Golaha Ammaanka oo diiday qaraar ogolaanaya in sanadka 2017 Israel uga baxdo dhulka ay heysato ee Falastiin

0
Thursday January 01, 2015 - 19:46:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka oo diiday qaraar ogolaanaya in sanadka 2017 Israel uga baxdo dhulka ay heysato ee Falastiin

    Warar-ka xogreebnews.com_Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa diiday qaraar qabyo ah oo ay soo gudbisay dowladda Urdun, kaasoo ku saabsan dhulka la heysto ee reer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar-ka xogreebnews.com_Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa diiday qaraar qabyo ah oo ay soo gudbisay dowladda Urdun, kaasoo ku saabsan dhulka la heysto ee reer
Warar-ka xogreebnews.com_Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa diiday qaraar qabyo ah oo ay soo gudbisay dowladda Urdun, kaasoo ku saabsan dhulka la heysto ee reer Falastiin in Israel ay ugu baxdo saddex sano gudahood, lana gaaro heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo colaada.Qaraarkan ayaa ah mid sidoo kale Falastiin u aqoonsanaya inay tahay dal madax banaan ayaa waxaa uu u baahnaa meel maridiisa sagaal cod oo ah 15-ka dal ee Golaha Ammaanka, hase ahaatee 8 dal kaliya ayaa ogolaatay.Mareykanka iyo Australia ayaa diiday qaraarkan, waxayna ku tilmaameen in aanu ka turjumeyn nabada Israel iyo in wada hadaladii socday ee geedi socodka Nabada Bariga Dhexe uu caqabad ku noqon karo.Qaraarkan ayaa waxaa horay isku soo raacay 22 dal ee Jaamacada Carabta, kuwaasoo ujeedkooda ahaa in sanadka 2017 ay Israel uga baxdo dhulka ay heysato ee Falastiin, sidoo kale la jeexo qariirad si nabadgelyo ku dhisan oo lagu soo afjarayo colaada gaamurtay.Dowladdaha Ogolaaday qaraarkan ayaa waxaa ka mid ahaa Russia, China, France, Argentina, Chad, Chile, Jordan iyo Luxembourg.
Sidoo kale waxaa ka aamusay shan dal oo labo ka mid ah ay yihiin Afrikaan oo kala ah UK, Lithuania, Nigeria, Koofur Korea iyo Rwanda
Safiirka Jordan ee Qaramada midoobeey Dina Kawar ayaa sheegtay in codka lagu diiday qaraarkan uusan hor istaageynin dadaalka xalka loogu raadinayo dagaalada.
Ugu dambeyn qaraarkan ayaa ku baaqayay wada hadalo cusub in la bilaabo, ka hor inta aanay Israel oo ku saabsan dhulalka ay Israel ku qabsatay dagaalkii 1967 oo ka ah Daanta Galbeed, Koofurta Qudus iyo Maringa Qaza.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured