Somalia:Maraykan Oo Duqaymo Xaga Cirka Ah Ku Bar Tilmaameedsaday Kooxda Al-shabab.

0
Tuesday December 30, 2014 - 16:24:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:Maraykan Oo Duqaymo Xaga Cirka Ah Ku Bar Tilmaameedsaday Kooxda Al-shabab.

    Muqisho (Xogreebnews) Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqemo cirka ka fuliyay deegaan ku dhow degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kaasoo ah mid ay gabi ahaantiis gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqisho (Xogreebnews) Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqemo cirka ka fuliyay deegaan ku dhow degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kaasoo ah mid ay gabi ahaantiis gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab.

Muqisho (Xogreebnews) Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqemo cirka ka fuliyay deegaan ku dhow degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kaasoo ah mid ay gabi ahaantiis gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay maqleen qaraxyo waa-weyn oo ahaa duqeymo diyaaradeed, iyadoo duqeynta ay ka dhacday deegaanka Jawaarey oo ku dhow degmada Saakow.

Ilo-wareedyo qarsoon ayaa sheegay in duqeynta lagu beegsaday sarkaal sare oo Xarakada Al-shabaab ka tirsan, inkastoo aan magaciisa la sheegin, sidoo kalena lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan.

Warka laga helayo wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa iyana ku xustaywar kooban oo ay soo saartay in weerarkaas uu jiro, balse weli qiimeyn ku hayaan sidii ay wax u dhaceen.

“Waqtigan la joogo waxaa la qiimeynayaa sida ay wax u dhaceen iyo wixii khasaare ah ee duqeynta ka dhashay,” ayaa lagu yidhi wa qoraalka oo kasoo baxay xarunta Pentagon-ka Mareykanka. Iyagoo sheegay inay sida ugu dhakhsiyo badna ay warbixin uga soo saari doonaan duqeyntan.

Dhanka kale, weerarkan ayaa imaanaya xilli Sabtidii lasoo dhaafay uu isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab kaasoo horay loo dul-dhigay baadi-goobkiisa aduun dhan 3 malyan oo Dollar,waxaana la rumaysan yahay in sirdoonka beesha caalamka ee xaruntoodu tahay bariga afrika ay macluumad badan ka heleen ku saabsan kooxda Al-shabaab.



Si kastaba ha ahaatee bishii September ee sannadkan ayay ahayd markii ay Mareykanku duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose ku dileen hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane,lamana oga in tana ay ku bartil maameedsadeen hogaamiyaha cuusb ee kooxdaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured