Gudoomiyaha Ucid Oo Sheegay Inuu Hayo Qorshe Nabadeed Oo Xaaladda Awdal Lagu Dejiyo, Walaacna Ka Muujiyay Doorasho Dalka Ka Dhacda

0
Monday December 29, 2014 - 16:17:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Ucid Oo Sheegay Inuu Hayo Qorshe Nabadeed Oo Xaaladda Awdal Lagu Dejiyo, Walaacna Ka Muujiyay Doorasho Dalka Ka Dhacda

    Hargeysa(Xogreebnews) Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu hayo Qorshe nabadeed oo lagu soo afjari karo Xiisadda Gobolka Awdal ka taagan, si ay suuro gal u noqoto in dalka Doorasho laga qabto. Eng Faysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu hayo Qorshe nabadeed oo lagu soo afjari karo Xiisadda Gobolka Awdal ka taagan, si ay suuro gal u noqoto in dalka Doorasho laga qabto. Eng Faysal waxa kale oo uu Guurtida u soo jeediyay inay faraha ka laabtaan muddo kordhin kasta oo Xukumaddu doonayso.

Hargeysa(Xogreebnews) Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu hayo Qorshe nabadeed oo lagu soo afjari karo Xiisadda Gobolka Awdal ka taagan, si ay suuro gal u noqoto in dalka Doorasho laga qabto. Eng Faysal waxa kale oo uu Guurtida u soo jeediyay inay faraha ka laabtaan muddo kordhin kasta oo Xukumaddu doonayso.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Qorshaha Nabadeed ee Awdal ka sheegay inay ubucdiisu tahay wada tashi iyo sidii Doorasho loo suuro galin lahaa “Anigu Qorshe Nabadeed baan hayaa(Peace Plan) oo aan doonayaa in Arrinta Awdal lagu dhameeyo oo aan jeclahay inaan Madaxweynaha iyo Dawladda la wadaago. Waa inaan soo afjaro Khilaafka oo innagoo Midaysan doorasho Xalaal ah oo Nabad galyo ah galnaa,oo Talo Kaga Baxno arrintan Maanta taagan” ayuu Faysal Yidhi

Eng Faysal Waxa uu walaac ka muujiyay sida Xukumaddu arrinta Awdal u wajahday iyo Xadhiga Dhalinyarada iyo XIldhibaanada Awdal “Waxaan leeyahay waxani waa wixii inna soo maray,Wixii aynu ka xanaaqnay inaynu innaguna samayno maaha, Dhalinyarada waa la qanciyaa, ee Dhalinyar la iskuma doondoonto, waad Ogtihiin wixii ka dhacay Uffo,markaa waxay I xasuusisay dhacdadii Uffo,waanan soo dhaweynaynaa in Madaxweynuhu hadda soo daayay dadkii. Labada Xildhibaana waa in la sii daayo, iyagu Xissaanad bay leeyihiin waa in Madaxweynu waliba u yeedho”

Dhanka kale Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inuu walaac Xooggan ka qabo in doorasho dalka ka dhici doonto badhtamaha sannadka soo socda “Aniga Waligayba Wal-wal baa iga hayay,Raggii Odhan jiray Maalin dhaafimaysana waxaan u malaynayaa inay maanta dadka waxaan suuro galayn u sheegi doonaan, 26-ka Juun doorasho dhicimayso.” Ayuu yidhi Faysal

Gudoomiyaha oo iftiiminaya Sababaha keenaya dib u dhaca doorashadu waxa uu yidhi “Waxba diyaar maaha, illaa hadda Komishankii shaqo ma bilaabin, illaa hadda Shirkaddii keenaysay qalabka lama siin oo lama Shaacin, Wakhti Qorshaysan lama samayn, markaa 2009-kii baynu ku noqonaynaa,sidii barigii aan odhan jiray Siilaanyo anigaa doorkan Madaxweyne Noqonaya ee ii Daa, maantana arinti halkeedii bay taagan tahay doorashana dhici mayso”

Eng Faysal Cali Waraabe Waxa uu soo jeediyay habka suuro galin kara Doorasho “Taladu waxa weeye hala maro Sunnihii aanu mari jiray ee Madaxweyne Daahir Rayaale Mari jiray oo ah in la isku wada yimaao oo dadkak Doorashadu Khusayso oo dhami isku yimaadaan oo Komishanku ka mid yahay kaddibna halaga tashado wixii la yeelayo”

Eng Faysal Waxa uu Guurtida uga digay inay wax muddo kordhin ah sameeyaan “Guurtida waxaan leeyahay Arrintani waa Arrin Farsamo, Arrin Distoori ah maaha, Xaq uma lihidin inaad Kordhisaane Gacmaha ka laabta ayaan idin leeyahay”



Bbc



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured