Xaquuqda ka qaybgalka siyaasadda ee beelaha la hayb sooco ee ku Dhaqan Somaliland

0
Wednesday December 31, 2014 - 16:49:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaquuqda ka qaybgalka siyaasadda ee beelaha la hayb sooco ee ku Dhaqan Somaliland

    Waa maqaal si xidhiidh ah ugu soo baxa warbaahinta madax banana oo ku saabsan xaquuqda ka qaybgalka siyaasadda dalka ee beelaha la hayb sooco, waxaa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka beelaha la hayb sooco ee VOSOMWO waxaana maalgelinta ka taageer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maqaal si xidhiidh ah ugu soo baxa warbaahinta madax banana oo ku saabsan xaquuqda ka qaybgalka siyaasadda dalka ee beelaha la hayb sooco, waxaa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka beelaha la hayb sooco ee VOSOMWO waxaana maalgelinta ka taageeray NED.

Ururka Codka Haweenka beelaha la hayb sooco ee VOSOMWO waxa uu u halgamayaa una soo jeedinayaa xukuumadda iyo golayaasha sharci dejinta iyo xisbiyada siyaasadeed in Ka qaybgalka siyaasadda ee beelaha la hayb sooco waa inuu qayb ka ahaado dimoqraadiyadda horumarka dalka ka socda si loo wada siman yahay. Marka laga eego dhinacyada diinteenna islaamka ahi sida ay ina farayso sinaanta dadka muslimka ah, sidoo kale distoorka qaranka, Xeerarka caalamaiga ah iyo kuwa gololeed ee xuquuqda aadamaha waxa ay sugayaan in Muwaadininnta dalkan Somaliland oo dhami ay leeyihiin xuquuq isku wada mid ah taasi oo loo wada siman yahay furasadaha dhinaca horumarka iyo nolosha sida;waxbarashada, shaqada iyo ka qaybgalka siyaasadda dalka. Sidaa darteed, waa inay ay meel ku yeeshaan hogaanka siyaasadda ee bulshada ay ka midka yihiin, oo ay wakiilo metelaaya beelaha la hayb soocaa ay ka dhex muuqdaan golayaasha talada and dejiya siyaasadaha horumarinta bulshada min heer degmo, gobol ilaa heer qaran.

Marka aan dib u eegno doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay waxa ay natiijadii ka soo baxday miijisay, inkastoo ay dadaal badan sameeyeen oo musharaxiin badan oo heer deegaan iyo mid baalamaanka ah ay ka soo baxeen beelahan laga tida badan yahay, haddana waxaa caddaatay in aanay dadka la hayb soocaa marnaba ku soo bixi karin codka ama doorashada tooska sababo dhaqaale, bulsho, deegaan iyo kuwo kale awgeed, taasi oo waajib ka dhigaysa in ay jiraan hab ama nidaam siyaasadeed oo fursad siinaya dadka laga tirada badan yahay inay kuraas go’an ku yeeshaan golayaasha qaranka taasi oo loo yaqaano (Quota system), sidaa darted isbedel dhinaca sharciyadda iyo habka doorashada ee dalka kaasi oo fursad siinaya dadka laga tirade badan yahay ayaa lagama maarmaan u ah gaadhista fursadda ka qaybgalka siyaasadda ee beelaha la hayb sooco ee somalilnad.

Waxaa fure u ah taageerada ama furasadaha sharciyeed ee ay kaga qayb qaadaan karaan siyaasadda iyo hogaanka ummadda, in xisbiyada qaranka ee hogaamiya siyaasadda dalku ay meel uga baneeyaan si dadka la hayb soocaa ay ugu suurtogasho ka qaybgalka tlada dalka.waxaa iyaguna door wayn ka qaadan kara golayasha sharci dejinta, hogaamiyayaasha qaranka, xukuumadda iyo maamulada gobolada iyo degmooyinka, sidoo kale codka iyo dhawaaqa culimada diinta iyo hogaan dhaqameedka. Ayaa bulshada guud ahaan iyo hogaanka dalkaba wacyigooda wax ka bdeli kara haddii ay u hadlaan ama ay taageraan sidii ay dadkaasi laga tirade badan yahay ula sinaan lahaayeen dhinacyada fursadha iyo xuquuqda ka qaybgalka siyaasadda sida muwaadiniinta kale. Waxaa iyaduna muhiimaddeeda leh in dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco, hogaankooda, aqoon yahankooda iyo wax garadkooda oo is abaabula lana yimaadda dadaal iyo wax doonis oo garta ama barta xuquuqda ula sinaanta fursadaha dhamaan muwaadinninta ee dastuurka qaranku u sugaayo. Sidaas darted, Waxaa lagama maarmaan ah in heerka xuquuqda dadka la hayb sooco ee Somaliland ku nooli ay la jaanqaaaddo geedi socodka horumarka iyo daryeelka xuquuqda muwaadininta guud ahaan.

Sida aynu dhamaanteen wada qirayno ama siyaasi kasta ka sheego meelaha maxfalada siyaasadeed ee ay ka jeedinayaan hadalada caamka ah, qofna kama qarsoona in Dadyawga laga tirada badan yahay ama la hayb sooco ee dalkan Somaliland ku Nooli ay xaq buuxa u leeyihiin sinaan xagga xuquuqda iyo fursadaha horumarka nolosha saameeya in ay helaan. Gaar ahaan dhinaca ka qaybgalka siyaasadda iyo hogaanka dalka

Madaxwaynaha iyo xukuumadda Kulmiye ee hadda ka talisa dalkan Somaliland anagoo uga Mahad celinayna dadaalka iyo doonista uu mar horeba u muujiyay gaadhista ama sharciyadda Quotada — ama kuraasta cayiman ee haweenka iyo dadka la hayb sooco ay fursad ugu heli karaan ka qaybgalka siyaasadda ee dalka. Haddana, waxaan ka filaynaa in balan qaadkii ay horena u samaysay ee barnaamijka siyaassadda ee xisbigana ay ku sheegtay si, horumar, adeegbulsho, dhaqaale, daryeel iyo xuquuq loo wada siman yahay in la helo dariiq sharciga waafaqsan oo ay kaga qaybgalaan golayaasha lagu qorshaynayo siyaasadda khusaynaysa baahidooda iyo noloshooda, isla markaana siinaya fursad ay waxtarkooda ku yeeshaan horumarka bulshada. Sidoo kale golayaasha sharci-dejinta, xisbiyada qaranka, aqoonyahanka, culimada diinta iyo dhammaan dadwaynaha waxaannu u soo jeedinaynaa dhammaantood in la beddelo hab-dhaqanka bulsho ama siyaaysadeed ee dhiirrigalinaya xaqiraadda dadka la hayb-sooco. “Ummaddii iyadu dhexdeeda is ictiraafta ayaa dadyawga ama dalal kalena ictiraafi karaan”, markaas bulshawaynta somaliland waa inay aqoonsadaan xuquuqda ka qaybgalka siyaasadda ee muwaadiniinta ka soo jeeda beelaha la hayb sooco, si aan aqoonsi uga helno bulshada caalamka.

Allaa Mahad leh — la soco maqaalka dambe……..

VOSOMWO Hargeisa - 30-Dec-14




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured