Wasiir Cukuse oo Maanta Si Ka Baxsan Protocol-ka ula Dhaqmay Qaar Ka Tirsan Masuuliyiinta Wasaaradiisa.

0
Sunday January 04, 2015 - 18:41:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse oo Maanta Si Ka Baxsan Protocol-ka ula Dhaqmay Qaar Ka Tirsan Masuuliyiinta Wasaaradiisa.

    Hargeisa(xogreebnews.com_Saaka oo bishu tahay 4/1/2015-ka waxa kormeer ku maray stuudyaasha idaacada hargeysa ,wasiir Cukuse oo ay wehelinayaan gudoomiyihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Saaka oo bishu tahay 4/1/2015-ka waxa kormeer ku maray stuudyaasha idaacada hargeysa ,wasiir Cukuse oo ay wehelinayaan gudoomiyihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,Xasan

Hargeisa(xogreebnews.com_Saaka oo bishu tahay 4/1/2015-ka waxa kormeer ku maray stuudyaasha idaacada hargeysa ,wasiir Cukuse oo ay wehelinayaan gudoomiyihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,Xasan Maxamed Yusuf iyo masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta ayaa waxa uu markii uu soo galay stuudyaha idaacada ayuu markiiba ku bilaamay hanjabaad agaasimaha waaxda farsamada Axmed Saleebaan Weyn,Agaasime ku xigaanka farsamada C/laahi iyo madaxa stuudyaasha idaacada Garmal,isagoo wasiirku ku yidhi sheega sababta idaacadii mudada dheer u bakhtiisneyd ,isagoo hadalkisii sii wata ayuu yidhi waryaadha mar danbe hadaan maqlo idaacadii ayaa fadhida walaahi in aan mandheera idinku guri,dadkii goobta fadhiyey ayaa yaabay oo is weydiiyey hanjabaada intaasi leeg halka uu ka keenay ,iyo isagoo wasiir ah sida uu goob shaqaalihii iyo masuuliyiintii kale ee wasaaraduba wada fadhiyaan sida uu hanjbaada qaawan ugu jeedinayo masuuliyiinta wasaaradiisa,intaa kadib ayuu C/laahi ku yidhi horta wasiir annagu waanu dadaalanaa ee dee wixii qadar ah oo kaliya ayaanaan dhaafi Karin. Inta uu cadho wajisii bedelay wasiir cukuse ayuu ku yidhi waryaa hada bax oo deg deg igu soo qor waraaqdii is casilaadda,markaasuu C/laahi iska baxay,wasiir ku xigeenka C/waaxid oo ah nin edeb badan ayaa isku dayey in uu joojiyo C/laahi markaasu markale wasiir Cukuse ku yidhi waryaa ha qabanin sii daa hada ayaan shaqadii ka eryaye,wasiirka ayaa iska sii watay hadalkisii markaasuu sii raaciyey ‘mandheere meel aan ahayn kuwan ku gurimaayo.

Wax hadal ah waa laga waayey agaasimaha waaxda farsamada Axmed Saleebaan Weyne iyo madaxa istuudyaasha Mr Garmal ,dadkii kale ee goobta joogay ayaa gabi ahaanba yaabay oo waxay la yaabeen hab dhaqanka wasiir cukuse,waxayna dadku u badnaayeen qaar diidanaa sida foosha xun ee uu wasiirku ula dhaqmay masuuliyiinta,waxayna tilmaamayeen inay wanaagsaneyd hadii uu wasiirku wax saxayo in uu si anshax leh,wax u saxo oo inta uu xafiiska la fadhiisto wixii khaldana uu saxo wixii saxna uu ku bogaadiyo mausuliyiinta,laakiin taasi maydhixin waxa dhacayna maaha ayay yidhaadeen masuuliyiinta wasaaradu wax cusub ee maalinkasta wasiirka oo bedelan ayaa soo gala wasaaradda markaasuu wuxuu doono ku hadlaa.

Hadaba dadka indha indheeya arimaha siayaasadda iyo maamulka ayaa waxay had iyo goor sheegaan in wasiir cukuse sida protocol-ka ka baxsan ula dhaqmo masuuliyiinta isaga ka hooseysa,taasina waxay sheegayaan inay ka markhaati kacayso shakhsiyada uu yahay wasiir cukuse iyo sida uu uga madhan yahay hogaamin wanaagsan.

Inkasta oo la sheegay in uu wasiir cukuse ku jiray sadex nin oo Madaxweynihii hore ee aasaasay Somaliland Marxuum Cigaal ku yidhi inta aan noolahay dalka wax xil ah kama qaban kartaan,markii uu ka yaabay anshax xumadooda,sadexdii nin waxaa ka mid ahaa ninka hada badhasabka ka ah gobolka SAAXIL iyo wasiir Cukuse oo wakhtigii Cigaal mar laga dhigay wasiir ku xigeenka warfaafinta,markii hab dhaqankisii iyo hab maamulkisii uu cigaal ka yaabay ayuu eryey ,kadibna waxa cigaal mar kale u keenay Suldaan C/qaadir oo yidhi inanka bal markale wax iigu magacaw markaasu Cigaal ka aqbalay dalabka Suldaanka ,kadibna wuxuu ka dhigay wasiir ku xigeen mudo kooban kadib halkii ayuu wasiir Cukuse ka miisay,kadibna wuu eryey waxana uu ku yidhi inta aan noolahay wax xil ah dalka ka qaban maysid,qof kasta oo damiir lahi wuu garanayaa sababta Cigaal oo ruugcada ahaa sidaasi u yidhi!

Hadaba tan iyo markii uu Siilaanyo uu wasiir cukuse ka dhigay wasiirka warfaafinta Somaliland,wasaaradu maalin kaliya kamay bixin muuq iyo is qabqabsi,waxana ugu wacan wasiir Cukuse,iyadoo dadka ka faalooda arimaha siyaasadu leeyihiin hadii aan wasiir Cukuse madaxweyne Siilaanyo meesha ka kaxayn in idaacada radyow hargeysana aysan ka baxayn ciladdaha,ileyn meehsii fayras khatar badan ayaa ku jiree!

By:Axmed Maxamed Jaamac

Email:axmed-1994@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured