Maxaa Ka Jira In Isku Shaandhayn Balaadhan Oo Tabashada Awdal Sabab U Tahay Madaxweyne Silaanyo Soo Gabagabeeyay Iyo Wejiyo Cusub Oo Ka Dhex Muuqda….

0
Thursday January 01, 2015 - 08:01:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Isku Shaandhayn Balaadhan Oo Tabashada Awdal Sabab U Tahay Madaxweyne Silaanyo Soo Gabagabeeyay Iyo Wejiyo Cusub Oo Ka Dhex Muuqda….

    Hargeysa (Xogreebnews.com_Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la weriyey in uu Maalmaha Innagu soo fool leh seefta kula dhex dhici doono golihiisa xukuumadda. Isku-shaandhayntan oo saamayn doonta golaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Xogreebnews.com_Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la weriyey in uu Maalmaha Innagu soo fool leh seefta kula dhex dhici doono golihiisa xukuumadda. Isku-shaandhayntan oo saamayn doonta golaha Hargeysa (Xogreebnews.com_Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la weriyey in uu Maalmaha Innagu soo fool leh seefta kula dhex dhici doono golihiisa xukuumadda. Isku-shaandhayntan oo saamayn doonta golaha wasiirrada, hay’addaha madaxa banaan, Agaasimayaasha guud iyo weliba maareeyayaasha xarumaha dawliga ah ayaa la sheegay in qaarkood laysku beddelayo, qaar daaqadda laga saarayo, halka wejiyo cusubna lagu ay ku soo biiri doonaan.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca madaxtooyada, hase yeeshee Warar madax banaan aa aanu Helnay ayaa tibaaxay in isku shaandhaynta doorkani ay salka ku hayso sababo gaar ah oo sanadihii u dembeeyey xukuumadda ladh ku hayay, kuwaas oo ay ugu muhiim san tahay xiisadda ka aloosan gobollada galbeedka Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal oo tabashooyin is biirsaday ka tirsanaya Saamiga Madaxweynuhu ka siiyey Xukuumaddiisa.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dib u eegistan la weriyey in Madaxweynuhu ka caydhin doono xubno jagooyin muhiim ah ka haya xukuumaddiisa, isla markaana uu wejiyo cusub oo ay hoggaanka dhaqanka ee Awdal soo xusheen u magacaabi doono wasiirro, wasiir ku xigeeno iyo xilal kale kuwaas oo la sheegay inay tiro ahaan iyo talo ahaanba ku iman doonaan rabitaanka shacbiga gobolkaas.
Sida ay xogahani noo xaqiijiyeen ayaa la weriyay in arrintan ka dembeysay kadib markii Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Siilaanyo iyo wasiirro ka soo jeeda Awdal ay ka soo laabteen socdaal xaalad-dejin ah oo ay maalmihii la soo dhaafay ugu maqnaayeen Boorama. Wasiir waran Cadde oo hor kacaya odayaal wakiil ka ah Bulshada Boorama ayaa shalay markuu soo laabtay Waxa uu qasriga madaxtooyada geeyey Natiiijaddii uu ka siday Socdaalkaas iyo xubnihii uu hor kacayay waxaana ay madaxweynaha farta ka saareen warbixin biyo kama dhibcaan ah oo ka ka turjumaysa xaallada gobolku ku sugan yahay iyo saluuga ay ka qabaan saami qaybsiga xukuumaddiisa.
Kulankaas oo shalay ka qabsoomay xafiiska Madaxweynaha ayaa warku tibaaxay in odayaashu ugu bandhigeen qorshahood iyo rabitaankooda, kuwaas oo madaxweynuhu ka gudoomay dalabkooda una ballan qaaday in uu wax badan oo la taaban karo ka qaban doono una magacaabi doono Wasiirro uu qaarkood u magacaabo wasaarado muhiim ah, halka kuwo kale oo ay ka mid tahay Marwo Luul Xasan Mataan oo ahayd Madaxii xarunta derbi-jiifka Hargeysa ee Xukuumaddu Inqilaabtay kal hore u magacaabi doonto Wasiir,, sidoo kale waxaa iyagana carabka lagu dhuftay Mr Taani oo ah nin ku takhasusay dhinaca dhaqaalaha ( Economics) iyo C/aalhi Maxamed Habane ( C/laahi dheere) oo ah ruug cadaa siyaasada Somaliland muddo badan kusoo jiray imikana ah xoghayaha goblaha guurtida somaliand.
Kulankaasi oo is afgarad ku dhammaaday ayaa markii laga soo dareeray ay odayaashii gobolku isla shalay galab-ba u carraabeen dhinaca Boorama. Warka isku shaandhaynta waxaa sheegay in madaxweynuhu ku soo beegi doono maalmaha u horeeya ee sanadkan curtay [2015].



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured