Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo La Kulmay Wakiilka Midowga Afrika Ee Soomaaliya

0
Saturday January 03, 2015 - 16:48:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo La Kulmay Wakiilka Midowga Afrika Ee Soomaaliya

    Muqdisho(xogreebnews.com_Kulanka dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Cumar C/rashiid Cali iyo Danjiraha Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya mamadu Sidiku ayaa waxa uu ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Kulanka dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Cumar C/rashiid Cali iyo Danjiraha Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya mamadu Sidiku ayaa waxa uu ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyadoo
Muqdisho(xogreebnews.com_Kulanka dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Cumar C/rashiid Cali iyo Danjiraha Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya mamadu Sidiku ayaa waxa uu ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyadoo kulanka ay job-joogeyaal ka ahaayeen saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Xafiska Ra’iisul wasaaraha.
Danjiraga Midowga ee Soomaaliya, Mamadu Siduku ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaa guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin naddeynta Soomaaliya dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, ayaa uga mahadceliyey Danjiraha Midowga Africa sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaalka AMISOM eek u wajan in lagu guuleysto xasilinta iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.
Sidoo kale inta uu kulan socdey ayaa la isku soo qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka Midowga Africa iyo Soomaaliya wada shaqeynta u dhaxeysa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo AMISOM, ayaa Ra’iisul wasaaruhu u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in AMISOM ay gacan buuxdo ka geysato sidii loo taakuleyn lahaa ballaaran ciidammada Booliska I ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka magaalooyinka waa weyn ee dalka iyo in la dhameystiro isku dhafidda Ciidammada Qalabka Sida.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qeybihiisa dambe in Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay sii dardargeliyaan howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, si gobollada dalka oo dhan loo gaarsiiyo barnaamijka xasilinta dalka ee qorshihiisu uu socdo hadda.
Ugu dameyntii Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa ku ammaanay doorka Midowga Africa ee Somalia, waxa uu uga tacsiyeeyey weerarkii ay argagixsadu ka geysteen saldhigga ugu weyn AMISOM ee Xalane, waxa uuna ballan qaaday in uu sii joonteyn doono wada shaqeynta Xukuumadda Midowga Africa iyo AMISOM, si dalka loo gaarsiiyo hiigisga 2016-ka oo ah qorshaha u degan Soomaaliya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured