Silaanyo iyo Amina weris Berbera aad bay u necebyiin oo shicibku in uu kuleyl dilo ayey doonayaan

0
Saturday January 03, 2015 - 20:38:48 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Silaanyo iyo Amina weris Berbera aad bay u necebyiin oo shicibku in uu kuleyl dilo ayey doonayaan

    Silaanyo iyo Amina weris Berbera aad bay u necebyiin oo shicibku in uu kuleyl dilo ayey doonayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Silaanyo iyo Amina weris Berbera aad bay u necebyiin oo shicibku in uu kuleyl dilo ayey doonayaan
Silaanyo iyo Amina Weris ayaa reer Berbera u tegay waagii ay codka doonayeen ee Silaanyo lahaa walaala, walaala yaal, walaala la yaalow iiga hiiliya ninka reer Awdal. Reer Berbera waxay uugu jawaabeen miyaanad ogeyn in Madaxweyne ku xigeenku yahay reer Saaxil ( Ahmed Yassin ). Hadaba seedow hanagu soo lu goin lahasho waa ceebe wax coda ood naga heleysaa ma jiraan e. Silaanyo iyo Amina Weris oo aad u cadheysan ayaa Berbera goor habeen nimo ah ka baxay iyagoo waaga sugi kari waayay oon doonahayn in ay arkaan wejiyada reer Berbera goor maalin nima ah. Cadhadii berigaa ay u qaadeen Berbera ayey mudadii ay xilka hayeen dhulka la dhaceen Berbera iyo wershada heedaba. Markii hore waxay isku dayeen inay wershada sibidhka bixiyaan uumay se suurta gelin, hadana skaraabkii ayay siiyeen dad ay Silaanyo qaraabo dhow yihiin, waxaaba waxa ka wada horeeyey Cali xoor xoor oo Silaanyo odhan jiray waa aabaha musuq maasuqa ayuu hadana Dekedii u dhiibay. Amina Weris na waxay tidhi Wadaad aan 2+2 garanayn oo cadaalada Berebera u joogi jiray haamaha ha loo dhiibo. Siyaasada Cali xoor xoor iyo wadaadka haamaha ka danbaysaa waa si ay lacagta madaxtooyada u geeyaan oo taasi waa daahir yaa shamis. Hase ahaatee Amina Weris oo malaayaan dollar ku soo xaroodaan weli haakah may odhan oo imaan la’an uun bay ka sii qaaday. Isku soo xoori Maantana Wershadii laydhka Berbera ayaa dad ay Silaanyo jifo hoose isku yihiin lagu wareejiyey ee eesh qiyaasak Berberina waa meesha Somaliland uugu kulul. Marka la qiyaaso sida xukuumada Silaanyo iyo qoys kiisu u shaqeeyaan waxay dadka uula muuqataa in aanay dowlad nimadu waxay tahay ba garanayn ee ay u heystaan qaraabo kiil iyo boob cadaana iyo hantida ummada oo lagu takri falo. Dad reer Somaliland na qaar maaha oo iyagii ayaa boqnaha is jaraya markay dhulkii danta guud iyo wershadihii dalka iyo aqaladii ummada ay iibsanayaan. Waxa xaqiiqa hadaan Silaanyo iyo Amina Weris dalkan aanay iska dhiibin in colaad iyo dagaalo iyo burbur Somaliland laga dhaxlayo. Gidaara ay ku faanaan waannu dhisay waxa qarashka bixiya USAID oo weliba inta badan Amina Weris baa Account Dubai ah ku shubata.
Abdi_Mustafe123@yahoo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured