Magaalada Muqdisho Oo Lagu Soo Bandhigay Nin La Sheegay In Laga Helay Ebola, Oo Markii Dambe Ay Waxba Kama Jiraan Noqotay

0
Saturday January 03, 2015 - 18:39:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Muqdisho Oo Lagu Soo Bandhigay Nin La Sheegay In Laga Helay Ebola, Oo Markii Dambe Ay Waxba Kama Jiraan Noqotay

    Muqdisho(xogreebnews.com_Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin lagu magacaabo C/qaadir Jiinow Barrow, kaasoo la sheegay in lagu arkay amaba laga helay astaamaha cudurka khatarta badan ee Ebola.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin lagu magacaabo C/qaadir Jiinow Barrow, kaasoo la sheegay in lagu arkay amaba laga helay astaamaha cudurka khatarta badan ee Ebola.
Muqdisho(xogreebnews.com_Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin lagu magacaabo C/qaadir Jiinow Barrow, kaasoo la sheegay in lagu arkay amaba laga helay astaamaha cudurka khatarta badan ee Ebola.
Warbaahinta Magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa lagu eedeeyay in Jimcihii ay baahiyeen warkaasi, inkastoo Warbaahintu ka soo xiganeyso qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
C/qaadir Jiinow Barrow, ayaa waxa uu ka soo laabtay dalka Guinea toddobaadkii hore, isagoona dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, balse wuxuu ka mid yahay ganacsatada Degmada Wanlaweyn, halkaasi ayuuna degan yahay.
Sii Haayaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliya Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed), oo Saxaafada la hadlay, ayaa wuxuu sheegay in baaritaano badan ay ku sameeyeen ninkaasi, ayna ogaadeen in xaaladiisu ay tahay mid caadi ah, isla-markaana aynaan ka helin astaamaha lagu garto Ebolaha.
Ku Simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliya Dr. C/laahi Sheekh Cumar, ayaa wuxuu ku waramaaya in si rasmi ah ay u xaqiijinayaan inaanu C/qaadir Jiinow Barrow qabin calaamadaha lagu aqoonsado Ebola.
C/qaadir oo ka barbar hadlaayay xubnahaasi, ayaa wuxuu sheegay in warka been abuurka uu ka fidiyay nin kula nool Degmada Wanlaweyn, kaasoo uu sheegay in uu u diiday lacago uu soo weydiistay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured