RW CCC Sharmaarke oo la tashiyadii ugu danbeyey ee uu golaha wasiiradda ku soo magacaabayo wadda, isagoona Wasiiradii hore qaar kamid ah soo xulanaya.

0
Thursday January 01, 2015 - 18:45:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW CCC Sharmaarke oo la tashiyadii ugu danbeyey ee uu golaha wasiiradda ku soo magacaabayo wadda, isagoona Wasiiradii hore qaar kamid ah soo xulanaya.

    Haregisa(xogreebnews.com_Ra’izul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa wali ku guda jira la tashiyada ku aadan Xukuumada Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haregisa(xogreebnews.com_Ra’izul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa wali ku guda jira la tashiyada ku aadan Xukuumada Cusub
Haregisa(xogreebnews.com_Ra’izul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa wali ku guda jira la tashiyada ku aadan Xukuumada Cusub uu soo dhisayo iyo shaqsiyaadka uu u xulanayo in Wasiiro ka noqdaan Xukuumadiisa.
Cumar Cabdirashiid ayaa kulamo kala duwan waxa uu Xafiiskiisa kula qaatay Xildhibaano , Siyaasiyiin iyo Waxgarad kuwaa uu kala tashanayay Xukuumada Cusub uu soo dhisayo iyo Xubnaha kamidka noqonaya Xukuumadaasi.R/Wasaaraha ayaa sidoo kale wada xulasho uu ku sameenayo qaar kamid ah Golihii Wasiirada ee Xukuumadii kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya weysay, R/Wasaaraha ayaana xubno uu la kulmay ka wareestay wasiirada ku haboon in mar kale lasoo celiyo kana mid noqdaan Xukuumada Soomaaliya.Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Liiska Golaha Wasiirada uu soo dhisayo R/Wasaaraha Soomaaliya ay ku jiraan Dhoor Wasiir oo katirsanaa Xukuumadii hore , Wasiiradan ayaana u badan kuwa Siyaasad ahaan taageersan Madaxweynaha Soomaaliya.R/Wasaaraha Soomaaliya ayaana horey u cadeeyay suurto galnimada in Xukuumada Cusub uu soo dhisayo ay kamid noqdaan Qaar kamid ah Wasiiradii hore, waxa uuna tilmaamay R/Wasaaraha in ay jirto baahiyo keenaya in lasoo celiyo Qaar kamid ah Wasiiradii hore si ay halkoodii uga soo socdaan Howlaha horyaala Dowlada si loo gaaro hiigsiga sanada 2016.-ka .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured