Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiilada Oo Wada Shaqayn Ku Heshiiyay Muran Kala Dhexgalay Kaddib
Hargeysa(Xogreebnews) Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka u qaabilsan Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, kulankaasi oo ay labada dhinac isku xog waraysanayeen
Hargeysa(Xogreebnews) Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida
Qaranka u qaabilsan Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta kulan la qaatay
Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, kulankaasi oo ay labada dhinac isku
xog waraysanayeen islamarkaana Xildhibaanadu ku waydiinayeen Wasiiradda hab
maamulka Miisaaniyadeed ee wasaaraddda. Kulanka oo Saacado qaatay ayaa labada dhinac warbaahinta u
sheegeen inay isla afgarteen wixii mad-madow kaga jiray, haddana ku heshiiyeen
wada shaqayn dhaw oo wasaaradda iyo Guddida dhex marta. Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam ayaa ahayd Wasiirkii u
horeeyay ee si adag uga soo horjeedsatay Warbixin Musuqmaasuq ooh ore Guddidu u
soo saartay taasi oo ay ku dooday inay been ka sheegeen Kharashaadka Wasaaraddu
ku bixiso Gobolada. “Guddidu waxay wax naga waydiisay Lacagaha oo ay lexejeclo ka
leeyihiin anaguna aanu diyaar u nahay inaanu tusno shillin walba halkii uu
maray oo xaqiiqdii ah wax loo baahan yahay.waa wax muhiim ah oo dadka Kalsooni
galinaya inay ogaadaan in Gobol walba uu gaadhay wixii uu xaq u lahaa iyo
waxyaabaha ka dhiman in laga wada halgalo. Waxaanu guddida isla garanay inaanu
wax isla eegno oo wada shaqaynfiican yeelano” ayay tidhi Wasiir Samsam. Gudoomiyaha Guddida Dabagalka hantida qaranka Xildhibaan Maxamed
Cali Xirsi(Obama), ayaa ka hadlay kulanka Masuuliyiinta Waxbarashada ay la
yeesheen “Guddidu baryahan ba way shaqaynaysay, Kulankan wasiirku wuxuu ku
noqonayaa dhawr iyo Labaatan kulan oo aanu la yeelanay Wasiiro iyo
Masuuliyiinta Hay’addo, waxaanu Wasiirka isla garanay in Wasaarad ahaan iyo
Guddi ahaanba qolo walba waajibaadka Dastuurku na farayo dhinaceeda u gudato,
waxaanu isla garanay inaanu wada shaqayn dhaw la yeelano wasaaraddan
waxbarashada oo ah wasaarad aad u muhiim ah” ayuu yidhi Gudoomiye Obama. Masuuliyiinta heer Gobo lee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland
ayaa si adag uga soo horjeestay, islamarkaana warbaahinta soo mariyay siday uga
soo horjeedaan Warbixin Guddida dabagalka hantida qaranku ku sheegtay in
Miisaaniyadda Gobolada ee wasaaradduhu aanay wada gaadhin dadkii loogu talo
galay badankeedana lagu isticmaalo xafiisyada dawladda ee Hargeysa. Leave a comment |
|
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiilada Oo Wada Shaqayn Ku Heshiiyay Muran Kala Dhexgalay Kaddib
Hargeysa(Xogreebnews) Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka u qaabilsan Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, kulankaasi oo ay labada dhinac isku xog waraysanayeen