Xukuumada oo Bilowday Hawlgalka Kala Xadista Mucaaridka iyo Ku Qancinta Mudo Kordhin Cayiman.

0
Wednesday December 31, 2014 - 16:16:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada oo Bilowday Hawlgalka Kala Xadista Mucaaridka iyo Ku Qancinta Mudo Kordhin Cayiman.

    Hargaysa (XOGREEBNEWS_ Waxaa Sadexdii Caano Maal ee u danbeeyay Suuqyada Siyaasada ee Somaliland laga dareemay dhaqdhaqaaq ay Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku Xod-xodanayso Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (XOGREEBNEWS_ Waxaa Sadexdii Caano Maal ee u danbeeyay Suuqyada Siyaasada ee Somaliland laga dareemay dhaqdhaqaaq ay Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku Xod-xodanayso Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid
Hargaysa (XOGREEBNEWS_ Waxaa Sadexdii Caano Maal ee u danbeeyay Suuqyada Siyaasada ee Somaliland laga dareemay dhaqdhaqaaq ay Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku Xod-xodanayso Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe isla markaana ay ku rabto inuu ogolaado Mudo Kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa oo Mudada Xil hayntoodu ay gabaabsi tahay.Talaabadan Waxaa dabada ka riixaya Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada oo ay ugu Cad Cad yihiin Wasiirka Madaxtooyada iyo Maaliyadda kuwaas oo loo xilsaaray fulinta qorshahan dhagaraysan ee lagu khaarajinayo Qabsoomida doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada oo ku Mudaysan 26 ka Bisha June ee Sannadka Cusub.Asbaabaha Keenay dhaqdhaqaaqan cusub ayaa ku Taxaluqa in dawladu u aragto in aanay sinaba Suurto gal u ahayn in doorashadu ku dhacdo wakhtigii loo qoondeeyay isla markaana ay ku sababaysay in si Cago Jiid ah ay u socoto Hawsha Diiiwaangelinta Madaniga ah maadaama aan ilaa iyo iminka dadkii is diiwaangeliyay 90% aanay qaadan Kaadhkii Jinsiyada,Xogahani waxaa kale oo ay Tilmaamayaan in Xukuumadu ay ka Il-heshay Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Hogaankoodu ka Yimid dhinaca Madaxweynaha, Sidaas oo ay tahayna laga dhex arkayo inay weli ku asqaysan yihiin Hawsha Qaran ee loo igmaday iyadoo dhanka kalena ay dawladu u muuqato in Xubnaha Komiishanku aanay qaadan karin go'aan ku saabsan dib u dhigid lagu sameeyo labada doorasho ee is barkan,halka aanay sidoo kale muuqan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ay ahayd in labada diiwaangelimood is barbar socdaan sidii lagu heshiiyay.Tuhumo Tibaaxahoodu soo ifbaxayaan ayaa sheegaya in Xukuumadu is tustay in dhawaqa Mudo Kordhintu uu ka soo yeedho dhanka Xisbiyada Mucaaridka taas awgeed waxay go'aansatay in aanay wax wada xaajood ah kala yeelan qadiyadan Xisbiga Waddani oo dagaalkii u xumaa dhex miranayo,iyadoo Qorshahan ay kaga galgalanayso doorashada ula Kacday Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Mudooyinkii danbe lagu xamanayay inuu garabsaar la yahay dawlada, Waxayna Madaxda hawl galkan dabada ka riixayaa ay isku qanciyeen in Gudoomiye Faysal uu yahay ka qudha ee fududayn kara hirgalinta dabinkoodan Cusub,Wararku waxay sheegayaan In Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Labadan Wasiir ay Kulamo gaar gaar ah oo ay hawshan kaga arrinsanayaan ku yeesheen Mid ka mid ah Huteelada Caasimada ee Lugta Saxaafadu aanay ku badnayn.Tibaaxahani waxay sheegayaan in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid loo bandhigay sidii uu ugu dhawaaqi lahaa in aanay Munaasib ahayn in doorashadu ku dhacdo Xiligii loogu talagalay iyo in Mudo kordhinta Guurtidu sharciyayn doonto aanay ka badnaan Hal Sanno iyo badh.Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka Hadlay Xaalada Doorashooyinka iyo rajada aan Muuqan “ Marxaladan Waxaa loo baahan yahay in Is afgarad laga lagaga baxo ilaa hada Diiwaangelintii lama bilaabin ilaa hada Komiishanku Hawshii Muu bilaabin,Kambaniyadaniina Qandaraaskii lama siin,Lix biloodna way ka hadhay Doorashadii Guurtidii oo Xeer qabtaana aanu Jirina halkan ayay inoo fadhidaa Markaas Waxaan soo Jeedinayaa in Wada hadal iyo is afgarad lagaga baxo arrintan, Cid la Mustafeeyayna Ma Jirto.” Sidaas ayuu Yidhi Gudoomiyaha Ucid Mar uu ka hadlayay Shirweynihii 5aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.Dhawaqan ayaa ifafaale togan u ah Isbedel Siyaasadeed oo ku Yimid Mawqifkii adkaa ee Eng Faysal Cali Waraabe ee ku wajahnaa inaan hal maalin lagu dari karin in doorashadu dib u dhacdo.Ilaa iyo hada Ma jiro Wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee ku foogan meel marinta Hindisahan,hasa yeeshee waxay xogahani sheegayaan in Gudoomiye Faysal loo balan qaaday in marka hore gacanta loo geliyo dhul uu mudo dheer ku doodayay in awood dawladeed lagaga qaaday sidoo kalena la siiyo Dhisme Guri iyo dhaqaale kale oo aan la cadayn inta ay tahay.Qadiyadan oo dadka Siyaasada lafo guraa isha ku hayaan ayaa sheegaya in hadii ay u dhacdo sida ay Xukuumadu doonayso ay taasi ka dhignaan doonto in Markii 1aad Taariikhda Somaliland uu Hogaamiye Xisbi Mucaarid uu u Xuubsibto inuu Masiirka Shacabka dhaafsado dan gaar ahaaneed,Xukuumaduna ay ku andacoon doonto in dib u dhigista doorashada iyo Mudo kordhinta Madaxweynuhuba ay ka timid dhanka Mucaaridka oo Garawsaday Suurto galnimada in doorashadu xiligeedii aanay ku dhici karin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured