Ethopia Oo Sudaan Kula Heshiisay Inay Isticmaasho Dekadaheeda Iyo Daraasad Ay Ku Samaynayso Sidii Ay U Adeegsan Lahayd Dekeda SAYLAC

0
Tuesday December 30, 2014 - 16:37:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethopia Oo Sudaan Kula Heshiisay Inay Isticmaasho Dekadaheeda Iyo Daraasad Ay Ku Samaynayso Sidii Ay U Adeegsan Lahayd Dekeda SAYLAC

    Hargeysa (Xogreebnews) — Wasiiro-dawlaha gaadiidka iyo isgaadhsiinta ee Itoobiya, Getachew Mengeste, ayaa shaaca ka qaaday in dakiisu uu adeegsan doono dekadaha Suudan si uu wax dibada ugula soo dego

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Xogreebnews) — Wasiiro-dawlaha gaadiidka iyo isgaadhsiinta ee Itoobiya, Getachew Mengeste, ayaa shaaca ka qaaday in dakiisu uu adeegsan doono dekadaha Suudan si uu wax dibada ugula soo dego

Hargeysa (Xogreebnews) — Wasiiro-dawlaha gaadiidka iyo isgaadhsiinta ee Itoobiya, Getachew Mengeste, ayaa shaaca ka qaaday in dakiisu uu adeegsan doono dekadaha Suudan si uu wax dibada ugula soo dego. Wasiirka ayaa intaa ku daray, in dekadaha Suudan uu dalkiisu wax ka dhoofsan jirey wixii markii hore. Getachew ayaa sheegay in go’aankan la gaadhay kadib markii la ogaaday in dhaqaalaha Itoobiya aad u korayo.

Labada wadan ayaa qalinka ku duugay heshiis dhigaya in Itoobiya ay dekadaha Suudan uga soo degaan 50 kun oo tan oo bacriminta(fertilizers) beeraha ah.Mar uu ka hadlay sidii xal loogu heli lahaa keydinta alaabta la soo dajinayo, waxaa uu wasiirku sheegay in bakhaar weyn oo lagu keydiyo alaabta laga dhisay goobta lagu magaacabo Mojjo.Waxaa xusid mudan, in dhawaan wafdi ka socda Itoobiya ay ku tageen booqasho Somaliland si ay u soo kormeeran dekada Berbera oo Itoobiya maanka ku hayso adeesigeeda. Waxaa jira warar kale oo tibaaxaya in Itoobiya daraasad ku samaynayso sidii ay u adeegsan lahayd dekada Saylac.

Dawlada Itoobiya ayaa ku dadaalaysa sidii ay uga maarmi lahayd dekadaha Eritrea oo ay horey ugu tiirsanayd iyo hoos u dhigga ku tiirsanaanta Jabuuti. Dawlada ayaa ka baaran dageysa in aan la isku halayn hal wadan oo kaliya maadaama wax kasta dhici karo.

Xogreebnews/Office

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured