Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Shacabka Reer Somaliland Ku Hanbalyaynaya Curashada Sanadka Cusub Ee 2015

0
Thursday January 01, 2015 - 18:31:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Shacabka Reer Somaliland Ku Hanbalyaynaya Curashada Sanadka Cusub Ee 2015

    Hargeysa(xogreebnews.com_Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somalialnd Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa curashada Sanadka cusub ee miilaadiga ugu hambalyeeyey Gebi ahaanba shacabka Reer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somalialnd Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa curashada Sanadka cusub ee miilaadiga ugu hambalyeeyey Gebi ahaanba shacabka Reer
Hargeysa(xogreebnews.com_Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somalialnd Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa curashada Sanadka cusub ee miilaadiga ugu hambalyeeyey Gebi ahaanba shacabka Reer Somaliland, gaar ahaana Taageerayaasha Xisbiga Waddani.
Guddoomiyaha, ayaa u rajeeyey Gebi ahaanba shacabka reer Somaliland inuu sanadka sanakiisa dambe ku gaadhsiiyo Barwaaqo iyo caafimaad, isagoo eebo uga Baryey intooda Bugta inuu caafimaad sareecan ah siiyo.
Waf-saxaafadeed Kooban oo Guddoomiye Cirro ugu hambalyeynayo Shacabka oo Nuqul kamid ahi soo gaadhay Somalilandlive.com, ayaa u dhignaa sidatan:
Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxaa uu hambalyo u dirayaa guud ahaanba shacbiga reer Somaliland, gaar ahaana taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI meel kasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda curashada sanadka cusub ee 2015-ka awgeed.
Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland in sanadka sanadkiisa ay ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Isaga oo sida oo kalena Illaahay uga baryey guud ahaanba inta xanuunsanaysa in uu xanuunka ka dulqaado, intii dhimatayna uu u naxariisto oo janatul Fardawsa uu ka waraabiyo.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Ciro, waxaa uu sida oo kale uu umadda reer Somaliland uu Illaahay uga baryeyaa ictiraaf buuxa oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.
Waxaana uu guddoomiye Ciro uu leeyahay hambalyo hambalyo Alleh sanadka sanadkiisa ha idin ku gaadhsiiyo nabad, caafimaad qab, cimri dherer iyo cibaado suuban.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI
Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured