Xaaladda Caafimaad Ee Boqorka Sucuudiga Oo Liidata

0
Saturday January 03, 2015 - 16:47:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Caafimaad Ee Boqorka Sucuudiga Oo Liidata

    Riyad(Xogreebnews) Warka soo baxay Wakaalada Wararka ee Sucuudiga ayaa lagu sheegay in Boqorka Sucuudiga Boqor Caballa Binu Cabalcasiis Aala Sucuudi la galiyay Tuunbo u sahlaysa inuu neefsado ka dib markii 1-dii bishan loola cararay Cisbitaal ku yaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riyad(Xogreebnews) Warka soo baxay Wakaalada Wararka ee Sucuudiga ayaa lagu sheegay in Boqorka Sucuudiga Boqor Caballa Binu Cabalcasiis Aala Sucuudi la galiyay Tuunbo u sahlaysa inuu neefsado ka dib markii 1-dii bishan loola cararay Cisbitaal ku yaala Riyad.

Riyad(Xogreebnews) Warka soo baxay Wakaalada Wararka ee Sucuudiga ayaa lagu sheegay in Boqorka Sucuudiga Boqor Caballa Binu Cabalcasiis Aala Sucuudi la galiyay Tuunbo u sahlaysa inuu neefsado ka dib markii 1-dii bishan loola cararay Cisbitaal ku yaala Riyad.

Warkan waxaa lagu sheegay in xaalada Boqorku wanaagsan tahay islamarkaana Bulshada Sucuudiga iyo beesha caalamkaba si joogtoah loola socodsiin doono xaalada caafiaad ee Boqor Cabdalla.

Boqorka oo da’diisa lagu sheegay 91 jir ayaa la sheegay in Dhakhaatiir xeeldheerayaal ah oo baadhis ku sameeyay ay ka fursan wayday inay Boqorka galiyaan Tuunbada Neefta soo qaadaysa ka dib markii ay Caabuq ka heleen Sambabada, kaasi oo waxyeeleeyay habka neefsashada.

Dhanka kalena Xanuunka Boqorka ayaa la sheegay inuu saamayn ku yeeshay Suuqyada Salliida maadaama oo dalka Sucuudigu yahay dalka hogaaminaya soo saarista Shidaalka. Arrinkasta oo wadanka ka dhacda ayaa samayn ku yeelanaysa dunida waxaana laga cabsi qabaa in xanuunka Boqorka oo sii daba dheeraadda ay keenayso welwel soo wajaha Bulshada Sucuudiga iyo Beesha Caalamka.

Dhanka kalena Wargeyska Al-qudus oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa baahiyay inaan xaalada caafimaad ee dhaxal sugaha Suuudigu aanay fiicnayn. Dhaxal sugaha oo lagu magacaaboSalmaan, da’diisuna tahay 78 jir ayaa la sheegay inaanay xasuustiisu wanaagsanayn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured