka soo martaa waxay dalka, kaga tagtaa taariikh u noqota mid umadu ka dhaxasho,taasi oo noqota mid madaw ama mid dahabi ah,hadaba aniga oo xog ogaal u ah,wax badan oo dalka ka socda ayaan is idhaahdaa waxba ha qori oo qalinka ha u qaadan,markaasaan mar marka qaar adkaysan kari waayaa musuqa iyo hanta boobka dalka ka socda baaxada uu leeg yahay oo balaadhan awgeed.

Akhriste inkasta oo qof kasta uu wixii uu ilahay u qoray aysan seegin,hadana waxa jira wax umadda ka dhaxeeya oo ay wada leedahya oo hadii cadaalad wax loogu qaybiyo ay umadda wada gaadhayso,hadii se cadaalad daro wax lagu cuno,sida ay wax kasta u kharimayaan,hadaba waxaan qalinka u qaatay aniga oo soo ogaaday qaabab badan oo xukuumadda siilaanyo u lunsato hantida umadda isla markaana qaraabo u kiil ugu samayso,qaababkaasi cusub waxa ka mid ah.

1: shir balaadhan oo ay yeesheen gudida horumarinta beesha madaxweyne siilaanyo ayaa laga soo saaray go’aamo cusub,kuwaasi oo kala ahaa.

A: in dhamaan dhalinyarada beesha kuwa lagu tuhmayo aqoonta sare in loo dhiso guryo,iyadoo weliba inta hadaba loo bilaabay in guryo loo dhiso qaarna loo iibiyo,qorshahaasi hada waa mid socda ooh ore u bilaamay.

B: in dhalinyarada kuwa haysta gaancsiga kooban laga taageero wax kasta oo ay u baahdaan oo loo fududeeyo ,la soo tegida gaancsiga oo weliba cashuurta laga dhaafo marka ay dekeda kala soo degayaan.

C: dhinaca shaqaalaha xooga la saaro oo goob kasta la geeyo shaqaale reerka ah,isla markaana masuuliyiinta goobhaasi la faro inay deg deg mushahar iyo gunaba u qoraan.

Akhriste qorshayaashani waxay ka mid yihiin kuwii shir dhawaan gudida beesha oo ay ka mid yihiin wasiirada awooda badan ee beesha madaxweyne siilaanyo gaadheen,isla markaana waxaan qalinka u qaatay oo kaliya qorshayaasha cusub ee dhaqan xumada ah,ee hantida umada lagu boobayo in aan umadda us oo bandhigo,inkasta oo horeba musuq maasuqa iyo boobka hantida umadu ay la soo bilaaman tahay markii siilaanyo dalka xukunkiisa la wareegay.

La soco xogo kale oo umada aan u soo bandhigo

By: Maxamed C/raxiim Xasan

Email:Mcx12@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured