"Wasiir Cuqaasha Awdal iyo Salal Kala Badh Baan Mushahar Qaadan..."Wasiirka Beeraha

0
Tuesday December 30, 2014 - 16:22:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wasiir Cuqaasha Awdal iyo Salal Kala Badh Baan Mushahar Qaadan..."Wasiirka Beeraha

    Boorama(Xogreebnews) Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa ka digay in Dhalinyarada Reer Awdal lagu abuuro Nacayb iyo waxyaabo xumaan ah oo loo galiyo Bulshooyinka Somaliland ee aanay xumaani ka dhexayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama(Xogreebnews) Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa ka digay in Dhalinyarada Reer Awdal lagu abuuro Nacayb iyo waxyaabo xumaan ah oo loo galiyo Bulshooyinka Somaliland ee aanay xumaani ka dhexayn.

Boorama(Xogreebnews) Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa ka digay in Dhalinyarada Reer Awdal lagu abuuro Nacayb iyo waxyaabo xumaan ah oo loo galiyo Bulshooyinka Somaliland ee aanay xumaani ka dhexayn.

Wasiirka oo Hogaanka dhaqanka kula hadlayay Boorama, ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay Madaxda dhaqanka oo uu sheegay inaan kala badhkood dawladda ka helin wax mushahar ah, inta heshaana aanay qaadan wax u qalma. Madasha oo wasiirka Daakhiligu ku sugnaa ayuu ka codsaday in Odayaasha ku hawlan amaanka loo raadiyo Mushahar,inta qaadatana loo kordhiyo.

“Wasiir Maanta Waad fadhidaa,Cuqaasha Dalku waa Kumanaan, halkan waxaa laga sheegay waa saddex boqol iyo Xogaa Cuqaal ah oo Labada gobol ah(Awdal iyo Salal),markii la sheegayay inta Mushaharka ka qaadata waa boqol iyo dhawr iyo konton, waxaa bilaa Mushahar ah Nus,inta qaadatana waxay tuulada ku xigta ku gaadhaan ma qaataan, waa Dadkaynu ka doonaynay inay dabkasta oo meel ka kaca damiyaan.markaa ka wasiir ahaan iyo Xukumad ahaanba waxaan codsi gaar ah ku leeyahay waa in dib loo eego Cuqaasha bilaa Mushaharka ah iyo kuwo qaata oo loo kordhiyo" ayuu yidhi Wasiir Geedoole

Wasiir Geedoole sidoo kale waxa uu sheegay inaan tabashada reer Awdal xidhiidh la lahayn Suldaanka baxay iyo inta la fikirka ahi. Ugu horayn isagoo arimaha dhalinyarada ka hadlay wasiirku waxa uu yidhi “Yaan dhalinyaradeena Been loo sheegin, yaan dhalinyaradeena Colaad iyo Xumaan aan jirin la galin oo dad aan Nacayb inaga dhexaynin aan la necbaysiin”

Wasiirku waxa uu sheegay inaan arrinta Suldaan Wabar aanay la xidhiidhin tabashada reer Awdal qabaan “Arrinta tabashadu arrin gaar ayay ahayd, Ragga baxay tabasho umay bixin kana aqbali mayno, Tabashaan u baxa Wallaahi inaanan ka aqbalayn. Raggii tabashada u yimid waa kuwa halkan fadhiya, waanuna dejin lahayn arrintaas baa na habsaamisay” ayuu yidhi Wasiir Geedoole.

Tabasho xooggan oo ku salaysan Saami qaysiga Kuraasta Xukumadda iyo Shaqaalaha oo Hogaanka dhaqanka ee Awdal soo jeediyay dhawr jeer ayaan wali Madaxweyne Siilaanyo ka bixin jawaab, inkasta oo wasiiraddiisu sheegaan inay haatan dhaw-dhawdahay.

Xaaladda Gobolka Awdal ayay aamusnaanta Madaxweyne Siilaanyo ka abuurtay Xiisad ka dib markii uu Suldaan Wabar Buuraha galay.Shacbiga Awdal ayaa si aada looga dareemayaa sidaanay ugu niyad samayn Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured