“Madaxwaynaha Loogama Fadhiyin Inuu Hadal Ka Yidhaa Xaalada Gobolka Awdal Ee Waxaa Looga Fadhiyay Inuu Ficil Kaga Jawaabo”X.Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle Oo Si Adag Uga Hadlay Hadalkii Madaxwaynaha Siilaanyo Kaga Hadlay Xaalada G.Awdal

0
Saturday January 03, 2015 - 20:45:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Madaxwaynaha Loogama Fadhiyin Inuu Hadal Ka Yidhaa Xaalada Gobolka Awdal Ee Waxaa Looga Fadhiyay Inuu Ficil Kaga Jawaabo”X.Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle Oo Si Adag Uga Hadlay Hadalkii Madaxwaynaha Siilaanyo Kaga Hadlay Xaalada G.Awdal

    Hargeisa(xogreebnews.com_ "sida uu uga hadlay xaalada gobolka,Waxaana uu sheegay in aan madaxwaynaha hadal looga baahnayn balse looga baahanyahay inuu ka jawaabo tabashooyin ay usoo gudbiyeen cuqaasha gobolada".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_ "sida uu uga hadlay xaalada gobolka,Waxaana uu sheegay in aan madaxwaynaha hadal looga baahnayn balse looga baahanyahay inuu ka jawaabo tabashooyin ay usoo gudbiyeen cuqaasha gobolada".
Hargeisa(xogreebnews.com_ "sida uu uga hadlay xaalada gobolka,Waxaana uu sheegay in aan madaxwaynaha hadal looga baahnayn balse looga baahanyahay inuu ka jawaabo tabashooyin ay usoo gudbiyeen cuqaasha gobolada".
Xildhibaanka oo hadalkan ka sheegay mar maanta laga waraysanayay idaacada VOAda ayaa sheegay in aan madaxwayne siilaanyo laga sugayn hadal iyo hanjabaad balse laga sugayay talaabo cad oo uu ka qaado tabashooyinka “Hadalka madaxwaynuhu kaga jawaabay muu ahayn mid qanciya dadka reer awdal lagamana sugayn jawaabta ee waxaa laga sugayay inuu talaabo ka qaado cabashooyinka reer awdal”Ayuu Yidhi X.Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle
Waxaaa uu xildhibaanku madaxwane siilaanyo ku eedeeyay in cabashada lixdii bilood ee ugu horeeyay loo keenay balse aanu ilaa iyo imika wax qanciya reer awdal kaga jawaabin.
“Madaxwaynaha iyo umadii hadashay waynu isku waafaqnay,Cabasha maanta hortaala waxaa la horkeenay lixdii bilood ee ugu horeeyay kursiga maantana waa lixdii ugu dambeeyay xilkiisa, waxaa uu leeyahay awooda uu ku odhanayo xaq uma lihidin reer awdaloow wax maqan laakiin lagama hayo”Ayuu Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle waxaa uu sheegay In uu madaxwayne Axmed Siilaanyo Madax u yahay Dadka Cabanaya,Suldaankana waxaa uu sheegay in ay quruxbadnayd in wada hadal ay la samayso xukuumadu hadii ay ogtahay in suldaanku urursaday Ciidan beeleed Isagoo arimahaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi “wasiir xal laga sugayaa ma jiro ee madaxwaynaha ayaa looga fadhiyaa sadbursiimada reer awdal isagaana ka masuula kuwa Cabanaya. Arrinta Gobolka hadday ogtahay inuu suldaan wabar guutooyin urursaday oo uu soo wado maxaa Dawladaha Jaarka looga Been abuurayaa, reer Awdal hadday somaliland ka xiisoodaan oo ay Xamar u xiisoodaan Tallaanu iskugu imanaynaa, Tanna in nalooga Tago mooyaane cidna uga Tegi mayno.” Ayuu Yidhi Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa cabashadan in mudo ah hortaalay, dadka reer awdalna waxay ka sugayeen waxaa uu madaxwaynuhu ugu abaal gudo balse waxaa uu abaal uga dhigay in uu fiidiyow uu shalay iska soo duubay hanjabaad iyo cagajuglayn ugu jawaabo.
Hadalka xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa imanaya wakhti ay reer awdal madaxwaynihiina ka waayeen waxa ay inta badan ka sugayeen oo ahaa inuu jawaab fiican siiyo balse taasi ma dhicin.
Suldaanka Wabar ayaa isagu hadalka madaxwaynaha ku tilmaamay mid uu iska yidhi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured