Hargeysa(Xogreebnews) Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa waxa uu amaan balaadhan uu u soo jeediyey Guddida Ilaalina Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada, waxaanu ku amaanay daba-galka iyo baadhitaanka ay ku hayaan Wasaaraddaha iyo Haya’ddaha Xukuumadda ee kala duwan.
Hargeysa(Xogreebnews) Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga
Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa waxa uu amaan balaadhan uu u soo jeediyey
Guddida Ilaalina Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada, waxaanu ku amaanay
daba-galka iyo baadhitaanka ay ku hayaan Wasaaraddaha iyo Haya’ddaha Xukuumadda
ee kala duwan.
Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac,
ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika, u waramay, wuxuu Madaxweynaha Somaliland
ugu baaqay in aanu ka aamusin Hantida Qaranka ee la lunsanayo.
Guddoomiyaha Madasha ayaa sidoo kale Guddida ilaalinta Hantida
Qaranka ee Golaha Wakiilada ugu baaqaya inay aanay shaqadooda cidna u daba
fadhiisan, “Guddida ilaalinta iyo Hantida Qaranka aad iyo aad ayaan ugu
amaanayaa sida wacan ee ay u gudunayaan waajibkooda shaqo iyo sida ay u
baadhayaan, baadhitaanka iyo daba-galkana ugu hayaan Wasaaraddaha iyo
Hay’addaha kala duwan ee Dawladda, iyo sida ay u soo saraan musuqmaasuqa iyo
hantida Qaranka ee la lunsaday,walibana iyaga oo aan ku eekayn Caasimadda ee
Gobolada dalka oo dhan, baadhitaanka ku wada, waxaana leeyahay waa Guddida
qudha ee ilaa hadda la odhan karo sida ugu wacan, uguna daacadsan ayey
xilkoodii uga soo baxeen, waxaana kula talinaya inay hawlaha iyo baadhitaanka
halkaas ka sii wadaan, oo cidna aanay u joojin, waxaana sidoo kale Guddiyada
kale ee Golaha Wakiilada iyana aan ugu baaqaya inay sidan oo kale iyana
waajibkooda u gutaan, oo cidna aanay ka baqin, waxaana la odhan karaa tan iyo
intii uu Golaha Wakiiladu jiray waa markii ugu horeeysay ee Golaha Wakiiladu
sidi ugu wacan u shaqeeyey, xilkiisana u gutay”.
Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland oo hadalkiisa sii
wata ayaa yidhi “Guddida ilaalinta Hanitda Qaranka, wixii ay halaan ee
musuqa-maasuqa waa inay Umadda u soo bandhigaan, oo aanay cidna ka abaashan,
haddii kale anaga ha noo sheegaan oo farta ha noogu fiiqaan cidii Hantida
Umadda lunsatay anaga ayaan ka aamusayn oo meel walba ka sheegaynaa cidii
Tuugnimo ku xaday Hantida Qaranka, wakhti aan aad u yaraa ayaa waxaan arkay Nin
tuug ah oo baadhanaya Nin kale, waan sheegay, Ninkii tuuga ahaa ayaa laad
qaadoo si xun iigu dhuftay, waxa taas ka dhigan in Guddidan lagu yidhi Berbera
ma soo gali kartaan, iyada oo laga baqayo in Hantida la lunsaday ee Qaranka”.
Xasan Guure Jaamac mar uu ka jawaabayey hadal dhawaan ka soo
yeedhay Hanti dhawraha guud ee Qaranka waxa uu yidhi “Hanti dhawraha guud ee
Qaranku waxa uu masuul ka yahay ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka, oo
halkii uu ka dabagali lahaa baadhitaana ku sameeyn lahaa Musuq-maasuqa iyo
hantida Qaranka ee la lunsaday ayuu difaacay Xukuumaddiina isna Is difaacay,
waxaanu sheegay in aan waxa hantiya oo la lunsaday aanay jirin, dadku ma maalig
baa, Hanti la musuqay oo la lunsaday walibana Xukuumaddu lunstay wey jirtaa, oo
waa kuwaas Guddida ilaalinta Qaranka ee Golaha Wakiiladu sheegay, balse waxa
ayaan daro ah in Wadaadkan Hanti dhawruhu uu ka baqayo Madaxweynaha iyo
Xukuumaddiisa, oo waxa dhab ah in haddii uu is yidhaahdo xilkaaga si daacadnimo
ku dheehan tahay u gudo inuu ka baqayo in la eriyo, oo waxa uu raali ka yahay
in Hantida Qaranka la lunsado, waxa kale oo ayaan daro ah in Madaxweynuhu ka
aamuso waxna ka qaban waayo Musuqan iyo Hantida Qaranka ee la lunsanayo, waana
inuu wax ka qabtaa.”
Xasan Guure Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa wax
aad loola yaabo ah in si deg deg ah loo ansixiyo Misaaniyad sannadeedka ay
Wasaaradda Maaliyaddu ay Golaha Wakiilada u soo gudbisay iyada oo aan si
wanaagsan looga doodin, balse markii Golaha Wakiilada Musharka loo kordhiyey
ayey iyana is dhaafiyeen oo ay ansixiyeen, inay baadhitaan badan ku sameeyaan
ayey ahayd.”
“Waxa Ayaan Daro Ah In Wadaadkan Hanti Dhawruhu Uu Ka Baqayo Madaxweynaha Iyo Xukuumaddiisa, Waxa Kale Oo Ayaan Daro Ah In Madaxweynuhu Ka Aamuso Musuqan Iyo Lunsiga Hantida Qaranka”Xasan Guure
Hargeysa(Xogreebnews) Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa waxa uu amaan balaadhan uu u soo jeediyey Guddida Ilaalina Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada, waxaanu ku amaanay daba-galka iyo baadhitaanka ay ku hayaan Wa