Wakiilka Midowga Afrika Ee Somaliya Oo Sheegay In Si Rasmi Ah Xilka Looga Qaaday Afhayeenkii Amisom Korneyl Xumad

0
Sunday January 04, 2015 - 18:25:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Midowga Afrika Ee Somaliya Oo Sheegay In Si Rasmi Ah Xilka Looga Qaaday Afhayeenkii Amisom Korneyl Xumad

    Muqdisho(xogreebnews.com_Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Hawgalka Amisom ee Somaliya Dr. Maman S. Sidikou, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in xil ka qaadis rasmi ah lagu sameeyay Afhayeenkii Ciidamada Midowga Afrika ee Somaliya Korneyl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Hawgalka Amisom ee Somaliya Dr. Maman S. Sidikou, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in xil ka qaadis rasmi ah lagu sameeyay Afhayeenkii Ciidamada Midowga Afrika ee Somaliya Korneyl Cali Aadan Xumad.

Wakiilka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in Afhayeenkii hore ee Amisom uu xilka soo haayay labadii sano ee ugu dambeysay, waqtiguna uu kaga ekaa daba yaaqadii bishii hore ee December.
Waxa uu meesha ka saaray tallaabada xilka looga qaaday Korneyl Xumad inay la xiriirto, weerarkii qorsheysnaa ee Xoogaga Al Shabaab ku ekeeyeen Xarunta Ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho.
Maman Sidikou, ayaa Warbaahinta ugu baaqay in wixii la xiriira Warbaahinta Amisom, ay kala xiriiri karaan Elo Yaio, oo u dhashay dalka Kenya, isla-markaana degan Magaalada Nairobi.
Korneyl Xumad oo ku hadla luqadaha Somaliga, Ingiriisiga iyo Faransiiska, ayaa si dhow ula shaqayn jiray Somalida, sababo ku aadan isagoo ku hadla afka Somaliga, oo ah mid u fudud Warbaahinta gudaha.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured